Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


In ka badan Shan Boqol oo Ardey oo ka Qalin Jabisey Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU)

 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey islamarkaana ay ku qalin jabinayeen in ka Badan 533 ardey oo dhameysatey Waxbarashadii Jaamacadda Somali International University (SIU)  ayaa ka  dhacdey Magaaladda Muqdisho, waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro , Siyaasiyiin, Masuuliyiin ka socotey Jaamacado ku yaala Dalalka Ugnada iyp Kenya, Waalidiin  iyo ardeydii ka qalin jabisey Jaamacadda .

Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha  Guddiga Jaamacadda SIU  Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale waxaana uu yiri “Jaamacadda waxaa Maanta ka qalin jabinaya ardey gaareysa 533 ardey kuwaas oo ka qalin jabiyey Kuliyadaha kala ah Social Science, Business Administration, Sharai And Law, General Medicine and Surgery, Nurses,  Information Technology, English iyo Midwifery   kuwaas oo Muddo dheer waxbaranayey islamarkaana loo dhameystiray wixii agab Waxbarsho oo ay u Baahnaayeen”


 Munaasabadan qalin jabinta ee Jaamacadda SIU  ayaa waxaa lagu martiqaadey Masuuiyiin sare  oo ka tirsan Jaamacadaha Kenyatta University, Nairobi University, Makarere  Universty,  Guluu Universty Embarere University  mar ay halkaa ka hadleen waxay sheegeen in aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta ay goob joog ka noqdaan ardey ka qalin jabineysa jaamcadda SIU, waxayna hoosta ka Xariiqeen in ay Qalin jabintaan ay Tusaale u tahay sii Xoojinta Xiriirka jaamcadda SIU Iyo Jaamacadaha Uganda iyo Kenya .


Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiir ku Xigeenadda Wasaaradaha  Caafimaadka iyo Waxbarashada Mudane Cismaan Maxamuud Cabdi (Daalo) iyo Xaamud Cali Xasan waxayna sheegen in Dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso ardey intaa la’eg  in ay maanta dhameystaan Waxbarashadooda, waxayna u soo jeediyeen ardeydaas  in ay halkaa ka sii wataan Wabarashadooda ilaa aad ka gaartaan Meel sare


Yaxye Cali Ibraahim  oo ka mid aha Aasaasayaashii Jaamacadda SIU oo ka Hadley Munaasabadaas ayaa yiri “Ujeedkii loo aas Aasey Jaamacadda Maanta waxaad moodaa in inta badan laga mira dhaliyey, wixii ka dhimana waxay Jaamacada balan qaadeysaa in ay dhameystirto si loo gaaro Howshii loo igmadey Jaamcadda oo ahayd in Ummada Soomaaliyeed helaan Waxbarasho Heer Sare ah.


Maryan Cariif Qaasim oo ah Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka  Federaalka oo Xafladda  ka hadashey ayaa tiri “ Maanta waxaa ii rumoobey Riyadeydii oo ahayd  in ummadda Soomaaliyeed Helaan Waxbarasho ku filan si loo ciribtiro jahliga oo aan ku tilmaami karo mid dib u dhigey Ummada Soomaaliyed islamarkaan wax la qaybsan weydey  Dadyowga Dunida “


Munaasabadaas ayaa waxaa soo Gabagabeeyey Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed oo   Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey  in  Jaamacadda  SIU ay ku  guuleysatey in ay Xiriir la sameysto Jaamacadu Caalami ah isagoo ugu baaqey Musuulliyiinta Jaamacadda SUI in ay  Xiriirkaas ay balaariyaan si Jaamacada u hesho Macalimiin tayo leh , iyadoo Intii ay socotey Munaasabdaas Halkaasi Ardeydii Dhameystey Waxbarashada  lagu Gudoonsiiyey Shahaadooyinkoodii  . 


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk


E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Published: 2016-09-05 16:03:13

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign