Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


MAXAAN KA BARANAY CADAADO?

 Magaalada Cadaado waxaa labadii cisho ii la soo dhaafay ka socotay doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya Maamulka Galmudug ee Cadaado waxaa ay lahayd dareen gooni ah waxa ayna macno siyaasadeed u samayneesay Siyaasadda Soomaaliya iyo doorasha dhawaan filka ah 30 November ee Madaxweynaha Soomaaliya  haddii ay suura gasho.


 

Doorashooyinkii hore uga dhacay Cadaado waxa ay lahaayeen  iyan dareen iyo xamaasad siyaasadeed waxaana xusid mudneed sida ay u dhacday doorasadii i guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo uu ku soo baxay Cali Casir Gacal waxaana muuqatay in tartanku xiisa gaar ah ay u yeeleen labadii garab ee meesha ku loo lamay wallow aysan kala wadan magacyo Xisbiyeed oo sharci ah haddana waxaa jirtay laba magac oo goobta doorashada yaalay oo kala ahaa Damul Jadiid iyo Aala Shiikh.


 


Doorashada gudoonka Baarlamaanka  waxa ay guusha siisay siyaasiintii Aala Shiikh taasi ayaana u muujisay rajo wanaagsan oo ah in doorashada Madaxweynaha ay ku jirto gacanta midig waxaana hoga tusaalayn  wanaagsan ahayd in cidda heshaa guddoonka ay heli doono Madaxweynanimada,taasi waxa ay ahayd aragti leh miisaan aan la dabooli Karin.


 


Inkasto oo ay badnaayeen xubnihii u istaagay xilka Madaxweynenimo ee Galmudug haddana weli waa ay muuqatay dareenka laba dhinac waana sababta keentay in Axmed Macallin Fiqi iyi Cabdikariim Xuseen Guuleed ay baarka sare ee isha ay durba qabato waxaana tartanka oo aad u xiisa badnaa wareegii labaad uga sareeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Fiqi waxa ayna ka dhigneed in ciddii heshaa codka dheeriga ah ay heshay guusha go’gosha loo fadhiyay.


 


Inkastoo guushii guddoonka ee la tirsanayay ay wax iska badeleen haddana waxaa muuqata in naiijada aysan jirin kala fogaansho weyn oo dhinacyada ah waxaase ugu dambayntii guusha helay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo gacan saar wanaagsan la lahaa Madaxeyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ah yihiin saaxibo isku dhaw.


 


Doorashadii aqalka saree ee hadda soo idlaatay waxa iyana  muujisay dareen wanaagsan oo siyaasadeed waxaana halkaasi xil u raadsaday siyaasiyiin hanaanka qabiilka kala gedisan balse deegaanku ku kulmay waxa ayna u muuqatay Galmudug in hanaanka Federaalka loogu talagalay ay buuxisay waayo dad hanaanka qabiilka aan isku reer wax ku qaadan ayay deegaan ahaan kulmisay.Xubnaha aqalka sare ku soo  baxay waxa ay yihiin dad intooda badan hore loo yaqaanay oo aan ku cusbeyn siyaasadda,Senetorkii ugu horeeyay waxa uu ahaa


 


1 ) Abshir Maxmed Axmed (Bukhaari) waxa uu ahaa agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya xilligii Shiikh SHariif  waxa kale oo Abshir uu yahay nin aad loogu yaqaan horumarinta Xoriyatul Qoolka waa Aas Aasaha Goobjoog Media Group oo ka kooban idaacado dhowr ah iyo TV dhawaan lafilayo in uu hawada soo galo.


 


2)  Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid  waxa uu ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug waa Janaraal Police waxa uuna hore u soo noqday taliyaha Ciidanka Police Soomaliyeed waxaa kaloo oo uu noqday Wasiirkii Macdanta DKMG.


 


3) Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer waa siyaasi hadal adag oo aan gamban waxa uuna si cad u dhiibtaa fikirkiisa siyaasadeed waxa uu muddo dheer soo ahaa xildhibaan dowladihii KMG iyo tan hadda waqtiga uu ka idlaaday,Mr Dhuxulow waxa uu caan ku yahay u ololeenta siyaasadda waxa uuna ka mid yahay shaqsiyaadka inta badan tooda ay meel marto marka ay timaado Mooshinada iyo doodaha diidmada ah.


 


4) Sam sam Daahir waa gabar da’yar oo wax baratay waa ay ku cusub tahay siyaaadda Soomaaliya  Samsam waxa ay ay xubin ka tahay xisbiga PDP oo ka mida Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira mana ka helin Taariikh intaas dhaafsiisan gabadhaas noqotay gabadhiii ugu horeesay ee Sanetor noqata.


 


5) Jawaahir Axmed Cilmi waxa ay ahayd xildhibaan 4 sano ee la soo dhaafay ka hor inta aysan siyaasadda Soo gelin waxa ay ahayd qof u dhaqdhaqaaqa Daryeelka dadka Barakacayaasha ah waxa ayna  Kaam weyn oo dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin ay ka furtay deegaanka Carbiska oo ku dhaw Afgooye,Jawaahir waa gabar af gaaban oo aan inta badan ka hadlin warbaahinta waxa ayna inta badan ay jeceshay caawinta dadka aad awoodin in ay hadlaan waana meesha ay ka soo bilaawaday ka hor inta aysan siyaasadda ku sii biirin.


 


6) Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex waa ruuxa ugu waaya aragsan xubnaha aqalka saree e Galmudug waxa uu la soo shaqeeyay Dowladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre oo uu ka gaaray agaasime guud,Mr Goonjeex waxa uu door wanaasgan ku lahaa dhismayaahsii Dowladihii dalka soo maray xilliyadii KMG waxa uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeen waxaa kaloo oo uu waqti kooban noqday Ra’iisul Wasaare oo u dhigmay ku sime Ra’iisul Wasaare. Goonjeex waxa uu leeyahay aragti siyaasadeed waana ruux leh miisaan aan laga leexan Karin waxa uuna hadda soo galay aqalka saree ee Galmudug.


 


Yuusuf Geele Ugaas iyo Abuukar Axmed Xaashi uma leh aqoon wanaagsan o aan ka sheego waxa ayna ka mid noqdeen aqalka saree e Galmudug.


 


Tartamayaasha laga guulestay qaar ood ayaa lahaa   Miisaan siyaasadeed oo aan la dhayalsan Karin waxaana ka mid ahaa Kamaal Daahir Guutaale oo ahaa agaasimihii hore ee Maaxtooyada iyo Cabdisamad Macallin Maxamuud  oo xildhibaan dowladda hadda waqtiga ka dhamaaday waxa uuna soo noqday Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Dowladdii KMG.


Waxaa kaloo ka mid ahaa Eng Xasanow  waa aqoonyahan muddo dheer ku soo jiray siyaasadda waxa uu soo noqday Wasiir Dowladdii kacaanka waa Col ciidamada qalabka sida gaar ahaan Police iyo asluubta ayuu ka soo qabtay xilal kala duwan waa bare ka tirsanaa jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.


 


Guntii iyo Gabgabagabadii  Dadka Reer Mudug oo lagu tiriyo dadka ugu dhibka badan Soomaaliya islamarkaana Hoosresse u ahaa Colaadii Soomaaliya ayaa haatan moodaa in ay taasi meesha ka sii baxeyso sidaa darteeed  Tartankii Doorashadaa  ee ka dhacadey Cadaado  waxay Tusaale iyo Gogol Xaar u noqon doontaa Soomaaliya oo ka dhacda Doorasho qof iyo Cod  sidoo darteed waxaa Cadaado laga bartey in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Sannadka 2020   waxaana Sugnaaaba waa Doorashadii Aqalka Hoose  


 


W/Q Ca bdulkadir Maxamed Cabdulle


E-Mail  abdulkaadir44@gmail.com


Tel 00252617622328

Published: 2016-10-17 14:23:50

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign