Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


SOMA OO XUSTEY MAALINTA DAMBIYADA KA DHANKA AH SUXUFIYIINTA EE 2-DA NOFEMBER

 SOMALI MEDIA ASSOSIATOIN SOMA  OO XUSTEY MAALINTA DAMBIYADA KA DHANKA AH SUXUFIYIINTA EE 2-DA NOFEMBER

Waxaa Magaaladda Muqdishgo lagu qabtey Kulan si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu xusayey  Maalinta Dambiyada ka dhan ka ah ee Suxufiyiinta , waxaana ka qayb galey  Xildhibaano, Bulshada Rayidka, Qaybaha kala duwan ee warbaahinta , haween Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale


Xuska Maalinta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta ee 2-da Nofember ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Somali Media ( SOMA) Ururka  Suxufiyiinta Soomaalieed ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadley  Xoghayaha Guud ee SOMA Ismaaciil Shiikh Khalifa oo ku dheeraadey  dhismaha Ururka SOMA oo ay ku mideysan yihiin ilaa 38 Idaacdood oo dalka ka dhisan waxaa uu intaa ku sii darey


“Shirweyihii ugu dambeeyey ee SOMA waxaa la isku raacayey in Ururka la balaariya oo lagu soo biiriyo Wargeysyada iyo Talefishinada waxaana dhawaan la qaban doonaa kulan ay ku soo biirayaan  Warbaahindaas  waxaa uu  Xoghayaha SOMA Dowlada iyo Hayadaha Amniga ka codsadey in gacanta lagu soo bandhigo kuwii ka dambeeyey Suxufiyiintii la dhibaateeyey


 Waxaa kaloo Kulankaas ka Hadley Xoghayaha Tababarada ee SOMA Axmed Ciise Guutaale oo sheegey in Soomaaliya weli ka hirgelin Saxaafada  Xor ah iyo Xoriyada hadalka waxaa uu intaa sii raaciyey “ Shaircigii Waa jiraa hadana laguma dhaqmo  marka waxaan dalbaneynaa in daqlka laga hirgeliyo Saxaafad xor ah “


 Xubnihii kale  ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa  Xoghayaha u qareemida ee Daladda SOSCENSA Diini Maxamed Diini  ayaa Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Bulshadda rayidka ay doonayaan Dowlad Daacad , Saxaafad Xor iyo Horumar marka waxaa leeyahay Bahda Warbaabinta in ay nagala shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa Horumar la taaban karo    


 

Axmed Maxamed Dhicisow oo ka mid ah Qorayaasha  Soomaaliyeed ayaa  waxaa uu isagana  ku dheeraadey Taariikhdii Wargesyadda Soomaaliyeed iyo heerarkii ay soo mareen waxaa uu u mahadceliyey Ururka SOMA sida ay ugu go’an tahay in Wargeysayada helaan Xaquuqooda


Eng Sidow Xasan Mahdi oo ah Gudoomiyaha Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyn ayaa waxaa uu  Saxaafada u soo jeediyey in ay Tilmaamaan  Cid kasta oo dalka wax u qabatey iyo Cid kasta oo dalka Dhibaato u geysatey isagoo sheegey in Hayadiisa ay la shaqeyn doonto  Ururka SOMA


Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir waxaa uu sheegey  marka laga hadlayo Awoodaha Dowladnimo Saxaafadda Waxay ku jirtaa mida Afaraad  waxay u dhisan tahay in ay mar waliba Tooshka ku ifiyaan Saddex Awood ee ka sareeysa si  wax waliba u Cadaadaan


Waxaa kaloo Munaasabadaas  ka Hadley Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo ah Gudoomiyaha Golaha Qaranka Suxufiiyinta iyo Cabditifaax Maxamed Cali Arizona oo ka socdey Warbaahinta Gobolka Banaadir   oo labadooda sheegey in mar waliba loo baahan  yahay in la soo qabto kuwa Xad Gudubka u geysanaya Suxufiyiinta


Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa  ayaa u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Munaaasabadaas oo uu ku tilmaamey mid Muhiim u ah Saxaafadda Soomaaliyeed isagoo ugu baaqey Bahda Warbaahinta in ay Midoobaan oo ay iskaashadaan iyadoo intii ay socotey Munaasaabadaas lagu soo bandhigey Halku dhigyo ku aadan  looga soo horjeedo Tacadiyada saxaafadda sidoo kale waxaa lagu qaybiyey Xaflada Wargeys ay soo saarto SOMA oo Sadexdii bilood mar soo baxa  


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Published: 2016-11-02 16:03:28

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign