Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Qiimeynta Musharaxiinta Madaxweynaha

 Iyadoo Maalinta Arbacada Bisha tahay 8-2-217 la dooranayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaan halkaan idiin ku soo Gudbineynaa  Qiimeyn aan u sameyney Khudbadihii Musharaxiinta iyo sababaha keeney in ay isku soo sharaxnaan.




 1-Cumar Cabadirashid Cali Sharmaarke   Sheekadiisa waxay la mid tahay tii Cabdiweli Cali Gaas uu ku sagootiyey Shiikh Shariif oo aakhirkii isku sharaxay Madaxweynaha Puntland  sidaa Darteed soo laga ma yaabo in Cumar Cabdirshiid uu wadadaas maro Madaxweynana uu ka noqdo Puntland      


2-Maxamed Cali Ameeriko dadka qaar ayaa  qaba in uu ka mid yahay Siyaasiyiinta qabta Ciilka  maadaaama hore looga qaadey Xilkii danjirino ee uu mudada  dheer uu hayey loona sheegey in Xilka kale loo magacaabayo taasoo uusan helin, waxaana ka Dareemeysaa Ciilkaas Khudbadiisi uu Baarlamaanka ka jeediyey


3-Shiikh Shariif Shiikh Axmed Sannadkii 2012  oo si weyn ugu Kalsoonaa in dib loo dooranayo Kursiga  ayaa Dadka qaarkood waxay qabaan in sababaha uu isku soo sharaxay  Xiligaan tahay uur Ku taalo iyo Xanuun uu ka qaadey Doorkii hore  waxaana ka dhandhasan kartaa Hadalada uu ku soo Galey Ololahiisa iyo weliba Khudbadii uu ka horjeediyey Baarlamaanka oo inta badan u ku qaniinayo Xasan Shiikh  


4- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo maadaama Horey looga Ciideeyey hadii aan dib u qooraansado Khudbadihiisa   wuxuuu si weyn ugu weeraray  Xasan iyadoo qaar ay la yaabeen waxa dhex maraey Xasan iyo Farmaajo


5-Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay si aad ah isugu dhawaayeen   Xasan Shiikh oo uu ka dhigtey la taliye   marna uu u magacaabey Safiirka Qaramada Midoobey oo markii dambe uu noqdey Yuusuf Garaad  marka Dadka qaar baa la yaaban dagaalkaan halka uu Salka ku hayo  iyadoo Khudbadiisa Cabdiraxmaan badneyd Weerar  uu ku hayey Xasan Shiikh  


6-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa Xaqiiqo ah in uu yahay nin Ciil ku Gaamurey  Tiiraanyo badana haysa sidaa darteed Musharaxnimadiisa waxay salka ku haysaa ama uu doonayaa  in Xasan dib u  soo laaban


7-Cabduqaadir Cosobe Cali  dadka Siyaasada Odrasa ayaa qaba in Cososble uu qabo Ciil Maadaaama Xasan Shiikh uu damcay in uu ka hor istaago Xildhibaanimadiisii waana midaas inta badan waxay Khudbadiisa ahayd Xasan ku Wajahneyd  


8- Jabriil Ibraahim Cabdule  Dadka  qaar ayaa la yaaban Dagaalka ka dhexeeya Xasan iyo Jabriil  halka uu salka uu ku hayo maadaama  Doorashadii 2012 Jabriil uu aad ugu Ololeynay Xasan,  


9-Cadoow Cali Gees marka hore  waa nin Ganacsade  oo si weyn isugu dhawaayeen Xasan si Fudud ku soo baxay Xildhibaanadiisa marka dadka qaar ayaa si weyn ugu jahwareesan maadaama Khudbadiisa ay ahayd mid iska Caadi ah.


10-Cabdulaahi Ciil Mooge markaan Dib u fiirino Khadbadiisii Musharaxnim waxay dadka ku macneeyeen nin Doonaya in uu Boos ka Cariisado Dowlada Soo socota 


11-Bashiir Raage Shiraar  Khudbadiisa waxay ahayd mid Dagen  kamana muuqan Weerarka Xasan lagu hayey sida Musharaxiinta Kale


12-Maxamed Maxamuud Culusow ,waxaan Ku Tilmaami karaa Khudbadiisa mid ugu Fiicneyd waayo waxaan akhriyey qoraal u ka diyaariyey waxa la  yiraahdo Dowlad  wanaaga kuna aadan Ololahisa Musharaxnima oo Hadii aad akhrisid  wax badan aad ka faaiideysid sidaa darteed Cidna weera kuma ahayn


13-Cabdiraxmaan   Faroole dadka qaar ayaa qaba  in Musharaxnimadiisa  ay ku timid Heshiis  uu la galey Mid ka mid ah Musharaxiinta oo Hadii uu guuleysto uu noqdo Raiisul Wasaare sidaa darteed Khudbadiisa waxay u badneyd wax qabasho


14-Maxamed  Axmed Jabarti waa markii ugu horeysey  oo isa soo sharaxo dadka intiisa badan ma yaqaanaan hase yeeshe Dadkii Dhageystey Khubadiisa  is Muujinta Ayaa Ku Tilmaami Mid uu ku  Buuxsanayey Taariikhdiisa.


15-Xaaj Maxamed Yaasiin Siyaasada kuma Cusuba oo dhowr jeer ayaauu isa soo sharaxay hase yeehee Dadka qaar ayaa   si weyn ula dhacay  ama u soo dhaweeyey Khudbadiisa maadaaama uu sheegey in uu diinta islamaamka ku hogaaminayo Dalka hadii la doorto


16-Axmed Maxamed Cabdi waa Siyaasi ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya hase yeeshee waa Nin Doonaya in uu Boos ka Cariirsado Dowada soo socotada maadaama uu is baheysi la yahay koox Musharaxiina oo isu Magcoowdey Musharaxiinya Isbedel sameynta halka dhinaca kale uu ka soo jeedo Maxamed Cumar Carte   


17-Zakerie Xaaji Maxamud Cabdi mudo ayuu saaxada Siyaasada ka maqnaa mararka qaar waxaa lagu arki jiirey Shirarka ay isugu yimaadaan  Xisbiyada Siyaasadda waxaa isna uu doonyaa in uu meel ka helo Dowladda soo socota


18- Saciid Ciise Maxamed Sannadii 2012 waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii Madaxweynaha hase yeeshee Dadka Badankiisa ayaa si weyn ula dhacsanaa Khudbadiisa oo ay sheegeen mid ku qotontey Khibrad  ku aadan Dowlad Daahfuran


19-Cabadinaasir Maxamed Cabdulle  waa Shaqsi ku Cusub Siyaasad oo dadka qaar  ayaa Marka ay arkaan Sawirkisa  ku tilmaama Xuseen Caydiid Khudbadiisa waay ahayd mid ku  saleysan sida Soomaaliya uga bixi karto Dhibaatada  waana Shaqsiga keliya oo Carabkisa ku balaariyey in uu Bulshada u soo bandhigayo Hantidisa hadii la doorto.


20-Maxamed Cabdirisaaq  inta badan Bulshada Ma yaqaanaan hase yeehee Hadii aan Dib u milicsano Khubadiisa  qof  si gaar ah  uma weerareyna ma jirto sida    inta badan Musharaxiinta  oo  Weerarkooda u badana Xasan Shiikh waxay ku saleysaneyd sidii  Soomaaliya uga baxii lahad Dhibaatada


21-Cali Xaaji Warsame Muddo ayuu ku soo jirey Siyaasada waxaana si weyn looga yaqaana Maamulka Puntland  hase yeeshee Musharaxnimadisa ayey dadka qaar ku tilmaameen mid uu doonayo in ka muuqdo Dowladda soo soo sosocota


22-Saciid Cabdulaahi Dani   kuma Cusba Siyaasada hase yeeshee inta badan Dadka ayaa is weydiinayaa  Aqoontiisa hadii aan dib u Qooraasano Khudbadiisa dadka qaar ayaa ku tilmaamey mid uu isku Muujinayo  si uu Galaangal ugu yeesho Dowlada soo sosocota


23- Xasan Shiikh Maxamuud   Hadii Dib loo doorto waxaa uu noqonayaa  Ninkii ugu Horeeyey oo Somaaliya Laba jeer Madaxweyne ka noqda hase yeehee Hiigsigaas  ayaa waxaa ku hor Gudban Caqabado Badan Halku dhigiisa Qabayo Ninkeeda Dhameystira Muran badan bay Keentey


Isku soo duuboo   23 Musharax inta badan waa kuwa       uu Ciil u geeyey Musharaxnimadooda halka kuwa kalena ay Yiihiin Boos Raadshado si ay uga Muuqdaan Dowlada soo  socota qaar kale markaad Fiirsid   Khudbadahooda waxay ka tahay  Dowlad Jaceyl in dalkaan dhibaatada uu ka baxo  hadaba la arkii doonaa ninka Madaxweyne ka Noqda Dalka


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk


E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


 


 

Published: 2017-02-06 16:39:39

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign