Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Machadka Intifaac oo Daahfurey Manhaj Farsamada Gacanta ah oo Casri ah

 Waxaa Magaalada Muqdisho Markii uu horeysey Machadka  Intifaac  ee farsamada uu daahfurey Manhaj dhinac Farsamada Gacanta ah oo Noocciisa Dalka ku cusub yahay kaasoo si heer sare ah lo diyaariyey ,waxaana Furitaanka Manhajkaas  iska Kaashadey Shirkadahaha Farsmada ee Xadiid iyo Rasmi, waxaana Munaasabadii lagu furayey Manhajkaas  ka qayb galey masuuliyiin ka tirsan Dowlada, Hayadaha  Samafalka , Bulshada Rayidka , Jaamacadaha, Warshadaha iyo Marti sharaf kale.

Daahfurkii Manhajkaas  waxaa ka hadley Agaasimaha Machadka  Intifaac Maxamed Axmed  Bile , waxaana uu ku dheeraadey Taariikda Machadka isagoo sheegey in Machadka la furey Sannadkii  2009 waxaa uu intaa sii raaciyey


“ Waa ayaandaro  in ka badan  60 Jaamacadood oo dalka ka furan aan  mid ka mid ah  lagu baran  Farsmada Gacanta sidaa darteed  Munasabadaan waxaa ku daahfureynaa Manhaj Casri ah oo  Dhinaca farasmada si ay uga Faaiideystaan Dhalinyarada Soomaaliyeed”


Waxaa kale oo Munaasbadaas ka hadley Maamulaha Shirkadda Coko-Cola  Mudane Maxamed Xasan Cawaale oo sheegey in Warshada Coko-Cola ay soo dhaweyneyso  Manhajka Intifaac, waxaa uu sheegey in Maalin waliba ay dalka Dibadiisa ka keensadaan Shaqaale farsamo yaqaano ah kuwaa oo uu sheegey in ay ku  bixiyaan  Kharasha badan.


Xubnihii kale ee ka hadley  Munaasabadaas lagu daahfurayey Manhajka Machadka Farsamada Intifaac Aqoonyahan Cilmi Baare SDRI Director Mudane  Maxamed Cismaan Maxamuud  Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey Furitaanka Machadkaan uu wax weyn ka tarayo  Shaqa la’aanta  iyo  Tahriibka  isagoo soo jeediyey in la Kordhiyo  Dugsiyada Farsamada si dalka uu u helo Farsamo yaqaano Tayo sare leh ,


 Fartuun Xasan oo ka socotey  Hayada SWDC ayaa si weyn u soo dhaweysey Furitaanka Manhajka Farsamada   waxayna ku baaqdey in Dugsiga ay qayb ka noqdaan haweenka madaama ay yihiin kuwa ku firfircaan Dhinaca Farsamadda Gacnnta   


Munaasabadaas lagu furayey Manhajka  waxaa ka hadley Madaxa Amin Umbalance  ayaa yiri “ Gumeystayaashii waxaan ka dhaxalney in Bulshada Soomaaliyeed loo Xumeeyo Farsmada gacanta iyagana markaad Fiirisid  Wadamadooda waxay ku Hormareen waa farsamada Gacanta marka waa in aan Xooga saarnaa Farsmada Gacanta


Waxaa kaloo ka hadley Agaasimaha Arrimaha Baniaadanimada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha  Mudane Mukhtaar Shiikh Xuseen Wuxuu ku dheeradey Mowduuca ah, sida looga maarmi karo ku  tiirsanaanta Gargaarka Hayadaha, waxaa uu sheegey in Baaritaan la sameeyey lagu ogaadey  in dadka  Soomaaliyeed  ay Xiligaan ka Maarmeen Kaalmadii Shisheeyaha sidaa darteed waan in aan isku Tashanaa .


Ugu Dambeyn waxaa  Munaasabadaas  ka hadley Madaxa Farsamada Shirkada Xadiid Mudane Cabdi Shakuur Aadan Darwiish Waxaa uu sheegey in ujeedka loo diyaariyey Manhajka  ay tahay  ka dib markii aan Ogaaney in Dalka ay ka sii  Dabar go’ayaan Dugsiyadii  Farasmada gacanta ayaa  waxaa Go’aansaney in Xooga saarno soo saarista Farsamo yaqaano Heer sare si ay ula jaan qaadaan Manhajka Farsamada Gacanta ee Casria ah, iyadoo intii ay socotey Munaasbadaas hadalo wacyigelin ah ka soo jeediyey Shiikh Maxamed


 

Published: 2017-04-03 09:15:53

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign