Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Maxaan Ku arkay Muqdisho Book Fair Maxaanse Ka Bartay

 Waqtigu wuxuu ahaa goor subax ah saacadduna ku beegan tahay tobankii subaxnimo  goobtu waxay ahayd Hotel  City Palace waxaa ka socday Carwada  dabshidka magaalada Muqdisho.


Waxaa  aad iisoo jiitay oo dareenkeyga kiciyey  farxadda  dhallinyarada  iyo waxa meesha ka socday qoreyaasha Soomaaliyeed dhamantood waxay ahaayeen kuwo aad la dhacayso niyadsamida  iyo isjacaylka  ka muuqda.




Waxaan ka dhaxlay murti iyo  aqoon  waxay ahayd markii igu horeysay ee aan ka qeybgalo dabshid nuucaan oo kale ah kaasoo sida ka muuqata loo soo agaasimay si qurux badan oo indhihii arka aysan eegmada goobta munaasabaddu ka dhacayso ka daaleyn.


Qoreyaasha waxay ka kala yimadeen daafaha  calamka, gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho dhammaantoodna  waxay ahaayeen hal-abuurro mid kasta dareen gaar ah leeyahay.


Qoreyaasha isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa qoraagii ugu da’da yaraa waxay ahayd gabar aniga si gaar ah saameyn xanuun leh igu reebtay, waxaa hal mar isbedeley dareenkeyga aadna ii gilgilay markii gabadhaas  ay aabaheed ku casuuntay  inuu qaato buugga ay qortay oo ay goobta ku soo bandhigtay.


 Gabadhaas walaashey ah ee xigmadda iyo hibada leh waxay igu abuurtay dareen mudaba iga dhex guuxayey kaasoo xambaarsan mawhado murugo ah oo dhammaantey  I bedeley  sababtoo ah aniga nasiibka iyo waayaha adduunka ima siin inaan aabahay laabta geliyo, waxaan dareemay kelinimo.


Illintu igama dhammaan illaa ay qoyso dhabanadeyda una sii gudubtay jirkeyga intiisa kale waxa keliya ee ii muuqdayna waxay ahayd jacaylka aan u qabay aabahay iyo inaan ahay maanta gabar aabbaheed uusan dunida joogin halkaasna ku weysay garab weyn oo wax badan ka caawin lahaa.


Inkastoo aabbahay aan waayey haddana nolosha kama rajo dhigin oo waxaa jira dad badan oo ila mid ah kuwaasoo ku jira xaaladda murugada badan ee aan ku noolahay waxaanse mar kasta nafteyda ku qanciyaa qadarta Alle taasoo ay tahay in ruuxa muslimka ah uu ku qanco.


Dadka hareeraheyga fadhiyay waxay I leeyihiin maxaad la oyday  waxaan ku iri qaarkood gabadha yar qoraalkeeda ayaa isoo jiitay, waxaa Iyana  jirty Naciima oo ka timid Hargeysa Naciima waxay na dareensiisay qiimaha ay leedahay  wadaninimada waxaan moodayba inaan joogo meel kale waxaa I qaaday qiiro markii dhageyheyga ay soo gaareen  hadalladii ay goobta ka soo jeedisay kuwaasoo ay ka buuxeen waddaniyad iyo dal jacayl.


Waxaan ogaaday in dadka Soomaaliyeed aysan meel fog kala jirin laakiin ay kala xirxireen oo keliya siyaasiyiin danahooda ka dhex arkay kala fogeynta ummadda Soomaaliyeed ee isjecel sababtoo ah qof kasta oo joogay madashii Muqdisho Book Fair waxaa maskaxdiisa xanuun ku reebay dareenka wadaniyadeed eek a muuqday dhammaan kasoo qeybgalayaashii munaasabadda


 Muhiimadda gaar ah ee goobtaas aan ka bartay waxay ahayd  in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin hoggaan daacad ah oo ku haga dariiqa waddniyadda iyo Soomaalinimada waxaana qof kasta oo goobta ka hadla uu si dareen leh uga hadlayey waxtarka ay leedahay in dib loo helo ummadda Soomaaliyeed oo isku duuban una jiheysan wax wada qabsi iyo horumar la gaarsiiyo dalkeenna burburka ku jiray in ka badan 20 sano.


Guud ahaan bandhiggii Muqdisho Book Fair waxaan kala soo hoyaaday farxad iyo waaya aragnimo I dhaxalsiisay inaan wax badan oo aanan horey u ogeyn aan halkaas ka ogaado, waxaas si gaar ah maskaxdeydu usoo celineysaa dhammaan  qoreyaashii hibadooda wax curis amah al-abuur halkaas ku soo bandhigay iyo sida ay noola wadaageen dareenkooda dhabta ah .


Nafteddu waxaysan marnaba hilmaami doonin wiil  ka yimid magaalada Ceergaabo oo sida uu sheegay loogu sheekeyn jiray in magaalada  Xamar ay tahay meel qatar badani ka jirto oo aan la imaan karin islamarkaana ruuxii soo caga dhigta uu wajahayo halis nololeed.


Wiilkaas wuxuu ka sheekeeyey sida uu isu bedeley dareenkiisa markuu yimid  Muqdisho iyo wuxuu kala kulmay iyo wixii looga sheegi  jiray, ugu dambeyn wuxuu ka sameeyey Muqdisho gabay  ka hadlaya horumarada iyo nolosha  quruxda badan ee ka jirta waxaana gabaygaas uu ku ammaanay guud ahaan sida ay Muqdisho horumarka dhinac kastaba leh u sameyneyso


 Muqdisho magaalo madaxdeena


Magacii dalkeena wanaajiya


Muqdisho


Mudnaantii dalkeena hagaajiyaay


Sida miraha luulkaa


Mawjadaha badweyntaa


Ka dhex muuqataa


Dhexdooda


Muqdisho magaalo madaxdeena


 Fahma Xasan Gabax


Fahmahassan@gmail.com


00252617628617


 Waxaa soo Gufdbiyey


Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk


00252615532494

Published: 2016-08-24 16:38:59

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign