Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Ururka NUSOJ oo Xaflad u qabtay Senator Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Khaalid Macow

 Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ujeedkeedu ahaa soo dhoweynta labo Mudane oo ka tirsanaa Bahda Saxaafadda kuna biiray labada aqal ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

waxaana soo qaban qaabiyey Munaasabda Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.


Ugu horeyntii waxaa Munaasabadaas ka Hadley Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaa uu sheegey in Ururka NUSOJ ay ku faraxsan yihiin in Xubno Baarlamaani ah ay ku yeeshaan Labada Aqala ee Baarlamaanka.


“Waan soo dhaweynaaa hadii aan nahay Bahda Saxaafadda Xubaha ka mid noqdey labada Aqal oo ay ugu horeeyeen Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir” ayuu yiri Macalimuu oo ka codsaday labada Mudane in ay Warbaahinta la shaqeeyaan maadaama ay hore ugu tirsanayeen bahda Saxafadda wuxuuna Intaa ku darey in ay cabasho Badan ka jirto Xeerka Saxaafadda ee la meel mariyey


Waxaa kaloo Munaasabadaas lagu soo dhaweynayey Senator Abshir Bukhaari iyo Khalid Macow ka Hadley Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo sheegey in Bahda Warbaahinta ay heleen Laba Xubnood o firfircoon isagoo ugu baaqey Labada Mudane in ay Bahda Saxaafadda si hoose ula shaqeeyaan.


Xubnihi kale ee ka hadley Munaasbadaas soo dhaweynta waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa iyoi Gudoomiyaha Uurka Haweenka Suxufiyiinta SWJ Farxiyo Maxamed Khayre waxayna labadooda u mahadceliyeen intii soo qaban qaabisey Munaasbada lagu soo dhaweynayey Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo Xildhibaan Khaalid Macow waxayna ka codsadeen iney ka shaqeeyaan sidii loo Horumarin lahaa Saxaafadda Soomaaliya .


Xildhibaan Khaalid Macow oo Muddo dheer ku soo jirey Bahda Warfaafinta Soomaliya oo ka Hadley Munaasabdaas lagu soo dhaweynayey ayaa Mahadceliin ka dib waxaa uu ku dheeraadey Taariikhdiisii iyo Doorkii uu ku lahaa Bahda Warbaahinta isagoo halkaas ka balan qaadey in uu mar waliba gacan siin doono Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Bahda Warfaainta in ay ka qayb qaataan Dib Dhiska Dalka.


Waxaa Munasabadda soo xiray Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo Xubin ka ah Aqalka sare waxana uu ugu horayn u mahadceliyey Urur Suxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ oo uu sheegey in uu yahay urur muddo Dheer soo shaqeynayey waxa uuna ku booriyey in maanta wixii ka dambeeya ay sii laba jibaaraan Wada shaqeyntooda


“Xeerka Saxaafadda ee la ansaxiyey ma ahan Kitaab Qur’aan waxaan ku dadaali doonaa in wax badan laga badelo qodobada aad ka Cabaneysaan, sidoo kale hadii aan nahay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaan Xooga Saari doonaa in dalka ay ka hirgasho Saxaafad Xor ah oo ka shaqeysa Danaha Bulshadda Soomaaliyeed “ sidaas waxaa yiri Senitor Abshir Bukhaari oo hoosta ka xariiqay in mar walba loo baahan yahay Saxaafad Asluub leh.


Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa ah Musharax u taagan Xilka Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare halka Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir u taagan yahay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Published: 2017-01-10 15:59:25

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign