Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Kulankii Madaxda IGAD: Maxaan ka Faa’iidney?

 Magaalada Muqdisho waxaa ku soo gebageboobey kulankii 28-aad ee Madaxda Urur Gobleedka IGAD, inta aan xasuusto waa markii ugu horeysey ee ay Soomaaliya marti geliso kulan Madaxda IGAD isugu yimaadaan, kulanka ka dib, Heshiis ayaa la gaarey su’aashu waxay tahay Heshiiska maxaan ka faa’iidney haddaan Soomaali nahay? Inta aanan u gelin ka jawaabidda su’aashaas waa sidee dareenka dadka Muqdisho oo ay xayiraadi saarnayd shantii maalmood ee la soo dhaafay?

 Abaara 8:40 ayaan saaka soo raacay Gaari Gaadiidka Dadwaynaha ah markaan wax yar soconey ayuu sheegay wadihii baabuurku  in Wadooyinku welli sidii u xiran yihiin uuna marayo halkii suurtagal ah, mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ayaa yiri. “War ileen tanoo kale, maxaa saakana loo xiray Wadooyinka?  sow shirkii  IGAD ma dhamaan?”  Nin  shirka gaariga saaraa  oo sheekada xiiso u qabey ayaa intuu soo jeestey yiri. “Adeer Heshiiska la gaarey waxaa ku jirta in Qaadka Magaalada la keeno”


waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Madaxwaynaha Kenya Mr. Kenyata Xalay waxa uu ku baryey  Magaalada waxa  uuna wacad ku maray in aanu tegeynin tan iyo inta Qaadku  imanayo si uu u hubiyo in Heshiisku dhaqan galay iyo in kale”. Hal mar ayaa la qoslay waxaana bilowday in la naqdiyo. Ninkii ayaa hadalka qaatay oo yiri. “Hadaad warkayga been u haysataan Wadooyinka isaga ayey u xiran yihiin, waxa uuna raacayaa diyaarada ugu horaysa ee Qaadk keenta markaas ka dibna dariiqyda waa la furayaa”.


Islaan da’ dhexaad ah ayaa  soo boodey oo tiri. “Heshiiskii ma waxa uu noqday in Qaadka naloo keeno oo kaliya mise wax kalaa jira”. Darawalkii gaariga ayaa yiri. “Heshiiska qodobo badan ayaa ku jirey oo xitaa waxaa laga wada hadlay  in la fududeeyo diyaaradaha rakaabka ah ee gaariza ku dega inta aanay Nayroobi gaarin”. 


 


Islaantii hadalka bilowday ayaa soo boodey oo tiri. “Aniga hadaan ahaan lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya kama yeeleen Kenya iney Qaxootigeena maalin walba dhibaan inagana aan ogolaano iney Qaadka iyo dhibkiisa noo keenaan”. Waxay hadalkeda sii raacisay “Walaahi anigoo naag ah oo nus ah marna ma aqbaleen Heshiiska la gaarey inta Soomaalidu ay xor u noqonayso iney dhex mushaaxaan Kenya oo dhan” Waxayna hadalkeedii ku soo gebagebeysey “Ciiloow way aniga meesha in la I geeyeey ahayd”. Intii hadalku socday ayaa nalaku war geliyey in Wdooyinkii dhammaan furan yihiin iyadoon naloo sheegin sababta ay markii horeba u xirnayeen.


 


Gaarigii Dadwaynaha ayaan ka degey waxaana aan tegey mid ka mid Maqaayadaha lagu qaxweeyo oo saaran Wadada Maka Al mukarma, hadal haynta ugu badan waa xayiraada laga qaaday Qaadka iyo Qodobadii ka soo baxay kulankii Madaxda IGAAD, waxaa miiskii aan fadhiyey ku soo biiray Askari Booliis ah oo ay ka muuqato  Isteelaha Gaashaanlaha, waxa  la waydiiyey Heshiiska iyo sida uu u arko, waxa uuna yiri. “Wax walba oo la isla soo qaaday waa lagu heshiiyey” waxaa la waydiiyey waxa lagu heshiiyey. Intuu hareeraha eegay buu yiri. “Waxaa lagu Heshiiyey in aan la dhaqaaqin” waxa uu intaas ku daray “Waxaa kaloo lagu Heshiiyey in aan la isu gudbin”.


 


Nin markaas soo istaagey oo hadalka Kornaylka gadaal ka soo gaarey baa yiri. “Anigu waxaan u haystaa in Ujeedka Shirka Madaxda IGAAD ay ahayd in Qaadka la fasaxo oo kaliya”. Nin kale ayaa hadalka qaatay waxa uuna duray Heshiiska la gaaarey, waxa uuna yiri. “Anigu hadaan Heshiiska geli lahaa oo aan ogolaado in Qaadka la keeno Soomaaliya marna ma yeeleen in diyaaradaha Qaadka ay laabtaan iyagoo maran” waxaa la su’aaley sida uu wax u rabo, waxa uuna yiri. “Waxaan Dowladda Kenya ku qasbi lahaa in Diyaaradahaas la saaro waxyaabaha Kenya laga rabo sida Digirta, Sisinta iyo khudaarta noocyadeeda kal aduwan gaar ahaan inta Kenya laga rabo”.


 


Dad badan ayaa iswaydiinaya waxa Madaxwaynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud  ku xanbaari waayey in Qaadka oo aan faa’iido  u lahyn Soomaalida dhibaato mooyaane uu calal aqal u dhaafsan waayey wax muuqda oo Soomaalida u cuntama. Si kastaba marka laga yimaado in Soomaaliya Marti geliso Shirka Madaxda IGAD, waxaa ka faa’iidey  ilaa iyo hada Xukuumadda Kenya oo kaliya waxa uuna saacado kadib ka hir galay  dhinaca Soomaliya,  Kenyana waxaa la quuddaraynayaa in uu ka dhaqan galo ku dhowaad Boqol Maalmood ka dib hadiiba ay Ogolaadaan ama Daacad ka yihiin


 .


W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle


E-Mail naasirx1@gmail.com


Tel 00252615503978

Published: 2016-09-15 11:42:19

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign