Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Bandhig Shaqo Abuur ah (JOB FAIR) oo Maanta ka Furmey Magaalada Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta ka furmey  Bandhig loogu magacdarey Bandhiiga Shaqo abuuurka (JOB FAIR) waxaana Bandhigaan soo qaban qaabiyey Sanduuqa Fursad Fun, waxaana ka qayb galey Ganacsato, Shirkado, Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Wasaaradda Qorsheynta, Ururka Isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed. Hayado ,Jaamacadaha , Ardeyda Jaamacadaha kuwa dhigata iyo kuwa ka baxay iyo Marti Sharaf kale .

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Hayadda Culimadda Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad  waxaa uu u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Barnaamijkaan Shaqo Abuurka ah oo uu sheegey in uu wax ka tarayo in dhalinyaradda Soomaaliyed Helaan Shaqooyin, waxaa uu ugu baaqaey Ganacsatada iyo Shirkadaha in ay u Cadaalad Falaan Dadka Shaqo doonka ah.



Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Sanduuqaq Fursad Fun waxaa uu ku dheeraadey Sababahii loo aas –aaasey Sanduuqa isagoo sheegey in 27 Bishii Feberaayo 2016 Sanduuqaan la Daah Rogey waxaa uu intaa sii raaciyey “


“Sanduuqa Madaxa Banaan Fursad Fun waxaa soo galey lacag gaareysa 41, 939,17 kun oo doolar, waxaa lacagtaas bixiyey dad gaaraya 173 qof, qofka ugu yar waxaa uu bxiyey Hal Doolar , kan ugu badan waxaa uu bixiyey 400 oo Doolar|waxa uu intaa ku daray


“Lacagahaas waxaa lagu fuliyey Saddex Mashruux mid waxaa uu ahaa Mashuurca Kaamilo, waana Mushruuc Shaqo loogu abuurayey Haween ka ganacsada Hilibka iyo Khudaarta waxaana Mashuruucas ku baxdey 10 Kun oo Doolar , Mashruuca Xigay waxaa uu ahaa Mashruuc beeraha Baydhabo ,waxaa 7 Hiktar loo maalgeliyey Dad Naafo ah iyadoo Mashruucaan ka faaiideysteen Dad fara badan oo Naafo waxaana ku baxdey 10 Kun oo doolar , Mashuurca Sadexaad waxaa uu yahyay mid hada socda oo ah Mashruuca Aquaponics Green House waana Mashruuc  beero Casri ah laga sameynayo waxaana ku baxaysa Lacag dhan 11 Kun oo doolar isku soo duubo Sadexdaas Mashruuc Waxaa ku baxdey 31Kun oo Doolar ‘ ayuu yiri Mudane Cabdi Nuur oo intaa ku darey


“Mashruuca Afaraad waa midka maanta aan u joogno halkaan ee Bandhigga waxaana ku guuleyaney in aan shirkadaha ku qancino in ay wax ka badalaan qaabka Shaqaaleysiinta sidoo kale Sanduuqa Fursad Fun u Mahadcelinayaa Maamulka Sare ee Sanduuqa  oo waqti badan ku bxiyey Ilaalinta ama Xafidida Amaanada Gacanta Sanduuqa soo gashey, sidoo kale waxaaa u Mahadcelineynaa Dhamaan Shirkadihii iyo Shaqsiyaadkii nagala qayb qaatey howshaan adag sidoo kale waxaan la dafiri Karin Kaalintii Warbaahinta ka Cayaartey Barnaamijkaan Dhamaatii waxaa idiin leeyahay Mahadsanidiin”


Inti ay  socotey Bandhiga Shaqo abuurka waxaa ka Hadley qaar ka md Shirkadaha kuwaa oo ku dheeraadey qaabka ay u bixiyaan Shaqooyinka iyadoo intii uu  socdey Bandhigaas waxaa dood dhexmartey Dad Shaqo doon ahaa iyo Shirkadaha ugu Tunka weyn Dalka waxayna doodka ku saabsaneyd Sidii uu isfaham iyo Wada shaqeyn u dhexmari lahayd Shirkadaha iyo Dhalinyarada Shaqdoonka ah iyadoo Bandhigaan uu ahaa kii ugu Balaarnaa ee lagu qabto Magaaladda Muqdisho  waxaana uu socon doonaa muddo Laba Maalmood ah





Published: 2016-11-11 10:50:10

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign