Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dafcadii Shanaad oo ka Qalin-Jabisay Jaamacada Green Hope ee Magaalada Muqdisho

Xaflad ay ka Qayb-galeen Xildhibaano Heer Federaal iyo kuwo Dowlad Goboleed, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare , Daladaha Wax-barashada Dalka, Macalimiin, Ururada Jaamacadaha, Odayaasha Dhaqanka, Waaliddiin, Arday iyo Marti Sharaf kale  ayaa ka dhacday Hotel FURAAD ee Muqdisho; Munaasabaddan oo ku saabsanayd Qalin-jabinta ardey dhameystey Waxbarashada Jaamacada Green Hope.

Mustaf Macalin Cabdule oo Maamulaha Jaamacada Green Hope oo Halkaas ka jeediyay warbixin ku saabsan Jaamacada iyo Mustaqbalka waxa u Qorsheysan isagoo halkaas ka sheegey in Jaamacada lagu soo kordhiyey Kulliyado Cusub oo uu sheegay in wax ka dhigayaan Macalimiin Aqoontooda Sareysa islamarkaana Khibrad u leh sida wax loo baro ardayda.sidoo kale waxaa uu sheegey in Jaamacada ay Deeq Waxbarasho siiso ardey aan awoodinin ay iska Bixiyaan Kharashka waxbarashada


Maxamed Muuse Mataan oo ku hadlayey Magaca Macalimiinta ayaa u mahadceliyey Maamulka Jaamacadda Green Hope oo uu sheegey in ay ka heleen tasiilaadkii ay u baahnaayeen                                      sidoo kale waxaa uu Mahadceliyey Waalidiintii ardeyda  oo uu sheegey in ay ka shaqeeyeen Xiriirka Macalinka                           iyo  ardeyga


Maxamuud Caddow Xasan oo ku Hadlay Magaca Ardeydii ka qalin-jabisay Green Hope University ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey intii ku Gacansiisey inay maanta dhamaayeen Jaamacada, waxa uuna si gaar ah ugu mahad celisay maamulka, Macalimiinta iyo Waalidiintii Mudadaas fog Waxbarashada Gacan ku siinayay.


Waxaa isna ka hadlay Xafladda Macallin Muuse Faarax Xayd oo ah Madaxa Manaahijta Wasaarada Waxbarashada oo halkaa ka hadlay ayaa Dhallinyaradii iyo Martidii halkaa isugu timid ku guubaabiyay in ay mar waliba ay aqoontooda kor u qaadaan islamarkaan ay ka mira dhaliyaan ujeedooyinkooda ah inay Waxbarashadooda ugu adeegaan Dalka iyo dadka. Waxaan uu intaas sii raaciyey “Waxaan idiin kula dardaarmayaan in aad iska ilaalisaan Qabyaalada oo ah midka Soomaaliya Dib udhigey


Cabdishakuur Macalin Xasan oo ah Agaasimaha Waaxda Tacliinta  sare ee  Wasaarada Waxbarashada  ayaa si weyn ugu dheeraadey Faaiidada Waxbarashada u leedahay       Bulshada         waxaana uu hoosta ka Xariiqey in Wasaarada ay soo dhaweyneyso in ardey intaa la’eg ay ka qalin jabiyaan jaamacadaha Dalka isagoo ugu  baaqey ardeyda qalin jabisey in ay  sii Wataan Waxbarashadooda


Ku simaha Hormuudka  Jaamacadda Green Hope Maxamed Faarax Sacaba weyne  oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Jaamacadda iyo heerarkii kala duwanaa ee ay  soo martey waxaana uu carabka ku dhuftey in Jaamacada markii horey ay ahayd Xarun lagu barto Luqada Ingiriiska hase yeeshee waxaa markii dambe la isku afgartey in loo bedelo Jaamacad  taas oo aakhirkii lagu guuleystey


Waxaa ka hadlay Mudane Khaliif Muumin Tooxow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeel waxaa uu sheegey in Maamulkooda uu aad ugu faraxsan in ardey gaareysa 130  ay ka Qalin-jabiyaan Jaamacada Green Hope wuxuuna  si gaar ah Baaq ugiu direy Dowladda Federaalka in ay ardeydaas u abuuraan  Shaqooyin .


Munaasbadaas waxaa soo Gunaanadey Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo mar waliba   Saaxiib dhow la ah Bahda Waxbarashada  waxaana uu sheegey in Jaamacadaha Maanta jira oo Green Hope ka mid tahay  la abaal mariyo waayo waqti adag bay soo shaqeeyeen sidoo kale waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay dhiirageliso  Waxbarashada Sare si  Dalka uu u gaaro Horumar la taaban karo


Ugu dambeyn, Ardaydii ka Qalin-jabisay Jaamacadda Green Hope waxaa halkaas lagu guddoonsiiyay Shahaadooyin in kabadan  130 ardey oo ka qalin jabiyey Afara Kulliyadood oo kala ah Nurses, Public Health, Business Administration iyo Criminology And Security Studies


 



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro



 



E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk



E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Published: 2017-08-01 20:13:09

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign