Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


EEDEYN KULAL OO JEEDIYEY XILDHIBAAN MAHAD MAXAMED SALAAD

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad (Wasiir u Dowlaha Madaxtooyada) uu dhibaato ku hayo sidii oo soo xuli lahaa Xidhibaanka Seddexaad ee beesha CAYR ee Degmada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Waxgaradka, Nabadoonada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta  Beesha Cayr-Bari  oo Cadaado jooga ayaa Mahad Maxamed Salaad  ku eedeeyey in uu qas ka dhex wado sidii ay Jufooyinka  leh Xildhibaankaasi ay u soo dooran lahaayeen.


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo isaga todobaadkii hore lagu doortay magaalada Cadaado ayaa Odayaasha Dhaqanku waxay sheegeen in ay  la yaaban yihiin sababta ilaa iyo hadda ku haysa Cadaado, waxayna ku eedaynayaan in uu lacago laaluush ah la dhex xulayo ergada Jufooyinka Cayr-Bari oo kala ah Cabsiye, Xasan Samadoorte iyo Yeber Dhowrekace.


Marka laga yimaado eedaynta ka imaanaysa waxgaradka,  iyo odayaasha dhaqanka waxaa kaloo eedayn taasi la mid ah ka soo yeeraysaa Siyaasiyiinta iyo  lix ka mid ah Murashixiinta u tartamaysa kursigaasi oo gaaraya sideed xubnood.


Dadka eedaymahani  jeedinaya ayaa qaarkood sheegeen iney si fool ka fool ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad uga codsadeen inuu arrintani faraha kala baxo, waxayna intaasi ku dareen inuu dhegaha ka furaystay oo uu weli dhibaato muuqato  ku hayo.


Xildhibaan Mahad Maxamed  Salaad ayaa waxay wararku sheegayaan inuu qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jufooyinka Cayr-Bari u ballan qaadayo jagooyin in uu ka siin doono dowlada dhexe ee federaalka haddii ay u ololeeyaan murashaxa uu rabo oo uu soo baxo.


"Xildhibaan Mahad Maxame  Salaad  Xurmo ayaan u hayaa, tan iyo markii la doortay waxaa uu carqalad ku hayaa ergada Jufooyinka  walaalaha ah ee halka kursi ka dhexeeyo, waxaana ka codsanaynaa inuu arrimahaasi faraha kala baxo" sidaa waxaa yiri mid ka mid  Musharixiinta kursigaasi u tartamaya oo diiday in magaciisa la xigto


 Waxaa uu  raaciyay "Dadkani halka kursi ka dhexeeya waa dad walaalo ah oo aan sina u kala maarmin, waxaan  mar kale waydiisanayaa Xildhibaanka inuu  dhex dhexaad ka noqda go’aanka masiirka Jufooyinkaasi kursigaasi xildhibaanimo iska leh, mar haddii aan lagu fara galin xubinamdiisa  waa inuusan carqaladayn  arrin uusan shaqo ku lahayn”.

Published: 2016-11-27 19:06:16

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign