Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


KILIKTAAN KA RABAA !!

 Nin Saaxiibkey ah ayaa isagoo daawanaya Web ka mid aha Web-site  Soomaalida ayuu damcey in Kilik yiraahdo War Cinwaankisia uu ahaa “Siyaasi Duur Joog ahaa oo dib ugu laabtey Muqdisho” markaas baan ku iri  Saaxiin ha Furin “ markaan buu yiri “ Saaxiib waa war Muhiim ah  sidee wax u jiraan ”  adaa ogaan doonee ee  Fur “ 

Markii uu furey oo uu akhriyey kuna Jahwareerey Qoraalkii kana waayey Magacii Siyaasigii uu raadinayey ” ayuu Xanaaq Dartiis Lap Top-kii Damiyey “ markaasuu yiri walee Web Site yada Noocaan ah mar dambe iguma ogid in aan Furo  akhristo”


Inta igu soo jeestey ayuu yiri “ Amiin Maad Dadka Noocaan ah Tababar siisaan “  waxaan ku iri Saaxiib Dad la tababari karo ma aha “ oo maxaa dhacay “ mid  ka mid ah Web-siteyada Noocaas ah leh baan wacay markaas baan ku iri “ Saaxiib  maad iska dhaaftaan  Cinwaanada Noocaan ah” “ inta Qosley Buu yiri “ Saaxiib Kiliktaas baa ka rabaa” waxaan ku iri maaaiin kasta imisa Akhristayaal ah baan  Lumineysaa haddii qofka akhristaha ah aad been u sheegtaan  


  Waxaa Xaqiiqo hadii wararkii sidaa loo Qorayo  Cinwaanadoodiina sidaa ay Noqdeen Mustaqbalka Maxaa Fileysaa waxayna dadka Qaarkii ay qabaan in Soomaaliya Saddex Shey ay Saldhig u yihiin Dhibaatada Soomaaliya sida Qabiilka , Qoriga iyo Qaadka  waxay  Dadkaas Afar uga dhigeen Baraha Bulshada Sida Face Book-ha iyo wixii soo raaca  waxayna  sheegeen in arrintaan ay tahay  Aafo ku soo korodhey Dadka, Dalka Iyo Diinta haddaba nala Akhriso Cinwaanada Bulshada Lagu marin Habaabinayo islamarkaana lagu Muuqaal Xumeynayo Warbaahinta oo Waajibkeedu yahay in ay Bulshada u soo bandhigaan Warar Xaqiiqo ah iyadoo la isku raacsan yahay in Warbaahintu  Tahay Macalinka Bulshada  


 1-Baarlamaanka Somaali oo isu dhar dhigtey Kulankii Maanta


2-Madaxweynaha oo Jeediyey hadal aysan ku farxin Bulshada


3-Nabadoon Caan ahaa oo afka Taagey


4-Madaxweynaha Turkiga oo si Waali ah loogu soo dhaweeyey Magaalada..


5-Siyaasi Duur Joog ahaa dib gu soo laabtey Muqdisho


6-Madaxweynaha oo Booqanaya Magaalo uusan weligii tagin


7-Siyaasi hebel oo Xaalada ku xumaatey oo arrin la yaab leh sameeyey


8-Wasiir Ceebeysyey Madaxweynaha Maamulka  


9-Siyaasi Hebel oo Xaalada ku Xumaatey ka dib markii


10-Siyaasi Hebel oo Waji Gabax  kala kulmey isla markaana fariin u direy


11-Madaxweynaha oo si cajiib ah u qaabiley Hebel


12-Siyaasi Hebel oo ka dhawaajiyey arrin ka yaabisey Bulshada


13-Maanta maxaa dhici doona Kulanka Dhex maraya


14-Sisaasi Hebel  oo laga sugayo Laba arrimood …


15-Maxaadan  ka ogeyn oo kala  socotaa Magaalo Heblaayo..


16-Halkaan ka akhri Xog aad la yaabi doonto


17-Maxaa kala socotaa waxa uu doonayo Siyaasi hebel


18-Siyaasi hebel oo Berri sameyn doona wax aan horey loo arkin..


19-Xildhibaan ka shifey arrin la doonayey..


20-Xog dheeri ah oo laga hely Kulankii,…


21-Maxaa kala socotaa qorshaha Dowlad  Heblaayo ka leedahay


22-Dowlad Hebelaayo oo Sadex qorshe ka leh


23-Halkaan ka akhri Tilmaamaha uu leeyahay ninka uu doonayo


24-Siyaai hebel muxuu kaga duwan  Siyaasiyiinta kale .


25-Madaxweyna ma ka badbaadi doona Qorshe  la yaab leh


26-Sir hoose oo aan idiin kaga hayno Kulankii


27-Maxaa ka ogtahay sida  loo bahdiley  Madaxweynaha


28- Siyaasiga Hebel oo ka shanqariyey arrin aan loo baahneyn


29-Xildhibaan Hebel oo ku taliyey Laba arrimood


30-arrin dadka la yaabeen oo lagu arkey


31-Arrin aan Caadi ahayn oo lagu arkey…


32-Dagaal Farsameysan oo dhex marey Madaxweynaha


33-Siyaasiga Hebel oo ka dhawaajiyey arrin aan Hore looga baran


34- Halkaa ka daawo Madaxweynaha markii u qaabileyey Hebel oo isha ku kuurey.


 Cinwaandaan iyo kuwa ka badan oo ay qoraan qaar ka mid ah Web-Siteyada Soomaalida si loo booqdo ayaa Sabab u noqon karta in  Maalmo yar ay jiraan marka waxaan kula talinayaa  Kilik aad hal mar heshey yaaney kuu horseedin in Webkaada uu Xirmo Soomaaliduna waxay tiraahdaa Beentaada hore waxay u Baas Baxdaa Runtaada Dambe sidaa darteed KILLIKTAAN KA RABAA KARAAMA KUUMA AHAN.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.co.uk


E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk 


 

Published: 2017-02-17 15:43:02

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign