Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


NUSOJ OO QABATEY DOOD KU SAABSAN SINAANTA CADAALADA IYO SIDA AY SHARDI U TAHAY XORIYADA HADALKA

 Dood la xiriirta  Sinaanta Cadaalada iyo sida ay Shardi u tahay  Xoriyada Hadalka oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa lagu qabtay Hoteelka Jazeerra ee magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 2/5/2017, waxaana Doodaan ka qayb galey Xildhibaano, Sharci yaqaano, Rug caddaa Saxaafadeed, Ururo Saxafaadeed, Tafaftirayaal kala duwan oo ka socday Raadiyaasha.TV-yada, Wargeysyada, Website-yada  Muqdisho iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada    


 

Xoghayaha Guud ee   NUSOJ Md.  Maxamed Ibraahim  (Macalimuu) oo ka hadley kulankaasi ayaa waxaa uu sheegey  in ujeedka loo qabtey Doodaan ay tahay inay ka soo baxaan Qodobo muhiim u ah Saxaafada si helo  Saxaafad isku duuban oo ilaalisa Sharciga si looga gudbo Qaladaadka ay mararka qaar la yimaadaan Saxaafadda kala duwan.


 



Kullankaasi waxaa furay  Xildhibaan Khaalid Macow oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaaka Fedraalka  Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Shie Jaamac ( Ciyaar Jecel), labadooduba waxay ka hadleen  ahmiyada  xoriyada hadalka iyo siday lagama maarmaan u tahay in qof kasta oo Soomaali ahi uu cadaalad helo                                                      


 


Kadib waxaa dood  ka hadlaysay Sinaanta Cadaalada iyo Sida ay Shardi u Tahay Xoriyada Hadalka  loo qabtay Avv, Cumar Maxamed C/lle ( Dhagey), Yuusuf Xasan Macallin isaaq oo ah  rug cadaa saxaafadeed,  C/weli Xaashi oo saxafi Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Finland labadii sano e ugu danbaysay ku sugnaa Muqdisho


 



Doodayaasha ayaa su’aallo laga weydiiyay ahmiyada ay leedahay xoriyada hadalka, waxa sharciga ka qabo xoriyada hadalka  iyo farqiga u dhaxeeya warbaahinta Reer Galbeedka iyo tan Soomaaliya iyadoo mid waliba uu si saraaxad leh  uga jawaabay su’aalihii la weydiiyay   


 


 



Ka qayb galayaasha iyo Suxufiyiintii ka qayb galey doodaasi ayaa  la isku raacey in si masuuliyad ku jirto loo guto howlaha Saxaafada maadaama loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed , waxayna Doodaan loo qabtey iyadoo la xusayo  3-da May  oo beri ku beegan Maalinta Saxaafada  Adduunka.  


 


 

Published: 2017-05-04 20:06:43

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign