Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Shaafici islow oo lekjar u jeedin doona Madaxda warfaafinta kubada cagta Afrika.

 Xiriirka kubada cagta Qaarada Afrika ee CAF ayaa usoo wakiishay agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya Shaafici Islow in uu muxaadiro u jeediyo madaxda warfaafinta xiriirada kubada cagta 54-ta dal ee Afrika marka ay isugu yimaadaan kulan ka dhacaya dalka Cameroon dabayqaada todobaadkan.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo hadlayay kaddib marki CAF xiriirka kusoo war gelisay in Shaafici uu muxaadiradaa tariikhiga ah ka jeedin doono kulanka ka dahcaya Cameroon ayaa yiri “ Sharaf ayay u tahay xiriirka iyo guud ahaan Soomaaliya si gaar ahna warbaahinta ka faaloota arrimaha sportiga in Soomaaliya la siiyo fursada noocan oo kale ah. Sida aad la socotaan shaafici laba jeer oo CaF qiimeyn sameysay labadiijeerba isaga ayaa kusoo baxay kaalinta 1-aad, hadana waxaan rajeyneynaa in uu meel wanaagsan sii gaaro, talaabooyinka horumarka leh ee uu sameynayo ayaana nagu dhiiri gelinaya in aan ku gacan siino hamigiisa ah in uu meel sare sii gaaro. Isagoo yar ayaan shaqadan kubada cagta kusoo bar baarinay horumarka uu sameynayana aad ayuu ii farxad gelinayaa”ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.


 


 Qodobada muhiimka ah ee uu shaafici islow uga hadli doono muxaadaradiisa ayaaw axaa ka mid ah;


·         Sida loo horumarin karo saxaafada Isboortiga Afrika.


·         Waxyaabaha looga baahan yahay saxafiga arrimaha Isboortiga in uu ku baraarugsanaado.


·         Qaabka ay u shaqeyso saxaafada Isboortiga Soomaaliya.


·         Kaalinta warbaahinta Isboortigu ku leedahay horumarinta kubada cagta dalka


·         Sida ugu wanaagsan ee saxaafada Isboortiga loogu adeegsan karo horumarka kubada cagta qaarada Afrika iyo arrimo kale.


Talaabadan ayaa dhanka kale waxaa lagu tilmaami karaa guul weyn oo usoo hoyatay saxaafada Isboortiga dalka Soomaaliya maadaama qaabka ay u shaqeeyaan iyo horumarada ay sameynayaan si gaar ah loogu xusi doono kulanka ay isugu imaanayaan madaxda warfaafinta xiriirada kubada cagta ee 54-ta dal ee xubnaha ka ah ururka CAF.


Cumar Ibraahim Cabdisalaamwaaxda warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya.


Email: omar.ibrahim@somsoccer.com






Omar Ibrahim Abdisalam
Tel: 00252615034987, 00252699853912, 




Published: 2016-12-13 16:03:12

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign