Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Xildhibaan Codkaaga ha Noqdo Mid wax Dhisa !!

 Baarlamaanka Tobanaad oo dalka ka shaqo bilaabay bilowgii sanadkaan ilaa hadana yeeshayna fadhiyadiisii caadiga ahaa, sameeyayna doodo iyo go’aano muhiim ah ilaa hadda. Waxaana u suuragalay doorashooyinkii Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee golaha baarlamaanka dhacdayna January 11-12 2017.

 Waxaana guddoomiye loogu doortay Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, guddoomiye k uxigeenka 1aa waxaa loo doortay Mud. Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka 2aad waxaa loodoortay Mud. Mahad Cabdalla Cawad. Waxaana halkaas ku dhammaaday dhismihii guddoonka baarlamaanka 10-aad ee dalka, Waa u hambalyeeynaayaa dhammaantood guusha ay ka gaareen doorashooyinka guddoonka baarlamaanka 10aad ee soomaaliya.


Waxaana idinkula dardaarmaayaa inaad xilkiina uga soo baxdaan sida ugu saxsan ee Allaah (sw) iyo adoomadiisa Soomaalida ah raali uga noqdaan, wadada toosana Allaha(sw) ha idin waafajiyo.


Waxaan ku xigi doona doorashada ugu muhiimsan ee madaxweynaha oo Baarlamaanka 10aad iyo guddoonkiisa cusub looga fadhiyaa inay shaaciyaan waqtiga kama dambeeysta ah ee la qaban doono doorashada Madaxweynaha 4-sano ee soo socota muhiimna u ah mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha imaan doona waxaa looga fadhiyaa inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo codkiisa oo shacabka si toos ah u soo dooran doonaan madaxdooda iyo xildhibaanadooda. Si taas loogaarana waxay u baahan tahay dejintii shuruucdii looga baahnaa doorashada noocaas ah iyo kaadiriintii ka shaqan lahayd. Waxaan kaloo u sheegayaa xildhibaanada marka la gaaro kala doorashada musharixiinta madaxweynaha waa inay ku xushaan kartidiisa iyo xirfadiisa hogaamineed taasoo fure u noqon karta samatabixinta dalka iyo dadka soomaaaliyeed.


Dalka wuxuu hada ku jiraa marxalad Qatar ku ah dhaqaalihii iyo noloshii dadka. Waxaa jira abaaro sii daba dheeraaneysa, dhulkii oo nabaadguuray, biyo la’aan baahsan,xoolihii oo u dhamaaday biyo iyo baad la’aan, wax soo saarkii dalaga beeraha oo hoos u dhacay, xoolihii sacuudiga loo iibgeeyn jiray oo la joojiyay xalada xoola dhaqatadana sii murjisay. Waxaan intaas dheer maamul xumo iyo musuqmaasuq iyo xatooyada hantida qaranka. Waxaana la rabaa in 2020-ka la  gaarsiiyo dalka doorasho qof iyo cod ah, taasna waxaa lagu gaari karaa in laga sii shaqeeyo shuruucdii doorashadaas, sugida amniga doorashadaas iyo diyaarinta kaadiriintii ka shaqayn lahayd. Isdhexgalka iyo isu socodka bulshada la horumariyo, isgaarsiinta dhulka iyo hawada la horumariyo, iwm. Sidaas darteed waxaan xildhibaanada kuleeyahay adinkoo fiirinaaya duruufahaas oo dhan inaad dalka u xushaan qof howshaax baaxada leh ka soo bixi kara maamul ahaan iyo farsamo ahaan. Hadii sidaas yeeli weydaan ogaada eedu waa mid wadareed mana ka baxsan kartaan.


Sidaa Darteed waxaan soo jeedinaayaa in dibu eegis lagu sameeeyo shuruudaha lagu soo dooranaayo musharaxa madaxweynaha ee 4-ta sano nagu soo fool leh. Lana qiimeeyo kartida iyo xirfadaha siyaasadeed ee musharaxiintu u leeyihiin xallinta Khilaafaadka siyaasadeed, khilaafaadka Xuduudeed,khilaafaadka kheyraadka dabiiciga ah, ilaalinta sharuucda iyo kala dambeynta, ciribtirka musuqmaasuqa iyo shaqo la’aanta, wax ka qabashada abaaraha iyo fatahaadaha, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka,waxbarasho, caafimaad,iwm.


Waxaa kaloo ila haboon in dibu-eegis lagu  sameeyo taariikhdiisa hogaamineed ee dalka gudihiisa ah iyo xilalkii uu dalka ka soo qabtay, la weydiiyo caqabadihii ka horyimid intuu xilkaas qaran uu hayay iyo sidii uu ku xaliyay, taasina ceeb maahan ee waa qayb kamid ah turxaan bixinta hogaaminta qaranka. Hadaan hada la bilaabin isbadal siyaasadeed, sharci iyo hogaan hufan oo dalku yeesho,way adkaan doontaa isbadalka noocaas ah inuu dalka ka dhaco mudooyinka dhow, waxayna kaloo adkayn doonta in la gaaro doorasho xor ah,xaq ah xalaal ah, iwm.


Musuqmaasuqa waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka hor imaanaaya horumarka iyo baahida loo qabo helitaanka maamul-wanaagsan, geeddi socod siyaasadeed oo hufan iyo Sharci/Sinaan xalaal ah. La dagaalanka Musuqmaasuqa iyo kor u qaadida daacadnimada adeegga iyo maamulka dadweynaha, waana inay mudnaanta ugu weyn siiyaan xildhibaanada baarlamaanka 10-aad ee dalka.sidoo kale  Musuqmaasuqu wuxuu wiiqaa awoodii dowladnimo ee wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka iyo xaaladaha qalafsan ee ka jira deegaanada dalka si wax looga qabto. Xalka hogaaminta dalka waxay u baahantahay in la horumariyo lana hirgaliyo muhiimadda ay leedahay daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka (The importance of Transparence and Accountability).


Sidaas darteed, waxaan guddoonka baarlamaanka 10-aad ee dalka u soo gudinaayaa fakarkeeyga muwaadinimo oo aan rabo inuu isbadal iyo dibu-eegis ku sameeyo kana doodo talooyinkaan hoos ku qoran, si loo gaaro horumar dhan kasta ah, ugana baxo dalka caqabaha jira ee hortaagan horumarka siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.


 


Qodobadaasina waxay kala yihiin sida hoos ku qoran oo kala ah:


Arrimaha musuqmaasuqa iyo jabinta shuruucda iyo siyaasadda dalka.


 


1 Qaadashada go’aano asaasi ah oo lagu xaqiijinayo heerka bixinta canshuuraha qaranka, gaar ahaan madaxda ugu sareeysa dalka (Madaxweeynaha,Guddoonka


labada gole, golaha fulint, golaha garsoorka qaranka,iyo xildhibaanada) si loo xaqiijiyo u hogaansanaantooda la xiriirta ilaalinta sharciga iyo bixinta canshuuraha. Sidoo kale waa in la hubiyaa asluubtooda & wada shaqayntooda la xiriirta la dhaqanka dadka ayla shaqeeyaan iyo tayadooda hogaamineed ee xil qaran.


Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in guddoonka baarlamaanka iyo xubnaha baarlamaankaba ay si dhow ula socdaan nidaamka ururinta canshuuraha, diiwaanka hantida dadweynaha iyo diiwaannada kale ee adeegsiga hantida dadweynaha, sharci fulinta wax ku ool ah ee hayadaha qaran ee garsoorka. Islamarkaan waa inay ka hortagaan xildhibaanada jiritaan la'aanta xeerar sharci iyo siyaasadeed si ay ula dagaalamaan musuqmaasuqa (Shaqada/Shaqaalaha iyo nidaamka Sharciga/Siyaasada) iyo guud ahaan anshaxa liita ee maamulka dadweynaha.


Waxaan kaloo soo jeedinaayaa in guddoonka iyo xubnaha baarlamaanku yeeshaan sharuuc iyo nidaam la xiriira ogaanshaha iyo ururinta xogta la xiriirta masuuliyiinta u tartamaaya xil qaran. Ugu horeeyna la xaqiijiyo wixii hanti ah uu milki ahaan u leeyahay si gaar ahaaneed iyo wixii dad kale uu shirko kula yahay musharax kasta oo u taagan xilka in loo doorto madaxweyne ama masuuliyiinta kale ee qaranka. Qiimeyna lagu sameeyo hantidaas( in Cash or in Material) si looga hortago ku xadgudubka hantida dadweynaha iyo howlaha ama adeegyada xafiiska uu masuulka ka yahay. Nidaamkaas oo la hirgaliyo wuxuu ka hotagaayaa adeegsiga Musuqmaasuqa.


Ujeedada ugu weyn ee hubinta iyo habsami u socodka ku xadgudubka hantida dadweeynaha soomaaliyeed, waana sida soo socda:


. Si loo kordhiyo daahfurnaanta iyo kalsoonida muwaadiniinta isku soo sharaxa xil ama masuuliyad qaran inay hogaamiyaan. Helitaanka macluumaad sugan oo ku saabsan hantida siyaasiyiinta iyo inta shaqaale guud ahaan u shaqeeysa masuul kasta oo taagan qabashada xil qaran waa muhiim inay qariyaana qayb hantidaas ka mid ahna waa qayaano qalad ah.


. Siyaasiyiinta xil qaran u taagan gaar ahaan madaxweynaha iyo xubnaha Golihiisa fulinta waa in wax laga weydiiyaa xeeladaha ka dhex dhaca shaqaalaha xafiisyada ay maaamulaan iyo sida loo xaliyo xaaladaha kale ee la xiriira muran siyaasadeed ama dhul ama khayraad dalka markay kacaan. Waxaasina waxay hubineysaa kartidiisa iyo daacadnimadiisa la xiriirta xalinta Khilaafaadka soo food saara dalka guud ahaan iyo gaar ahaanba.


.Waxay muujineysaa kala duwanaanshaha hantida gaarka ah iyo shaqaalahooda gaarka ah ee siyaasiyiinta. Waxay kaloo muujineysaa heerka kala duwanaanshaha siyaasiyiinta ee kobcinta sharcidarrada ah iyo howlaha kale sharicdarrada ah, lana siiyo ama tuso caddeeymo kufilan.


 


Qaybta Hogaan Hufan iyo Maamul Wanaaga:


2. Guddoonka iyo xubnaha baarlamaanka 10-aad ee dalka waxaan ka fileynaa inuu bilaabo fursado laysku abaalmariyo, laguna abaalmariyo muwaadinka soomaaliyeed oo dalka u horseeda horumar dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, maamul wanaag, abuuris dhaqaale iyo shaqo, wacyi-galin diimeed, sugida amniga dalka iyo dadka, noqonkarana qof lagu dayankaro (role model). Si lo oyareeyo ama looga hortago musuqmaasuqa siyaasada iyo maamulka dalka ragaadiyay, waxyaabaha dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka wax u dhimi kara, shaqa la’aanta iyo saboolnimada dadka naafeeysay, abaaraha iyo fatahaadaha soonoqnoqda, iwm. Nidaamkaan waa nidaam ku cusub dalka keeni karana isbadal baaxad leh oo dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dalka. Bilaabeysana wado cusub oo lagula xisaabtami karo masuul kasta oo xil u haya dalka (Every Flag Bearer). Taasoo lagu abaalmarin karo, lagu dalacsiin karo ama amaani karo waxqabadka dadka loo arko inay dalka ku soo kordhiyeen isbadal muuqda oo la taaban karo. Wixii dhaliilo ah jirana lagu ciqaabo ama cambaareeyo tacadigooda la xiriira musuqa, eexda, maamul xumada, ama Biograph-kiisa uu beenka sheego, iwm.


3. Dalku muddo ayuu ku soo jiray isqabqabsi siyaasadeed oo soo noqnoqda, walina 2017 inay sii jirto arrintaas waxa go’aan ka gaari kara guddoonka cusub iyo xubnaha baarlamaanka 10-aad ee dalka. Hadii baarlamaankaan 10-aad ku shaqeeyo nidaamkii iyo falsafadii baarlamaanadii ka horeeyay iyo cod ama mooshin aan xaqiiq ku dhisnayn oo dhaqaale doon ah ama xildoon ah sida marar horeba dhacday, waxay inoo dooridoonaan waa waxan masiirka dalka iyo hogaamintiisaba aan ehel u ahayn. Xildhibaan waxaad tahay xeer ilaaliye qaran,sidaas darteed codkaaga iyo go’aankaaga ha noqdo mid wax dhisa laakiin hakadhigin mid wax dumiya dano gaar ahna loo adeegsado.


4. Waxaa dhacda inta badan in wasiirada iyo wasir kuxigeenda, dibloomaasiyiinta dibada u mataleeysa dalka soomaaliya waxay lagsoodhax xulaa xildhibaanda laguna xulanaayo dano siyaasadeed ama saameeyntooda codahaan ay baarlamaanka gudihiisa kuleeyihiin, taasoo aan sharci ahaan ka hor imaaneysa sinaanya iyo xuquuqda shaqo ee muwaadiniinta soomaaliyeed. Waayo waxaa jira aqoonyahano badan oo heer kasta keh oo aan nasiib uhelin xubinimada baarlamaanka mudnaana matalaada shacabka baarlamaanka dhexdiisa, islamarkaana xaq iyo xurmo ulehin loosooxulo wasiirnimo ama w/kuxigeen ama safiir taasoo fursad u ah muwaadiniin badan inay shaqo kahelaan dowladooda shacabkoodana ushaqeeyaan. Guddoonka cusub iyo xildhibaanada dalka kama ogolaan doono inay, sidii lagu yaqiinay, dowlada ku cadaadiyaan inaan banaanka (meel ka baxsan baarlamaanka ) aan laga keeni Karin xubnaha golaha fulinta dalka. Waa waajib dastuuri ah ama diini ah ama bini’aadanimo ah in xubnaha baarlamaanka ilaaliyaan xuquuqda uu leeyahay siyaasiga ama aqoonyahaynka       Soomaaliyeed aan kuguleysan ahaanshaha xubin baarlamaan waa in markaan fursadkale uhelaa inuu iskusoo sharaxo xilalka qaran ee dhiman kuna matalo dalka iyo dadka soomaaliyeed.


Waxaa diyaariyay:


Dr. Cabadiqaadir Salaad Cilmi


 E-Mail: abdulkadir723@hotmail.com


Tel 00252617076343

Published: 2017-01-24 12:54:58

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign