Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


SOYDEN oo soo dhoweyn u qabatay Ilham Omar

Dalladda SOYDEN oo Qabatey Kulan isugu jirey Soo Dhaweynta Ilhaan iyo wax ka Qabsoomey Qoondada Haweenka

Waxaa Magaaladda MuqdisHo lagu qabtey kulan balaaran kaasoo  isugu jirey Laba qaybood mid waxaa uu ahaa Halka ay mareyso Qoondada Hawdeenka ee Doorashooyinkii ka dhacay Dalka ee aqalka sare iyo aqalka hoose iyo soo dhaweynta Xildhibaanada ku guuleysatey Kursiga Minessotta  waxaana ka qayb galey Xildhibaanada Cusub  ee labada aqal , Wasiiro , Ururada Bulshada , Ururada Haweenka , Madaxda Dalladda SOYDEN iyo Marti Sharaf kale.


Kulankaan oo ay soo qabanqaabisey Dalada  Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Somali Youth Developments Net Work  ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadley Xasan Axmed Sadiiq oo ka tirsan Dalada SOYDEN kana mid ahaa Gudi loo xilsaarey Dabagalka Qoondada Haweenka  waxaana uu kuu dheeraadey Waxqabadka Daladda SOYDEN iyo Ujeedooyinkii loo aas aasey isagoo sii hadlayana waxaa uu yiri


" Dadaal la sameeyey  ayaa Haweenka waxay gaareen in ay helaan  Boqolkiiba 25 waa Heer aad u wanaagsan hase yeeshee weli lama gaarin meeshii la rabey waxaan rajeynayaa   in Mustaqablka aan gaaro ama aan dhameystirno Qoondada  Haweenka "


waxaa  kaloo Kulankaas ka hadley Wasiirada Haweenka io Xaquuqal Insaanka Sahro Maxamed Cali Samater waxayna u Mahadcelisey dhamaan intii ka qayb qaadatey ama Dadaal u galey in Haweenka ay maanta soo gaaraan Heerkaan gaar ahaan Doorashooyinkii ka dhacay Dalka  waxaan soo jeedinayaa in iyana  la xaqiijyo Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin dhamaan hayada Dowladda iyadoo wasiirada Gaacmo Furan ku soo dhaweysey Xildhibaanad Ilhaan Cumar


Waxaa  kaloo Kulankaas ka hadley qaar ka mid ah Haweenka ku guuleystey doorashadii ka dhacday Dalka ee aqalka Hoose iyo aqalka  Sare waxayna u mahadceliyeen intii ku garab istaagtey in ay haween fara badan ay ku guuleystaan Kuraasta Baarlamaanka waxayna ku baaqeen in  la dhameystiro dhamaan Qoondada Haweenka


Xildhibaanada haweenka ee Baarlamaanka waxay si gaar ah ugu Mahadceliyeen  Ilhaan C um ar oo ay sheegeen in ay Soomaaliya u soo hoysey Guul weyn gaar ahaan  Haweenka Soomaaliyeed  sidaa darteed  waxaan Haweenka Soomaaliyeed u soo jeedin eynaa ay ku daydaan Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo  taariikh u dhigey Haweenka Soomaaliyeed 


Ugu Dambeyn waxaa kulanka hadley Ilhaan Cumar oo iyana dhawaan ku guuleysatey Kursi ka mid ahaa Kuraasta Minnesota gaar ahaan Degmada 60-B , waxayna Ilhaan ku  dheeraatey Halgankii dheeraa ee ay u gashey Kursigaa waxayna intaa ku sii dartey


" Kursiga waxaa ku fadhiyey Muddo 44 Sanno Haweeney waa adag tahay kursi sidaa ah in lagu guuleysto hase yeeshee Dadaal aan sameyney iyo isku duubnaan yaan ku gaarney in  ay ku guuleysto Kursigaa marka waa Guul weyn oo u soo hoyatey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Mareykanka " waxay intaa ku dartey


"Waxaan u soo jeedinayaa Haweenka Soomaaliyeed in aan Siyaasada ka gaarno meel sare taasinawaxay ku imaan kartaa iyadoo Gacmaha la si qabso oo aan muujino midnimo iyo dadaal dheeraad ah "

Published: 2016-12-22 16:35:00

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign