Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Jaamacadda Muqdisho oo Deeq Gaarsiisay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 Deeqdan oo isugu jirtay Bariis, Sonkor, Caano, Timi r, Baco, Saliid, Dhar  iyo Caagadaha Biyaha ayaa waxaa ka faa’idaystay in ka badan laba Boqol oo qoys oo ka mid ahaa dadkii ay saamaysay abaaraha  iyo biyo la’aanta ee tuulooyin hoos taga degmada Balcad.


Deeqdan oo ahayd kaalmo ay iska aruuriyeen bahda Jaamacadda Muqdisho sida ardayda, Macalimiinta, 

Maamulka iyo Shaqaalaha guud ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay ugu talagaleen inay ku caawiyaan walaalahooda ay saamayntu kuyeelay  abaaraha iyo biyo la'aanta soo food saartay.



ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka guddiga gurmadka deg dega abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ustaad Aadam Axmed Xuseen (Xerow) oo halkaa k asheegay in deeqdan ay noqon doonin tii ugu horaysay ee aan gobolkan soo gaarsiino iyo tii ugu dambaysayba.


"baahida ka jirta  gobolkan iyo deeqdan aan sidno isuma dhigmaan laakiin qalbigayaga ayaa balaaran Jaamacada Muqdisho  waxay markastaba kudadaali doontaa wixii karaankeeda ay walaalahooda ku caawin karaan" ayuu yiri  Aadam Axmed Xuseen (Xerow).


"Jaamacadda Muqdisho waxay daraasad ku wadaa waxyaabaha sababa abaaraha iyo biyo la'aantan soo noqnoqday dhawaanna waxaan la wadaagi doonaa shacbiga Soomaaliyeed" ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka guddiga gurmadka degdega abaaraha ee Jaamacada muqdisho.


sidoo kale waxaa isna halkaas kahadlay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe mudane Axmed Mayre Makaraan oo u mahad celiyay garashada iyo dadaalka ay muujisay Jaamacadda Muqdisho.


" Sida Musa'uuliyiinta Jaamacada ay horey u sheegeen cidaan waxyar wadaagin wax weyn ma wadaagi karaan, aad baan raali ugu nahay deeqdan tayada leh ee ay Gobolka soo gaarsiiyeen waxaan rajaynayaa bahada waxbarashada inay ku daysan doonaan Jaamacadda muqdisho oo sida idin muuqata deeq kudayasho mudan soo gaarsiisay gobolka shabeelaha dhexe" ayuu yiri goddoomiye Axmed Mayre Makaraan.


Deeqdan ayaa waxay daba joogta hadalkii uu yiri ama uu ku baaqay Guddoomiya Jaamacadda  Muqdisho Dr. Ibraahiim Maxamed Mursal Cali ee ahaa ” in dhamaan bahda Jaamacadda Muqdisho ay isu taagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg deg ah  una gaarsiin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee abaartu kudhufatay gargaar”. Deeq bixintaan ayaa waxay ku soo idlaatay jawi Qurux badan.


 


 


 

Published: 2017-03-30 16:33:19

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign