Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


SOMA oo Xusay Maalinta Xorriyada Saxaafada Adduunka ee 3-da May 2017

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo Xusay Maalinta Xorriyada Saxaafada Adduunka ee 3-da May 2017

 Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Xoriyada Saxaafadda Adduunka  ee 3-da May 2017  oo ay soo qaban qaabiyeen   Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa lagu qabtay  Hotel Makka Al Mukarama  ee Magaalada Muqdisho .


Munaasabaadaasi waxaa ka soo qayb galay  Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen  Wasiirka Warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdiraxmaan  Cumar Cismaan  (Yariisow), Xeer Ilaaliyaaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya Axmed Cali  Daahir , Xildhibaan   Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo qaybaha kala duwan ee Warbaahinta


Ugu horeyntii waxaa furay Xaflada  Gudoomiyaha SOMA  Maxamed Cabdulaahi Kooshin  oo faahfaahiyay ahmiyada xuska 3-da May  isagoo sheegay in loo baahan yahay in  Wariyaasha ay  dhowraan  sharciga  Saxaafada isagoo ku booriyay inay ku dadaalaan inay bulshada u adeegaan,


Xoghayaha Guud ee SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka hadlay Munaasabadaas  ayaa   u Hamalyeeyay Suxufiyinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo ku dhiiri galiyay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay u shaqeeyaan Bulshada Soomaaiyeed  wuxuuna sheegay in  halku dhiga sanadkani uu yahay   Kaalinta Saxaafadda Bulshooyin  Dhammmaystiran  ee Nabada & Cadaalada    waxaana uu ka sheekeeyay sidii ay  ay ku bilaabatay Xuska Maalinta Xoriyada Saxaafada isagoo caddeeya inay SOMA u taagan tahay inay ka shaqaynayso horumarinta Saxaafada Soomaaliyeed.


Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali  Daahir oo ka hadley Kulankaas ayaa yiri “Suxufiga waxaa saaran Waajibaadka mar waliba laga doonayo in uu Ilaaliyo si loo ilaaliyo Xaquuqdiisa ” waxaa uu intaa sii raaciyey “ Waxaan soo dhaweynayaa in dib loogu laabto Xeerka saxaafada maadaama ay Cabasho ka keeneen Suxufiyiinta Soomaaliyeed “


Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  oo Munaasabadaas lagu xusayey Maalinta Saqxaafada Aduunka aqyaa Hoosta ka Xariiqey  inuu ka shaqayn doono sidi loo horumrin lahaa saxaafada Soomaaliya loona difaaci lahaa Xaquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed.


 



Waxaa kale oo xafladaasi haddalo qiimo leh ka jeediyay Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka sheekeeyay doorka Saxaafad iyo horumarinta Soomaaliya isagoo Suxufiyyinta ku adkeeyay inay dhowraan sharciyada Saxaafada ayna u adeegaan bulshadooda iyo Qarankooda , waxayna Suxufiyiintii ka qayb gashey Kulankaas Wasiirka ka Codsadeen in uu Dadaal u galo sidii lagu siideyn lahaa Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha ee ku xiran Dalka Itoobiya    



 



“Saxaafada Waxay ka mid tahay Bulshada Rayidka sidaa darteed waxaan kula dardaarmayaa in ay Bulshadooda u adeegaan “sidaa  waxa yiri Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA oo sheegey in Bulshada Rayidka ay mar waliba soo dhaweyneyso sidoo loo ilaalin lahaa Xaquuqda Aadanaha 

Published: 2017-05-04 20:09:05

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign