Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Beesha Shiikhaal oo Dhigtey Banaanabax ay uga soo horjeedaan Aqalka sare Jubbaland & Galmudug

 Banaanbax  Balaaran oo ay ka soo qayb galeen  Waxgarad, Salaadiin, Nabadoono, Culima’udiin, Siyaasiyiin , Haween iyo Dhalinyaro  iyo  ardeyda Dugsiyada ee Beesha Shiikhaal  ayaa waxaa uu ka dhacay Degmadda Kaxda ee Magaaladda Muqdisho  waxaana banaabaxaas u jeedkiisu ahaa Cabasho ku aadan xubnaha  aqalka sare ay beesha ku leedahey Maamuladda Jubbaland iyo Galmudug

Ugu horeyn Banaanbaxaas Cabashadda ayaa waxaa ka Hadley  qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Shiikhaal oo ay kaq mid ahaayeen Abwaan Badel Jaamac, Cabdisamad Yuusuf Cilmi oo ah hore Wasiir Ku xigeenka gaadiidka Cirka iyo Dhulka ugu soo nodey maamulka jubbaland    ayaa waxay sheegeen in Beeshu oo degaano balaaran ku leh Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya  ayna xaq u leedahay in ay Hesho Xubinimada  Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay intaa sii raaciyeen


 


 


“Markaan Xisaabtaney isla markaasna fiiriney nidaamka wax qaybsiga qabiilada  beesha waxay xaq iyo xalba u leedahey Xubinta Sare  ee Aqalka Sare ee Maamulada Galmudug iyo Jubbaland   waxaana u soo jeedineynaa Madaxda Sare ee Dowladda, Guddiga Doorashooyinka Dadban  Ummadda Soomaaliyeed  iyo Beesha Caalamka in Beesha Shiikhaal   ay Xubintaasi ay leedahay Cidna aysan uga Tanaasuleyn”


 


 Xubnhii kale ee Banaanbaxaas ka Hadley ayaa waxay sheegeen in Muddo dheer ay Beesha Kulamo yeelaneysey isla markaan ay ka Baaraandageysey  Sidii ay u heli lahayd Xubnaha Aqalka sare ee Maamuladda Galmudug iyo Jubbaland  oo ay sheegeen in ay Beesha Xaq u leedahay  sidoo kale Waxay hoosta ka Xariiqeen In Beesha ay Diyaarisey Xubinta u Mateli lahayd Aqalka Sare  ee Baarlmaanka  2016 .


 


“Waa  Nasiibdaro in Beesha oo Madaxweyne ku xigeen ka ah Maamulka Jubbaland sidoo kale Xubno Balaaran ay ku leedahaya Baarlamaanka iyo  Golaha  Wasiirada Galmudug in Maanta la yiraahdo Aqlka sare waxba kuma lihidiin  waa mid aanan Siugeyn waxaana u  soo jeedineynaa Maamuladaas in ay arrintaa ka  fiirsadaan oo Xaqa beesha leedahay Meel la saaro “ayey yiraahdeen Xubnhii ka Hadley banaanbaaasi


 


 Ciise Cabdulle Cadaan,  oo Kulankaasi ka Hadley ayaa yiri “Madaxda Qaranka , Kuwa Federaalka , kuwa Gobolka iyo kuwa loo Xil saarey Maamulka  Doorashada Dadban  waxaan ugu baaqaynaa in  Miiska la soo saaro  Xubinaha   Aqalka Sare  Maamulada Gal Mudug  iyo Jubbaland ee ay Beesha Xaqa u leedahay maadaama wax lagu qaybsanayo hab Beeleed


 


Ugu dambeyn Banaanbaxaas ayaa waxaa laga soo saarey War-saxaafadeed  ku aadan Helitaanka Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Maamuladda Glmudug iyo Jubbaland  in ay Ixtiraamaan  Xaqa beesha ay ku leedahay Deegaankaas balaaran ee ay degto sidoo kale Beesha waxay ka digeysaa Qaab Dhismaedka Siyaasadeed ee Indhaha Xiran ee Maamuladda Gal Mudug  iyo Jubbaland in ay Horseddi karto Qalalaaso Siyaasadeed oo Cusub 




Published: 2016-10-12 16:31:43

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign