Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Wasiirka H/Guud Eng Saalax oo soo Gabagabeeyey Shirweynihii Sharciga Dhismaha Wadooyinka

 Kulan wada tashi ah  oo looga hadlayo  Sharciga Dhismaha Wadooyinka  iyo Buundooyinka dalka,  ayna  soo diyaarisay Wasaarada Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya  ayaa lagu soo gabagabeeyey Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta   Magaalada Muqdisho .

 Shirkaasi  oo socdey  muddo Seddex maalmood ah ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Wasiirada Wasaaradaha howlaha guud  ee dowlad Goboleedyada  Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed  iyo mas’uuliyiin matalaysayay Maamulada Gobolada Banaadir, Sh/Dhexe iyo Hiiraan,  sidoo kale   kulankaasi waxaa ka qayb galey  Agaasimiyaasha, La taliyaasha, Injineerada iyo Howl wadeenada  Wasaarada Howlaha Guud  ee Dowlada  Federaalka Soomaaliya.


Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Injineer Saalax Sheekh Cismaan Muuse oo ka Hadley Gabagabadii kulankaasi  ayaa sheegay sharcigaan uu sahalyo Sharciga  Dhismaha Wadooyinka iyo Buundooyinka isagoo si gaar ah ugu Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Sharcigaas iyo Hayadiihii Fududeeyey Taabagelinta Sharciga


Wasiirka Howlaha Guud,Dib u dhiska iyo Guriyeynta   wuxuu  ku nuux nuuxsaday in hadafka wasaaradiisa uu ku qotomo sidii dhismayaasha dalka  loo wanaajin lahaa isagoo sheegey in Horumarinta wadoooyinka iyo Buundooyinka  ay Fududeyneyso sidii dalka uu u gaari lahaa Horumar la taaban karo, wuxuuna  ku cel-celiyay in Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ay la socon doonto Dhismayaasha dalka iyo wadooyinka  laga hirgelinayo


 Wasaaradda  howlaha guud oo isku soo duwdey aqoon is weydaarsigaasi ayaa ka mid ah Wasaaradda ugu shaqada badan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaan ayaa dhawaan ku guuleysatey Dhismaha xaruntii hore ee Wasaardaasi, iyadoo ay xaruntaasi ka mid ahayd goobihii  ku burburtey Dagalaadii Sokeeye ee dalka ka dhacey.      


Xafladii lagu soo gabagabeynayey  kulankaasi waxaa iyana ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasii,wasiir Ku Xigeenada Maamul Goboledyada Jubbaland, K/Galbeed, iyo Galmudug  kuwaasi oo soo dhaweeeyay qabashada Kulankaas looga hadlayey Sharciga Wadooyinka iyo Buudooyinka  iyagoo halkaa balan qaaday sidii ay u meel marin lahaayeen go’aanada kulankaasi ka soo baxay, waxaana Kulankaas gagabadiisa laga soo saarey Warmurtiyeed ka kooban 7 qodob oo ku saabsan Sharciga Wadooyinka iyadoo intii ay socotey Xafladaasi waxaa Heeso Qiiro leh ku soo bandhigey Kooxda SHAMBAL .  


 

Published: 2016-08-05 16:25:09

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign