Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


LEBED MUUQAAL KA DUWAN KII SANNADKII HORE

 Lebed, waa Deegan Xeeb ah oo dhinaca bari 30Km kaga beegan Magaalada Hobyo, waa Deegaan Aradan, Guryaheedu waxay ka samaysan yihiin Tiirar, baco iyo Shabaagta Aargoosatada, Dadka halkaaasi ku nool weli waa go’doon sababtoo ah malaha wado loo maro marka laga reebo wado kulansata dhagax iyo Bacaad oo aanu Baabuur walbaahi mari karin. 2016-kii markaan tegey Lebed, 

ma jirin deegankaas ruux ruux wax dhaama ama ka jeeb roon, oo dadka oo dhan beerka ayey dhulka ku wada hayeen gaajo datreed, Ganacsi ma jirin, Musqulo ma lahayn, Waxbarasho, Horumar iyo Caafimaadna haba sheegin. Waxay ahayd Xili ay Baddu kacsanayd oo aanu haba yaraatee jirin wax dhaqdhaqaq ah.


Sanad ka dib waa sidee Xaalku, maxaa is bedeley?.


Maalintii ugu damnaysey Febrayo 2017 waxaan tegey Lebed oo ka yare duwan Lebeddii aan sanad ka hor booqday, dadka xoogga leh waxay ahaayeen mashquul oo waxa ka socdey dhismayaal kala duwan kuwaas oo ay dadku ku howlanayeen, sida aan arkay waxaa socdey dhismaha musqulo uu Deegaanku yeelanayo markii ugu horaeysey Taariikhda, waxaa kaloo socday dhismayaal aan fahmi waayey oo u eg meelaha kubadda salaxa lagu ciyaaro.


ADESO.


Waxaa meesha aad ugu badnayd hadal haynta Hay’adda ADESO oo ah NGO Caalami ah oo dadka Caawiya, waxaan la sheekaystay Mahamed Xasan Jaamac oo mid ka  ah dadka deegaanka, waxaan weydiiyey waxa ay u qabatay Hay’addaasi? Waxa uu yiri. “Hay’adda ADESO ayaa noo samaysay shaqo abuur aan ku diirsanay oo waxay noo dhisaysaa waxa hada kuu muuqda” waxaan ka codsaday in uu ii sharaxo? Waxa uu yiri. “Hay’adaan waxay noo dhisaysaa 4 (Afar) Musqul, inkastoo ay aad noogu yar yihiin, Barxad shub ah oo kaluunka iyo Libaaxa lagu qalajiyo iyo Miis Shub ah oo kalluunka lagu qalo, waxa ka shaqaynaya waa dadka deegaanka, oo waxaan ku qabnaaa faa’iido wayn.”


Mahamed Xasan waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Intaas kaliya ma ahan waxqabadka Hay’adda ADESO ee waxay Bishii Janaayo noo bilowday iney bishiiba  50$ siiso qoysaska aadka saboolka u ah, Indhoolyasha, Waayeelka iyo kuwa Hawlgabka ah”.


Nin kale oo si hoose ula socdey sheekadeena oo la yiraahdo Cabdi Nuur Wehliye ayaa yiri. “ADESO waxay kaloo Deegaanka siisay Matoorada doomaha la saaro si loogu kalluumaysto”, waxaan waydiiyey inta matoor ee ay deegaaanka siisay? Waxa uu yiri. “Waxay na siisay 7 (Todoba) Matoor, oo waxay halkii Matoorba isugu dartay lix Qof, kuwaas oo kula shirkoobaya Qof doon leh waxaana si siman loo wadaagaa wixii kalluumaysi lagu helo.”


IRC


Dhinaca kale waxaan tegey Lebed oo leh Mehrado Ganacsi, waxayna dadka Deegaanku ii sheegeen in Hay’adda IRC ay 7 (Todobo) Qof u samaysay Mehrado Ganacsi kadib markii ay Tababar u samaysay, kuwaas oo bilay joogitaanka Deegaanka oo markii hore qaraab ahaa.


“Hay’adda IRC ayaa Todoba Qof oo aan ka mid ahay waxay u samaysay Mehrado Ganacsi oo midkiiba ku kacayo 1000$ (Kun-Dolar), waxay noo samaysay Tababar ku saabsan sida loo Ganacsado, waxaana intaas dheer in nalaka war hayo oo nala kabayo hadii aan khasaarno”. Sidaa waxaa tiri Aamina Diiriye Cabdi oo ka mid ah dadka Mehradaha Ganacsi Lebed ku leh”. Aamina waa ay sii hadashay waxayna tiri. “Rajo fiican ayaan ka qabnaa in sanadkan Hay’adda IRC wax kale oo wanagsan noo qabato”


Lebed waxay hore iyo hadaba deegaano badan oo aan tegey uga duwanayd waa Biyaha macaan oo waxaa ku yaala 4 (Afar) Ceel Biyood oo ay Hay’ado kala duwani u qodeen iyo Guri ay shirarka ku qabsadan martidana seexiyaan oo ay u dhistay Hay’adda IRC.


Markaan si hoose ula sheekeystay waxgaradka iyo Shacabka Lebed waxay hamuun u qabaan in la siiyo Qaboojiyaal ay Kalluunka ku kaydsadaan iyo in loo sameeyo suuq ay u iib geeyaan waxyaabaha ay soo jilaabtan taasoo dhiiri-gelin u noqon lahayd maadama laba xili Badda loo shaqo tago, Guntii iyo Gebabebdii, Lebed weli waxaa ka jirta baahi badan, mid ka mid ah dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan waa Hoy xumida, Abaartuna waa ay ka muuqataa dadka oo dhan siiba Hooyada iyo Dhallanka, Lebed walow ay nolosha dadku ku xiran tahay wax laga helo Hay’ad gargaar, waxaa wanaagsanayd in Lebed loo aqoonsdo xero Qaxooti oo lagu wareejiyo UNHCR, Deegaanka weli lagama yaaqaan Waxbarasho, qof walba oo xanuunsadana waxaa loo raadiyaa Subag Qubo si loogu daweeyo.


W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle


Mail. Naasirx1@gmail.com


Tel. 00252-615503978 .


 


 

Published: 2017-04-24 08:51:32

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign