Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Ganacsade Cumar C/llaahi: “Sida ay Dowladdu ula dhaqantay Shirkadda Dhismaha RAJO

Ganacsade Cumar C/llaahi: “Sida ay Dowladdu ula dhaqantay Shirkadda Dhismaha RAJO waxay quus gelisay Shirkado & shaqsiyaad doonayey in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka”


 

Tan iyo markii ay soo shaac-baxday is hortaagii lagu sameeyey howlihii ay waday Shirkadda dhismaha [Rajo constraction] waxaa isa soo tarayey dhaliilo iyo cabasho ka imaanayey waxgarad ka tirsan qeybaha bulshada, kuwaas oo ku tilmaamay tillaabada lagu hor istaagay shaqadii shirkadaasi in ay aheyd jid-gooyo loo dhigay qurba joog waddaniyiin ah, oo ka jawaabay farriintii ay jeediyeen madaxdii ka horreeysay Madaxweyne Farmaajo.


Ganacsade Cumar C/llaahi oo fadhigiisu yahay Magaalada SHARJAH ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid noqday shaqsiyaad aragtidooda ka soo dhiibtay dooddan muddooyinkii u dambeeyey si weyn u ruxday warbaahinta gudaha & dibedda, waxaanna ganacsade Cumar isaga oo maqaal dheer soo dhigay baraha bulshada [social media] uu sheegay in ganacsatada Soomaalida kuwooda dalka wax ku soo kordhin karaya ay mudan yihiin in Dowladdu ay  siiso dhulal, isaga oo wax aan la-qaadan karin ku tilmaamay in ganacsato waddaniyiin ah oo damiirkooda adeejiyey  markii ay dalkii ku soo laabteen sifo aan sharci aheyn shaqadoodii lagu hor joogsaday, wuxuuna ku baaqay in Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay howsheeda u fasaxdo shirkadda RAJO.


Shirkadda Rajo Construction and Transportation waxaa Dhidibada loo taagey Bishii Abriil 10-keedii 2013, waxaana Munaasabadii lagu furayey oo ka dhacdey Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada , waxayna Warshadan noqotey Warshaddii ugu horreysey oo nooceeda ah lagana furo Dalka , waxayna ku soo beegantey Xilli Madaxweyne Xasan Shiikh uu Qurba Joogta u jeediyey Baaq ah in ay Dalkooda Maalgashadaan, waxayna Warshadaan Maalintii soo saareysey Kumanaan Kun oo Bulukeeti oo Casri ah iyo Dhagax loo yaqaan Inter-Lock ee Guryaha iyo Hareeraha Wadooyinka la dhigto iyo qaybaha kala duwan ee qalabka dhismaha guryaha iyo waddooyinka


“Shirkadda Dhismaha RAJO waxeey aheyd shirkaddii ugu horreeysay ee ku soo dhiiratay in ay hormuud u noqoto dib u dhiska & rajo soo celinta dalka, in is hortaag lagu sameeyey shaqadeedi iyada oo shaarkii Dowladnimada la huwan yahay waa nasiib darro; mana jirto sifo sharci ah oo loo cuskaday shaqo ka joojintaas; Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi & R/wasaare Xassan Kheyre waxaan u sheegeynaa in is hortaagga lagu sameeyey RAJO  ay quus ku riday shirkado & shaqsiyaad doonayey in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka” Ayuu yiri Ganacsade Cumar Cabdullaahi, wuxuuna intaasi ku daray inuu qabo in Dowladdu soo dhoweyso  shirkadaha doonaya in ay hantidooda dalka gashadaan.


 

Published: 2017-05-25 21:20:10

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign