Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Mustaf Bashiir Goobdoon oo aan ka Wareysaney Waqtiga uu bilaabey Howlaha Samafal ee u Soomaaliya

 Waxaa Magaalada Muqdisho ka bilowdey Shirweynihii Somali Global Diasparo waxa shirkaas ka qayb galaya ergo ka kala timid Dunida Dacladeed, waxaana ka mid ah Xubnaha ka qayb galaya Mustaf bashiir Goobdoon oo ka yimid Dalka Swizarland waxaana  noo suurta gashey in aa si gaar ah u wareysano waxaana uu u dhacay Wareysigii sidatan

 Waxaan weydiiney Goormaa Bilowdey Howlaha Samafal ee Soomaaliya waxaan uu ku jawaabey/ ‘Howlaha Shaqo waxaa Bilaabey Bilawgii 2001 xiligaa waxa ka shaqeeynayey Radio ku hadla Afka Soomaliga oo  (Local) ah  lagana dhageysto Switzerland qeybta Jarmalka Lora 97,05 FM  Xiligaas ma jirin  internet, Face-Book iyo TV Somaalida haatan ku xiriiraan Raadiyahaas Waxaa uu u sameeynayey Wacyigelin Dad Afircaanka ka soo jeeda ee Qaxootiga u yimaada Switzerland oo Soomalidana Ka mid ahayd waxaana si gaar ah Xooga loo saarey  wacyigelinta  ku aadan Xanuunka  HIV/AIDS


 Waxaan weydiiney maxay tahay ujeedka loo qabatey Wacyigelinta? waxaa uu ku jawaabey Mudane Mustaf Goobdoon,”Ujeedka loo qabtey Wacyigelintaas waxay ahayd maadaama  Dalka Soomaliya aysan ka jirin Hayado howshaa wax ka qabta iyo Tiro Koob  ku saabsan Xanuunka HIV/AIDS oo aan weli laga sameeyn Soomaaliya  Xanuunkana uu ku faafayo ayaa loo sameeyey Wacyigelintaa   


Hal;kee ayaa ka Bilowdey Howlahaaga Samafal? waxaa uu yiri” wacxaa jira mar aan gaarey Soomaaliland waxaana Xiligaas Heshiis Wada gaarey Hayadda Swiss iyo Hayadda Hargeysa Youth Voluntry (HAVAYCO) oo haatan ku shaqeysa Magaca Hornafrica Youth Voluntry ,waxaana Heshiiskaas soo dhaweeyey Bulshada oo baahi weyn u qabaey Wacyigelinta Xanuunka HIV/AIDS


 Markii aad soo gaartey Soomaaliland maxaa kuugu xigey? Waxaa uu ku jawaabey “Imaanshahii Soomaaliland  waxay Suuragelisey in aan soo Gudbo Koonfurta Soomaaliya si Dadka halkaa ku nool u helaan Caawinaada Hayadda SWISS  waxaan uu soo gaarey Magaaladda Muqdisho iyp Marka ee Gobolka Shabeeladda Hoose, waxaana Hayadda Siminaaro Wacyigelin ku qabatey Somaliland iyo Soomaaliya waxaana ka mid ah Goobaha aan siminaaradaas ku qabaney Berbera, Burco, Boorama,Muqdisho ,iyo Marka  kaasoo socdey ilaa  2003


Waxaa noo sheegtey in aad gaartey Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose muxuu ahaa ujeedka Tegista Marka ? waxaauu yiri Dhimashadii   Haweeynadii lagu dilay Marka Verena Karrer 2002  Shacabka Soomaaliyeed aad bay uga naxeen waayo waxay Magaaladda Marka ka hirgelisey Dugsiyo, Isbitaalo  iyo ka shaqeynta Nadaafadda Magaaladda Marka sidoo kale Haweeneydaas waxay caawini jirtey  dadka dan yarta ee aan waxba haysan Waxayna  Soomalida Switzerland u hayd geeri naxdin leh waayo haweeneeyda waxay u shaqeenaysay shacabka Gobalka Sh/ Hoose  Gaar ahaan Marka Cadeey GeeridiiVerena Karrer 2002   waxaa Magaaladda Marka gaarey Gudi aan  hogaaminayayey waxaan  ka  qeyb galney Waxana la iga codsaday in aan xiririyo Somalida iyo Heyada SWISS


 Ugu dambeyn Mustaf Goobdoon oo ka hadley  Shirweynihii Somali Global Diasparo ayaa sheegey in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibada ay qayb ka yihiin Horumarka Dalka gaar ahaan dhinaca Caafimaadka iyo Waxbatshada wuxuuna u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed in ay wax istaraan oo ay isku Kalsoonaadaan


 

Published: 2016-08-15 12:04:33

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign