Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Wasaaradaha Haweenka iyo Caafimaadka oo Xusey maalinta u Dulqaadasho La’aanta Gudniinka Fircooniga

 Munaasabad aad u balaaran oo lagu xusayey maalinta  u dulqaadasho la’aanta gudniinka Fircooniga oo ku beegan Lixda bisha Febraayo ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiiro, Madaxda Hayadaha Samafalka iyo Ururrada Haweenka  

 Munaasbadaan oo lagu wadey in la qabto Lixda Bisha ayaa u baaqatey Doorashadii dalka ka dhacdey Waxaa Munaasabadaas si wadajir ah u soo qaban qaabiyey Wasaaradaha haweenka & hormarinta xuquuqul Aadanaha iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka arrimaha Bulshada.iyadoo halku dhiga Sannadkaan la qaatay uu yahay in Qaaradda Afrka ay iska kaashato Cirirbirka Gudniinka Fircooniga



 


Ug horeyn waxaa Kulanka ka Hadley Agaasimayaasha Guud Wasaaradaha haweenka & hormarinta xuquuqul Aadanaha iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka arrimaha Bulshada waxay Labadooduba sheegeen in Dhamaan Ummada Soomaaliyeed u sara kacaan Cirirbirka Gudiininka Fiircooniga oo mid Dhawwac weyn ku ah  Gabdhaha Soomaaliyeed


 


“ Waa Fal Xanuun ku ah Gabdhaha Sooaaliyeed Gudniinka Fircooniga marka waxaan soo jeedinayaa in meel looga soo wada jeesto Ciribtirka   Gudniinka “   sidaa waxaa yiri Marwo Maryan Qaasim ooh re u soo noqtey Wasiirka Caafimaadka iyo   Arrimaha Bulshada waxayna sheegtey in loo baahan yahay in Dowlada ay qaado Olole looga Joojinayo Gudniinka Fircooniga  


 


Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar oo ka hadashay munaasabadan ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay wacyi gelinta iyo waxbarashada la kordhiyo, si Aabba iyo hooyo walba u ogaadaan in gudniinka uu yahay sharci darro, markaas ayaan dhihi karnaa qofkaasi waxa uu ku dhaqaaqay sharci darro waxa uuna mudan yahay ciqaab.


 


Waxaa kaloo Munaasbadaas ka Hadley Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Cismaan Daalo waxaana uu yiri “Waxaana la isku raacay in Bulshada Caaalamka laga wacyigeliyo Gudniinka Firccooniga oo ah mid ugu weyn ee Waxyeelada u geysta Gabadhaha Soomaaliyeed  sidaa Darteed waxaan soo jeedinayaa in Aabe iyo Hooyo kasta ay u istaagto sidii dalka looga  joojin lahaa Gudniinka Fircooniga


Dalalka ugu daran ee da’da hablaha 15 ilaa 49 jirka ah,waa Soomaaliya (98%),Guinea (97%),iyo Jabuti (93%);waxaana jira dalal lagu gudo carruur 1 sano ka yar,sida Eritrea (44%),Mali (29%),iyo Yaman oo ilmo maalmo dhallan la gudo.





Published: 2017-02-13 15:54:35

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign