Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Warsaxaafadee ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka Beesha Gugundhabe ee Doorashadii ka Dhacdey Jowhar


  Og :  Gudiga Khilaafaadka Heer Federaalk,



 



 Ku: Gudiga Khilaafaadka HirShabeel



Og: Gudiga Doorashooyinka dadban ee  Heer Federaalka 


 



 Og: Gudiga Doorashooyinka dadban ee  Heer Hirshabeele



 


  Og:Maamulka Hirshabeela



Og: Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey


 


Ujeedo : Warbixin la Xiriirta  Doorashadii Kursiga Beesha Jidle iyo Go’aankii Duubabka Gugundhabe

18-11-2016 waxaa Dhacay Doorashadii Kursga Beesha Jidle Tasoo Aakhirkii ku Biya Shubatey Qalalase Hadaba Sidee Wax u dhaceen


Ergeda waxaa loo sheegey in Doorashada la galeyo 19-11-2016  ka dib waxaa Gudiga Doorashada ay sheegeen in Doorashada la qabanayo Galabta Jimcaha  Saacada Sagaalka Galabnimo


Markiiba Ergeda waxay u sheegeen  Gudiga Doorashada aysan Diyaar ahayn  Siminaar la siinin , Kaarra la siini, islamarkaan aysan Diyaar ahayn Sabti ka hor aysana Macquul ahayn in Doorasho la qabto ,


Gudiga Doorashada waa ogolaadeen  waxaana  Ergedii loo sheegey in Doorashada  Maalinta Sabtidala qabanayo  waxaana Xiligaas Goobta ku sugnaa Ugaaska Beesha, hase yeeshee Waxaa Teleefon soo direy Gudiga Doorashada waxayna Sheegeen in Doorashada la qabanyo  10 Saac Galabnimo Jimce ah  ayna tahay Amarka Madaxweynaha Hirshabeele


Labada Musharax waa Axmed iyo Nuur markiiba waa showreen  waxayna isla afgarteen in aysan Caqabad ku noqon Dorashadda  iyo Amarka Madaxeynaha halka Musharaxa Sadexaad oo qabey in Doorashada  Dhacdo Jimacha


Markiiba waa la tartamey waxayna Natiijadii Noqotey Axmed             Shiikh Nuur waxaa uu heley 24 Cod , Maxamed Cabdulaahi Nuux waxaa uu heley 21 Cod halka Nuur Bocor Jeele uu heley 3 Cod halka mid uu halaabey


Gudiga markii ay ku dhawaaqeen Natiijada lana galayo Wareegii Labaad ee Doorashada ayaa Musharaxii Sadexaad  uu Tanaasuley iyadoo Codadkii uu heley ugu shubey Musharaxii Guuleystey


Markii uu ogaadey Musharaxii kale in la isku Tanaasuley Heshiisna uu dhacay ayuu wuxuu ogaadey in Doorashada looga adkaanayo sidaana uu ku bilaabey in uu isaga baxo Doorashada hase yeeshee Gudiga Doorashada markii ay damceen in a bilaabo Doorashada ayaa waxaa dhacay in la  la dimiyo  Korontadii  iyadoo halkaas ay ka bilaabantey Fowdadii iyo Qalalaasihii  waxaana markii Dambe yimid Ciidamdii Amaanka oo ergadii Fasaxay ., marki ay damceen in ay baxaan ayaa waxaa bilaabantey rasaas  waxaana Goobta ka dhacay Dhibaato.


Shir ay isugu yimaadeen Duubabka Dhaqanka Beesha Gugundhabe oo ay weheliyaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad waxay aad uga Xumaadeen islamarkaana Cambaareeyeen wixii  Meesha ka dhacay waxana Go’aamiyeen in Axmed Shiikh Nuur oo haysta  27 Cod uu yahay  Xildhibaanka Beesha Jidle ee Aqalka Hoose  waxayna Gudiga Doorashada uga Fadhiyaan inay ku dhawaaqaan iyagoo ilaalinaya Rabitaanka Beesha iyo Xasiloonida


Waxaana Qoraalkaan ku saxiixnaa  wakiilka Ugaaska Beesha Jidle  Ugaas Cabdinaasir Ugaas Nuure , Waberka Beesha Baadi Cade Wabar  Maxamed Axmed iyo Wakiilka Waberka Jajeele  Cismaan Shiikh


 

Published: 2016-11-27 19:09:00

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign