Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Boqolaal Arday oo ka qalin jebisay Jaamacadda Modern University for Science and Tachnology (MUST)

 Xaflad si heer sare loo soo agaasimey oo ay ku qalin jebinayeen  arday Dhameysatey Wxbarashada Jaamacadda Modern University for Science and Tachnology  (MUST)  ayaa ka  dhacday Hotelka SYL ee Magaaladda Muqdisho, waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, Jaamacadaha, Ururada bulshada, Warbaahinta iyo Maamulka Jaamacadda Modern.

 Ardaydn oo ah Dufcaddii Koowaad ee ka qalin-jebisay Modern ayaa dhammeysatay derajada Koowaad ee Bachelor, waxa ayna ka qaateen 5-ata,  kulliyadood oo kala duwan, kuwaasi oo ka tirsan Jaamacadda Modern ka kooban tahay .


Ardayda ka qalin jebisay Modren University ayaa dhiganayey Kulliyadaha Cilmiga Caafimaadka, (Health Science) Information Tchnology,  Maamulka Hay’adaha dowladda, Cilmiga bulshada iyo Sharciga iyo Qaanuunka.


Xafladda qali-jebinta waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xildhibaanno, madaxda Jaamacadaha iyo guud ahaan Qaybaha bulshada.


Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ahaa Xildhinaabada ka hadlay munaasabadda ayaa yiri: “Manhajka, Buugta iyo Tacliinta aan bareyno Ardayda ee waxbarashada aan u adeegsano dad ayaa dejiyey, Jaamacadaheenu waa in ay gaaraan heer ay waxbarashadu ka timaaddo, aad ayaan ugu faraxsanahay in aad heerkan soo gaartaan”


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay munaasabadda Qalin-jebinta ee Jaamacada Modern ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kaalinta ay ka qaadatay Jaamacadda Modern soo saaridda dhallinyaro aqoon iyo tacliin leh kuwaasi oo ka qayb qaadan kara hagaajinta dalka iyo hoggaankaba.


Waziir ku xigeenka Tacliinta Sare  oo ka Hadley Munaasabadda qalin jabinta ayaa  ku booriyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda dadaalka ay ugu jiraan soo saaridda dhalinta wax baratay, wuxuuna ku amaanay inay Jaamacadda oo 4-sano jirsatay Dufcadii Kowaad ku soo saarto ku dhawaad 200 oo heysata takhasusyo kala duwan, oo dhamaantood aad loogu baahan yahay. 


Ardayda ka qayb gashay xafladda qali-jebinta, Barayaasha jaamacadda Modern iyo maamulkeeda ayaa u muujiyey ka soo qayb galayaashii munaasabadda sida ay uga go’an tahay hagaajinta tayada iyo qiimaha tacliinta dalka.


Jaamacadda Modern waxa la aasaasay Sannadkii 2012, taasi oo maanta ku soo began tahay soo saaridda Dufcaddii Koowaad ee ardayda. Waxa ay hadda ka mid tahay Modern University Jaamacadaha ugu horreeya magaalada Muqdisho.


W/D Amiin Yusuf Khasaaro


E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk


E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Published: 2016-08-23 16:44:46

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign