Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Baaq u direy Labada Gole ee Baarlamaanka

 Waxaa Magaalada Muqdisho Kulan balaaran ku yeeshey Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kuwaa oo isugu jirey Ugaasyo, Salaadiin Nabadoono, Malaaqyo iyo Waxgarad, waxaana Kulankaas looga Hadley Xaaladda Dalka haatan uu marayo .

Ugu horeyn waxaa halkaa laga akhriyey Bayaan ay soo saareen Odoyaasha  kuna Saxiixnaa ilaa 150 Odey Dhaqameed waxaana ka mid ahaa  waxyaabahii ugu waa weynaa ee ku qornaa Bayaankaas in ay aad uga Xumaadeen sida  ay Madasha ugu Xadgudubtey Dastuurkii Dalka ayna u soo saareen Go’aano  aan fuleyn isla markaan aan waa faqsaney Dastuurka Dalka taasoo u jeedkiisu yahay in ay ku Cimri dheereystaan Xukunka.


“ 24 tii Bishii 12-aad 2016 waxay madasha soo saareen in Aqalka Sare lagu Kordhiyey 18 Kursi kaasoo  Xadgudub ku ah Dastuurka Dalka gaar ahaan Qodobka 72 “ ayaan lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka  waxaa lagu sii raaciyey Bayaankaas


“Odoyaasha  dhaqanka waxaa la yaab ku noqotey markii Madaxweynaha Waqtigiisii dhamaadey uu Dalacsiiyo Qaar ka mid ah Ciidamada  I sagoo hore Wareegto uu u soo saarey ku sheegey in aan   Dalacsiin la sameyn Karin sidaa darteed Madaxweynaha wuxuu ku Xadgudbey Sharcigii Dalka “


“ Gudiga Khilaafaadka ee Doorashada waxay dhowr jeer soo saareen go’aano iska Hor imaanaya  sidaa darteed Odoayasha Dhaqanka waxay Gudigaas u arkaan mid aan markii hoore ku imaan rabitaanka Shacabka Soomaaliyed sidaa darteed ma jiraan Xubno laga heshiiyey kuwaa oo ku soo baxay Musuqmaasuqa ee Doorashada” ayaa lagu yri Bayaanka ay soo saareen odoyaasha Dhaqanka wuxuu Bayaanka intaa ku daray


“Waxaa soo dhaweyneynaa Go’aamadii ka soo baaxay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare  ee ay ku laaleen 18 Kursi ee ay Aqalka sare ku dareen Madasha ka dib markii ay Cuksadeey Qodobka 72 ee Dastuurka oo ogolaanayaa in Aqalka  sare uu noqdo 54 Xubnood sidaa darteed  waxaan u soo jeedineynaa Lababa Gole ee Baaramaanka in aysan Dooran Madaxdii afatii sano la soo dhaafey  dalka Hogaaminayey


Bayaanka ka soo baxay Odoyaasha Dhaqanka ayaa lagu soo gabagebeey Dardaaran ay u jeediyeen Labada Gole ee Baarlamaanka waxayna ka dalbadeen in ay Ilaaliyaan Sharciga Dalka  sidoo kale waxay ku baaqeen in Gurmad Deg deg ah lala gaaro  Dadka abaaraha saameeyeen


Kulankaa Odoyaashii ka Hadley wax aka mid ahaa Abuukar Cismaan Ganey, Muumin Cabdiraxmaan (Muumin Giriig)  Ugaas Muxyadiin Xasan Axmed, Nabadoon Daa’uud Hudle Khayre, Nabadoon Maxamed Bin Cali Uunsane , Suldaan Shariif  Cali Xasan , Nabadoon Cabdisalaan Axmed Tuur yare , Ugaas Shiikh Xasan Yare Xasanow , Islaan Maxamed Aadan Muuse iyo Axmed Cali waxayna Dhamaatood Sheegeen in Xilgaan loo baahan yahay isbedel ka dhaca Dalka.

Published: 2017-01-02 09:28:37

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign