Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Jaaliyadda UK oo Deegaanka CAMAARA ka Furtay Isbitaal lagula Tacaalayo Cudurada Guud

Waxaa Dhawan Degmada Camaara oo ka tirsan Degmada Xarar dheere ee Gobolka Mudug laga furey Isbitaal , waxaana Furitaankii Isbitaalkaas ka qayb galey Xildhibaano ka tirsan Galmudug , Culimaudiin, Waxgarad ,Nabdoono, Haween , Dhalinyaro iyo Ardeyda  Dugsiyada ee wax ka barata Deegaanka Camaara .

Ugu Horeyn waxaa Kulankaas ka Hadley Maamulaha Guud ee Isbitaal Axmed Salaad Xasan waxaa uu sheegey in Ujeedka loo furey Isbitaalka ay tahay markii  aan Ogaaney Baahida Caafimaad ee ay qabaan dadka Deegaanka kuwaa oo ka fog Xarumaha Caafimaadka waxaa uu sii raaciyey


“Adeegyada kale ee Isbitaalka sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo soo dhameystiri doonaa sidoo kale waxaa isbitaalka Camaara ka howl geli doonaa Dhaqaatiir , kalkaaliyaal iyo Umulisooyin si loo haqabtiro Baahida Caafimaad ee Bulshada ku nool  Camaara


 



Isbitaalka oo ay Maalgeliyeen Jaaliyada UK ee ka soo jeeda Deegaanka Camaara ee uu Hogaaminayey Axmed Nuur Maxamuud Barkhadle  ayaa waxaa kaloo ka md ahaa Dadkii ka Hadley Xilldhibaan  Xasan Cabdulaahi Cascaseey oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug  waxaa uu ugu Horeyntii u Mahadceliyey Jaaliyada  Uk isagoo sheegey in Bulshada Deegaanka Camaara u qabteen Howll loo baahnaa oo Waqtigeedii ku soo beegmey  



 



 



Muna Maxamed  Diirshe  oo ku Hadleysey Magaca Ururdada Bulshada Rayidka ayaa u mahadcelisey intii ka soo shaqeysey Dhismaha Isbitaalka Camaara  iyadoo ugu baaqdey Dadka Deegaanka Camaara in ay Ilaalsadaan isbitaalka oo wixii ay ku kordhin karaan ku biiriyaan   



 



 



Cabdicasiis Maxamed Xasan oo ku hadlayey  Jaaliyada Bariga Afrika ayaa isna u Mahadceliyey Jaaliyadda Uk isagoo  Ugu Baaqey  Jaaliyadaha kale  ka soo jeeda Deegaanka Camaara in ay ku daydaan Jaaliyada Uk. Maadaama  ay jiraan Baahiyo kale oo ka jira Deegaanka Camaara   



 



 



Guddoomiyaha Degmada Caamara Shiikh Yuusuf Salaad Maxamed  ayaa  Mahadcelin ka dib waxa uu sheegey in jiraan baahi kale oo Adeegyada Bulshada ee ay qabaan Dadka deegaanka Camaara Baahi kale waxaa uu u soo jeediyey Jaaliyadaha kale ee ka soo jeeda Deegaanka in ay  ku deydaan Jaaliyadda Uk  



 



 



Shiikh Xasan Maxamed Cabdi  oo ku hadlayey Magaca Culimaudiin Degmadda Camaara  ayaa halkaa ka jeediyey baarujin ku aadan  sida loogu baahan yahay in Bulshada is Caawiyaan taasoo lagu gaari karo Horumar la Taaban karo   



 



Gudoomiyaha Haweenka Midnimo Xalimo Xasan Carab oo ka hadashey Furitaanka Isbitaalka Guud ee camaara ayaa aku dheeraatey Dhibaatooyinka  mar waliba la soo Gudboonaadaan Haweenka iyo Caruurta taasoo ay ku tilmaantey kuwa aad u nugul Xanuunada


Degmada Camaara Waa degmo Istraaji ah oo isku xirta Tuulooyinka  Xinlibi, Caad, Ceelhuur, Warshubo, Dabagalo iyo Faax,  sidoo kale waxaa hoos taga tuulooyin kor u dhaafaya labaatameeyo, sida Baraag-Gawaan,  Baraag-dhagoole, Garabcadde, Sirgo, Qoraley, Korodhi, Tuulo Cali Jaamac, Meygaag Caad, Gumar, Ceelgaras, Hal iyo Nirig, Gabdhoole iyo kuwa kale oo fara badan.


Degmada Camaara waxay ka kooban tahay 5 xaafadood oo kala Hormuud, Jalaleey, Barwaaqo, Godeey iyo Xaafad cusub  oo lagu biiriyay loona bixiyay Liibaan.


Degmada waxay caan ku tahay dhanka Beeraha iyo Xoolaha waxaana xusid mudan inay leedahay Ceelal Biyo Macaan oo si fudud loo qodi karo, waa magaalo ku fiican ganacsiga iyo dalxiiska.


 



W/D Amin Yuusuf Khasaaro



 



E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk



 



E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk



 

Published: 2016-10-30 18:26:50

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign