Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Beesha Ajuuraan oo dib u Caleemo saaratey Imaamkoodii

 Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey kuna Saabsaneyd Caleemo saarka Imaamka Beesha Ajuuraan Imaamka Caabduqaadir Maxamuud Shiikh Muxumed oo ay qayb galeen  Ugaaso, Salaadiin, Garaadyo, Nabadoono, Culima’udiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo Marti Sharadf kale ayaa ka dhacdey Magaalada Muqdisho.

 Ugu Horeyn waxaa Munaasabada ka Hadley  Maxamuud Shiikh Xasan oo ka mid ahaa Gudiga qaban qaabada waxaana uu ku dheeraadey Taariikhdii Imaamyadii ay lahayd  Beesha Ajuuraan isagoo sheegey in Imaamkani uu  yahay Imaamkii 10-aad taasina waxay ku tusineysaa  buu yiri in  Beesha Ajuuraan ay lahayd Imaam Soo jireen ah.



Ugaas Maxamed  Bashiir oo sidoo kale  ka Hadley Munaasbadda ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan Imaamka Beesha Ajuuraan Imaam Cabduqaadi Maxamud Shiikh Muxumed isagoo ku tilaamey in  imaamka  yahay Imaam Isku keeni  kara Ummadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogto .


 Waxaa kale oo Xaflada Caleemo saarka ka Hadley Garaad Cali Garaad Axmed Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Beesha uu Garaadka u yahay wixii haatan ka dambeeya ay la shaqeyn doonaan Imaamka Cusub ee Beesha Ajuuraan waxaa  uu intaa ku darey   In Beesha Ajuuraan  ay tahay Beel Fac weyn oo qayb lixaad ka qaadatey halgankii Gumeystaha


Xubnhii  kale ee halkaa ka Hadley  waxaa ka mid ahaa Shariif  Cali Xasan, Malaaq Abuukar  Caddow, Suldaan Axmed Maxamed Cali  iyo  Suldaan Cali Shiikh Aadan waxay dhamaantood soo dhaweeyaan Imaamka Beesha Ajuuraan ee La Caleemo saarey waxayna ka dalbadeen in uu si Cadaalad ah ku hogaamiyo Beesha.


Ugu Dambeyn waxaa Munaasabadda ka Hadley imaamka Beesha Ajuuraan Imaam Cabduqaadir Maxamuud Shiikh Muxumed Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in wixii maanta ka dambeeya uu u istaagayo midnimadda  Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu ka codsadey Odoyaasha Dhaqanka in ay  la shaqeeyaan iyadoo intii ay Munaasbadu socotey halkaa lagu soo bandhigey Buraanburo ku dhiiragelinya Imaamka Cusub in uu waxqabad la taaban karo  la yimaado  






 

Published: 2016-08-08 15:51:56

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign