Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka

Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka ee lagu howlan yahay xuliddiisa




Stockholm , Sweden : Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye ayaa kaga dhawaaqay dalka Sweden kulan uu kula yeeshay Jaaliyadda Beesha uu ka soo jeedo inuu musharax u yahay xubinnimo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu howlan yahay xuliddiisa.


S/Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in ku dhawaaqista musharaxnimada xil Xildhibaannimo ay ka dambeysay soo jeedin ka timid qeybaha kala duwan ee Beesha uu ku heybtirsado.


Hadal uu u jeediyay jaaliyadda beeshiisa, ayaa waxaa ka mid ahaa “Anigoo ah S/Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye Ex. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (Feb.2011/Apr.2013) oo ka soo jeeda Beesha Tunni Shangamaas , gaar ahaan “Dacfaraad”, waxaan Ummadda Soomaaliyeed & Mujtamaca Tunni Shangamaas, meel kasta ha joogaanee u sheegaayaa in aan Musharax u ahay hanashada Xilka Xubinnimada Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee 2016 ee Beesha Dacfaraad ”.


“ Sida runta ah, qaar ka mid ah Odeyaasha Beesha Tunni Shangamaas, waxgaradka, siyaasiinta, culumaa’udiinka iyo indheergaratada Mujtamaca Reer Baraawe, ayaa igu cadaadiyeen in aan isu sharaxo jagadaas, kadib markii ay qiimeeyeen in aan ahay aqoonyahan iyo siyaasi u dhuun duleela xaaladda guud ee dalka, muddo aad u dheerna ku dhexjiray maamulka dalka, si daacadna u adeegay bulshada Soomaaliyeed, guulo aan la soo koobi karin, dhinaca sugidda amniga & la dagaalanka kooxda nabaddiidka ah ee Al-Shabaab xilligii aan ahaa Taliya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hawlahaas oo aan ku mutaystay abaalmarinno, ammaan & shahaado sharaf ”.


“ Haddii aan ku guuleysto Xubinnimada Barlamaanka, waxaan ballan qaadaaya in aan si daacadnimo, xilkasnimo, aadaninnimo iyo Soomaalinnimaba ula shaqayn doono Xildhibaannada, xubnaha dowladda iyo kuwa garsoorka, si si dalka iyo dadka loogu soo dabaali lahaa nidaamka iyo kala dambeynta . Waxaan ka shaqeynayn doonaa xoojinta sugidda amniga, nabadgelyada & nabad-ku-wada noolaasha, iyadoo la ogyahay in colaad, dagaal, xasilooni darro iyo is-qab-qabsi aan horumar lagu gaarin, sidaas darted, waxaa loo baahan-yahay in wax kasta si wadajir looga wada shaqeeyo”.


“ Waxaan si wadajir ah uga wada shaqaynaynaa in Federaalku uusan noqonin mid wax yeeleeya Ummadda Soomaaliyeed, laakin waa in uu noqdo mid u adeega isku keenidda ummadeena, diiradana saara in mar kale ann cagaheyna ugu istaagi lahayn. Waxaan aaminsanahay in Xildhibaannada cusub ay ka duuwanaan doonaan kuwii hore, isla markaana ay ka koobnaan doonaan aqoonyahaano badan oo waxtar u leh shacabka soomaaliyeed”.


“ Taariikh nololeydkayga, kartideyda, sharaftayda, waxqabadkayga, daacadnimadayda iyo cadaalad falkeyga waxaan u deynaaya bulshada soomaaliyeed inta i taqaana, Saraakiisha iyo Ciidankii aan hoggaaminaayay iyo Madaxda sare ee Qaranka in ay ka warbixiyaan”.


 




Published: 2016-08-03 16:42:01

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign