Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Xaliimo Yareey Maama Xaal Qaado

 Xaliimo Ismaaciil oo loo yaqan Xaliimo Yareey waxay ka mid tahay Haweenka Soomaaliyeed ee Magaca iyo Maamuuska ku leh guud ahaan Soomaliya  gaar ahaan Bartamaha iyo Koofurta, Waxay hormuud u ahayd Haweenka Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Horumarka u ololeeya, sidoo kale waxay ka mid ahayd Haweenkii Naftooda u huray sidii ay Magaalada Muqdisho u heli lahayd Maamul, Amaan iyo kala danbayn.

Ka hor inta aan lagu baran Hogaaminta  Gudiga Doorashooyinka Qaranka waxay hogaamin jirtey Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed kuwaas oo har iyo harsimaad u diidey Caaqiladii dagaalka ee ragaadiyey Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.


Waxay ahayd Maama Xaliimo Haweeneydii Baarlamaanka hada shaqeeya  u diidey iney ka dhex muuqdaan  inta badan Hogaamiyaashii Dagaalka ee Muqdsiho la haray. Kadibna waxay ahayd Haweenaydii Madaxda ka ahayd Gudigii doorashooyinka Maamul Goboleedka Gal-Mudug taasoo ay shacabka Soomaaliyeed Marqaati ka yihiin in uu ahaa Maamulkii ugu wanaagsanaa marka loo eego sida ay ku dhismeen Maamul Goboleedyada kale ee ka jira soomaaliya.


Kartida iyo Hufnaanta ay leedahay darted waxay Xaliimo yareey mutaysatay in loo Magacaabo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed. Xafiisyada Gudiga ay madaxda ka tahay waxay hada ku yaalaan Xarunta Madaxtooyada, Maalmo ka dib markii xilkaaas loo dhaariyey waxay tiri. “Madaxtooyada kuma shaqayn karno sababtoo ah ma ahaanayno Guddi dhexdhexaad ah”. Waxay intaaas ku dartay. “Shacabka Soomaaliyeed ma rabno iney qalad naga fahmaan waayo ma awoodaan iney halkan Madaxtiooyada nagula kulmaan”.


Hadalka Xaliimo Yareey ee ku aadan in Gudigeedu helo meel dhexdhexaad ah oo Ummaddu u siman tahay si aanay qabbaan ugu noqon Dowladda Xasan Sheikh oo shakigu u baxo waxa uu Dowlada ku xanbaaray in dhul la siiyo Gudiga ay Hogaaaminayso. Waxaa iga su’aal ah dhulka la siiyey Gudiga Doorashooyinka Qaranka ma waxaa la siiyey xaliimo Yareey mise waa dhul la siiyey Hay’ad Qaran leeyahay?


Dhulka hada la siiyey Gudiga Doorashooyinka oo ay Hogaamiso Xaliimo Yareey waxaa Hore looga kiciyey dad Soomaaliyeed, Waxaa la yaab iyo Amakaag ah in dadka qaarkii ku doodayaan in dhulkaas la siiyey Xaliimo Yareey oo ay weliba Idaacado ka baxdo, waxaan oran karaa waa hadal aan laga fiirsan oo gef ku ah Marwada Hogaamisa Gudiga Doorashooyinka Qaranka, marka waxaan leeyahay Xaliimo Yareey Xaal qaado.!!!!!.


W/Q. Cabdinasir Xersi Iidle.


Email: Naasirx1@gmail.com


Tell. 00252615503978


 

Published: 2016-08-08 08:27:04

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign