Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Waxaan Booqday Garaash lagu hayo Maydadka Dadkii Bariire lagu Diley.

Dhacdadii ka dhacday Deegaanka Bariire Subaxnimadii Jimcaha waxay ahayd dhacdo xanuun badan, waxaa Caruurtoodii ku waayey Waalidiin Soomaaliyeed, waxaa Asaay ku qaaday Haween Soomaaliyeed, waxaa Ehel, Qaraabo iyo Asxaab ku waayey dad badan,  waxaa siyaabo kala duwan oo is burinaya uga hadlay Masuuliyiinta Dowladda Federalka Soomaliya taasoo dad badan ka caraysiisay,

waxaa dhacay Banaanbaxyo markii dambe la joojiyey,  Waxaan booqday Maanta Garaash lagu hayo Maydadka 10-ka qof oo ay ku jiraan laba Caruur ah kuwaas oo kala ah. Maxamed Teesow Cabdi  oo la iigu sheegay 12 jir iyo Sameey Jaamac Warsame isna la iigu sheegay 14 jir.


Waxaa la yaab igu noqotay dadka dhintay oo aan arkay dhamaantood marka hal mid laga reebo waxay xabaddu kaga taalaa dhuunta, waxaa kaloo la yaab igu noqotay sida aanu isu bedelin jirka Maydadka oo dhan, waxay ku jireen Konteenar Qaboojiye fiican leh oo matoor gaar ah u shidan yahay.


 Diirshe Cumar Warsame oo ii sheegay inuu Goobjooge ahaa  ayaan waydiidey sida dadkan loo laayey, waxa uuna yiri. “Marka laga reebo sedax nin oo Beerta waardiyeyneysey oo markiiba la soo diley, inta kale waxaa la toogtey kadib markii la qabtay oo madaxa gacmaha loo saaray”


 Waxgarad iyo Nabdoono ka socda Ehelada dadka la laayey ayaa la ii sheegay iney la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dowladuna waxay samaysay gudi soo baara arintan kadib markii ay ugu dambayntii ka Tacsiyeysey, Waxaan iswaydiiyey sababta loo aasi waayey maadaama dadkan la diley Maalintii Jimcaha?


 Nabadoon Cabdul Cilmi Xasan oo ka mid ah Naadoonafda Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa yiri. “Dadkan Guryana kuma dumin, Qabiilna ma dilin sidaa darted, waxaan Aasaynaa marka ugu horaysa oo ay Dowladda Soomaliya cadayso cida falkan ka dambaysa sababtoo ah Waxaan rumaysan nahay in Maraykan nalaku soo hogaamiyey oo war khalad ah loo sheegay” .


 



W/D Cabdinasir Xersi Iidle.



E-Mail  Naasirx1@gmail.com


Tel. 00252615503978

Published: 2017-08-27 20:26:04

Tip a friend abot this news

Home/Wararka

ITTF Conference in Yokohama

 
 Kulankii madaxda FIFA & XSKC 2005


 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdisalaam & caafimaadka Ilkaha

 

 STT-Coaching course, Djibouti

 

 

 


 

 

 

Shirweynihii ITTF, Rotterdam 2011

Dr. Abdullahi Warsame oo ka hadlaya caafimaadka  

Mandela & World Cup 2010

Axmed Caano & Sugaanta

Murugadii  Shaamo 3 dec 09

Xulka K/Cagta U-17 Somaliya oo 3-1

uga badiyey Kenya

Djibouti & France TT Presidents oo ku kulmay Paris

Sidadmin Webbdesign