Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Wasiirka H/Guud oo Daah-Furey Shir-weyne lagu soo Bandhigayo sharciga Dh. Wadooyinka Qaranka

 Kulan wada tashi ah  oo looga hadlayo  Sharciga Dhismaha Wadooyinka  iyo Buundooyinka dalka,  ayna  soo diyaarisay Wasaarada Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya  ayaa si rasmi ah ugu furmay Magaalada Muqdisho .

 Kulankaasi  oo socon doona muddo Seddex maalmood ah ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Wasiirada Wasaaradaha howlaha guud ee dowlad Goboleedyada  Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed  iyo mas’uuliyiin matalaysayay Maamulada Gobolada Banaadir, Sh/Dhexe iyo Hiiraan,  sidoo kale   kulankaasi waxaa ka qayb qaadanaya  Agaasimiyaasha, La taliyaasha, Injineerada iyo Howl wadeenada  Wasaarada Howlaha Guud  ee Dowlada  Federaalka Soomaaliya.



Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Dib U dhiska iyo Guriyeynta Injineer Saalax Sheekh Cismaan Muuse oo khudbad dheer ka soo jeediyay furitaankii kulankaasi  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada aqoon isweydaarsigaasi  qiimaha u leh habsami u socodka adeegyada qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu jecel yahay in horumar waliba ay Wasaaradiiisa la qaybsato maamul goboleedyada wadanka.


 “Seddexda cisho ee halkani aad joogtaan  waxaa la idiin soo bandhigaya  buug ka hadlayo Sharciga, Dhismaha Wadooyinka iyo Buundooyinka Qaranka, si wadajir ah ayaa layskula eegaya Nuxurka iyo Shuruucda uu ka hadlayo Buugaasi” ayuu yiri wasiir Saalax oo intaasi raaciyay in  sharcigani uu yahy mid horumarinaya  qaranka Soomaaliyeed.


Wasiirka Howlaha Guud,Dib u dhiska iyo Guriyeynta   wuxuu  ku nuux nuuxsaday in hadafka wasaaradiisa uu ku qotomo sidii dhismayaasha dalka  loo wanaajin lahaa, waxaana uu caddeeyay in  qorshaha ay  ugu jiro dhismaha Dekadda ugu balaaran Bariga Afrika, isagoo intaasi raaciyay in wasaaradiisu ay dalka keentay  Shaybaar lagu baarayo qalabka dhismaha ee  la soo dejinayo.


Injineer Saalax Sheekh Muuse Cismaan  waxa uu xusay in sida dkahsiyaha badan uu u kormeeri doono mamul Goboleeedyada dalka ka jira si  uu xog-ogaal ugu noqdo xaaladaha Wasaaradaha qaabilsan howlaha guud ee Maamul Goboleedyada,  wuxuna  ku cel-celiyay inay ka go’an tahay bilic soo celinta iyo shaqo abuurka shacbiga Soomaaliyeed,  isagoo carabka ku dhuftey in gacan ay dalka ku dhisayaan halka   gacanta kalana ay doorashada wadanka  ku galayaan.


 Madashii furitaanka kulankaasi waxaaiyana ka hadlay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Howlaha Guud Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye, wasiir Ku Xigeenada Maamul Goboledyada Jubbaland, K/Galbeed, Puntland iyo Galmudug  kuwaasi oo soo dhaweeeyay qabashada  wada tashigaasi, iyagoo balan qaaday sidii ay u meel marin lahaayeen go’aanada kulankaasi ka soo baxa. 


Wasaaradda  howlaha guud oo isku soo duwdey aqoon is weydaarsigaasi ayaa ka mid ah Wasaaradda ugu shaqada badan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaan ayaa dhawaan ku guuleysatey Dhismaha xaruntii hore ee Wasaardaasi, iyadoo ay xaruntaasi ka mid ahayd goobihii  ku burburtey Dagalaadii Sokeeye ee dalka ka dhacey.      






 

Published: 2016-08-02 16:46:16

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign