Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Shir muhiim ah oo lagu qabtay hoteel Diblomatic

 Waxaa Hotelka Dibolomatic ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Kulan aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen Boqoro, Salaadiin, Waxgarad , Nabadoono, Culim,audiin, Haween iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Kaboole  oo tirsan Beel weyn Jareer Weyne , waxaana Ujeedka Kulanka uu ahaa Cabasho ay ka qabaan Habka Doorashada ee Federaalka iyo Mida Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe .

Ugu horeyn waxaa  Kulnka ka Hadley Xasaan Axmed Sadiiq oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha Kaboole marna soo noqdey Xildhibaan waxaana uu faahfaahiyey Ujeedka Shirka waxaana uu yiri “Beesha Kaboole waa  Beel ka mid ah Beelaha Jareer weyne waxay degaan inta  u dhaxeysa Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Degmadda Mahadaay ee Shabeeladda Dhexe iyo Degmooyinka Afgooye ilaa Qoryooley” waxaa intaa sii raaciyey


“Beesha Waxay ka muuqatey Dhamaan Shirarkii Dib u heshiisiineed ee ka dhacay dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa waxay Dowladihii ku meel Gaarka ay ka ahayd Xubin Firfircoon hase yeeshee waxaa la dulmiyey oo la duudsiyey Xaqoodii Shirkii Embagati iyo kii Muqdisho ee Sannadkii 2012  ee lagu dhisey Dowladii Xasan Shjiikh “ waxaa uu intaa ku darey


“Waxaa Xusid mudan in Beesha Kaboole laga duudsiiyey Xubintii Baarlamaanka ee ay Xaqa u lahayd ka dib markii Labadii Kursi Beelaha Jareer Weyne mudnaan loo u siiyeen Gobolka Shabeeladda Dhexe ay si Cadaalodaro ah ay u boobtey Hal beel gaar ahaan Beesha Shiidle ee Degen Shabeeladda Dhexe


“Waxaa la damacsan yahay in Mar Saddexaad in Beesha Kaboole Kuraastii ay ku lahayd Maamul Gobaleedka Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan iyo mida Federaalka la duudsiiyo sidoo kale  Beesha Kaboole waxaa Dulmi Cad lagu sameeyey Kuraastii Maamul Goboleedka  Hiiraan Shabeeladda Dhexe ka dib markii Kuraastii 11 ahayd ay  50% qaadatey Beesha Shiidle  sidaa darteed Beesha             Caalamka, Urur Goboleedka IGAD waxaan u soo jeedinayaa  in Kuraasta Heer Faderaal iyo Heer GobOl ee beesha Kaboole la siiyo”


Iyadoo Kulanka ay ka hadleen dad fara badan ayaa waxaa ka mid ahaa Xubnihii ka Hadley Boqor Faarax Cabdi Guure, Boqoqr Muxumed Qaasim, Shiikh Amed Abuukar, Shiikh Cali Muude, Nabadoon Muxumed Macalin, Nabadoon Cabdulaahi Cismaan, Maxamed Abuukar Axmed iyo Jamiilo Xasan Darbane  waxayna dhamaantood ugu baaqeen Beesha Caalamka, Urur Goboleedka IGAD iyo Dowlada Federaalka in beesha Kaboole lagu duudsiiyey Xaqoodii ay ku lhaayeen  Federaalka iyo  Maamulka Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk\


E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk 

Published: 2016-10-03 13:47:08

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign