Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Yuusuf Kulmiye oo ka Shifey arrimo badan

 Yuusuf Kulmiye  “Waxaan Marqaati ka ahay inta aan noolahay in Hotelada Baariyow One iyo Two uu leeyahay  Cabduqaadir Baariyow”


 

 Waxaa ii suurta gashey in aan wareysto Yuusuf Kulmiye Culusow oo Goob joog u ahaa Wax badan ka og  Qaabkii lagula wareegey Hoteladda Baariyow One iyo Baariyow Two Horaantii sanadihii Shagaashameeyadii haatana Dacwad ay ka taagan tahay waxaana weydiiney Yuusuf Maxaad ka ogtahay Hoteladaas waxaana uu yiri


 


“Sananadiihii Shagaashameeydii ayaa waxaa dhacay in nin Dhintey oo lagu  Magacaabo Cabdi Warsame isaaq kana mid ahaa Golihii sare ee Kacaanka uu bixiyey Jeegag Lacageed oo markii dambe ay Jeegagaas  socon waayeen ayaa dadkii heystey Jeegagaas waxay qabsadeen oo ay Afduubteen Cabdiqaadir Baariyow maadaam uu damiintey Cabdi Warsame  si arrintaas loo Furdaamiyo oo heshiis looga  gaaro ayaa waxaa dhacay  ” Waxaa uu intaas ii raaciyey mudane Yuusuf


“Wada hadalo ka dhacay Muqdisho iyo Nairobi si arrintaa Xal looga gaaro ayaa Raggii Jeegaga Haytey waxay ku qancii waayeen Wada hadalkaas waxaa markii dambe arrintii soo dhex galey Cabdiuqaadir Baariyow Aabihii Xaaji Baariyow oo ka codsadey in Waqti la siiyo Wiilkiisa si arrinta Xal looga gaaro” waxaa intaa uu ku darey Mudane Yuusuf Kulmiye Culusow


“Markii ay arrintu halkaas mareyso ayaa Raggii Jeegaga waxaay mar kale afduubteen Cabduqaadir Baariyow oo Jidil loo geystey si Xuna loola Dhaqamey  sidoo kale waxay markii dambe Ragaas ay afduubteen Xaaskiisii  iyadoo Xaalku uu murugsan yahay ayaa Cabduqaadir Baariyow Aabbihii oo nin wanaagsan ahaa waxaa uu ragii Afduubka ku wareejiyey Dukemntiyadii Labada Guri ama Labada Hotel”


Waxaan weydiiney Yuusuf Kulmiye Culusow  Lacagta uu damiintey Baariyow imisa ayey dhameyd waxaa uu ku jawaabey “ Lacagtaas waxay gaareysey 250 Kun oo doolar Shaqsiyan Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii Lacagta jeegaga haystey waxay dhameyd  150 Kun oo Doolar inkastoo Qoraal ay soo saartay Xeer Ilaalinta aniga la ii qorey 100 Kun oo doolar hase yeeshee  Cabduqaadir  Baariyow Fursad lama siinin Lacagtaas uu ku bixiyo  sidoo kale Guryahiisa lama  qiimeyn  si loo ogaado Qiimaha  Guryaha iyo Qiimaha Lacagataas uu damiintey waxayna  arrintu  ku biya shubatey  anaa koo Xoog badan”


Waxaan weydiiyey maxaa ka Xasusataa Ragi lacagahaas lahaa waxaana uu yiri “Maryan Cabdulaahi Yuusuf Nin la yiraahdo Xasanow,  iyo nin kale oo magaciisa  la yiraahdo Cabduqaadir iyo Cali Carmaan waxaan kuu sheegayaa markii aan  isugu tagney Nairobi ayaa waxaa halkaa ku arkey nin Magaciisa la yiraahdo Maxamed Amiin oo markaa Wakiil ka ahaa Cali Carmaan oo Lacagtiisu Dhameyd 50 Kun oo Doolar waxaana Maqley in Maxamed Amiin inta  50-kii Kun ee Doolar  uu Celiyey ka dibna  Hotel Baariyow Two Dukemntiyadoodii la wareegey kana ii iibsadey Shirkada Hormuud  ma garan karo Sabab loo iibsado ama loo gato waayo waa Guryo Damiin lagu dhiibey  “  waxaa intaa ku sii darey


“ Hotelka kale ee Baariyow One  waxaa iyana la wareegey Ragii kale oo ay Horkaceysey Maryan Cabdulaahi Yusuuf  oo Lacagta la damiintey ay gaareysey 100 oo Doolar sida darteed  wax Cudur daar  ah ma laha in Guryahaas  la sii haysto waxaan kuu sheegayaa in Xeer Ilaalinta aan u gudbiyey Qoraal Cadeynaya in aan marqaati ka hay in Hoteladaas uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow  dadka maanta haysto waxay ku haystaan Xoog  iyo Sharcidaro”


Gabagabadii  waxaan weydiiyey  Yuusuf  Kulmiye Culusow Maxaad u soo jeedineysaa dadka maanta Hoteladaas ku ganacsanaya  waxaana uu yirki “ Sidaan hore kuugu sheegey aniga  waxaan ka mid ahaa Dadkii lacagaha Damiinta  ku lahaa Cabduqaadir Baariyow waxaan aaminsanahy in Lacagtaas ay Khasaartey marka waxaan u soo jeedinayaa dadka maanta ku Ganacsanaya Guryahaas  Xoolahooda Xalaal ku raadiyaan, sidoo kale dadka maanta haystaan Guryahaas ha yimaadaan Maxkamadda si halkaas loogu kala baxo, Dhinaca kale waxaana Bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in  inta aan noolahay aan Maxkamadda ka Hor Cadeyn doono oo Marqaati ku furi doono  in Hoteladaas uu leeyahay Cabduqaadir Xaaji Aadan Baariyow    


 


 

Published: 2016-09-07 16:26:55

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign