Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


KUTUBKA BULUUQUL MARAAM

Qeybtii 3-aad

Suáal 11-aad: Ninka iyo haweenayda is-qaba midkood biyaha uu janaabada kaga qubeysto hanbada kasoo harta midka kale ma ku qubeysan karaa?
Jawaab 11-aad: Haa. (Daliil: Xaddiiska 7-aad cutubka biyaha).'

 

Suáal 12-aad: Muxuu noqonayaa xukunka weelasha ahlu-kitaabka iyo mushrikiinta marka la isku soo uruuriyo axaadiista ku soo aroortay?
Jawaab 12-aad: Waa in la iska dhaqaa haddii lagu yaqaano in ay weelashooda u isticmaalaan waxyaabo xaaraam ah, weelasha makhaayadahana dhib ma lahan. (daliil: Sharraxaadda Shariifka xaddiiska 20-aad cutubka weelasha.

 

Suáal 13-aad: Waa sidee xukunka xoolaha aan hilibkooda la cunin, sida Dameeraha, Bisadaha iwm?
Jawaab 13-aad: Hilibkoodu waa xaaraam haddii la gawraco iyo haddaan la gawricin, waana nijaas. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka Xaddiiska 23-aad cutubka Daahirinta Nijaasada).

 

Suáal 14-aad: Maxay ku kala duwan yihiin kaadida wiilka iyo gabadha?
Jawaab 14-aad: Kaadida wiilka aan raashin cunid gaadhin, naaskana nuuga, biyo ayaa lagu rusheynayaa, gabadhase kadideeda waa la dhaqayaa. (Daliil: Xaddiiska 26-aad cutubka Daahirinta Nijaasada).

 

Suáal 15-aad: Waa sidee qaabka sunnada ah in loo masaxo madaxa?
Jawaab 15-aad: Waa in labada gacmood oo isla socdo loogu masaxo madaxa horay ilaa gadaal, haddana gadaal ilaa horay, dhagahana lala masaxo. (Daliil: Xaddiiska 32-aad cutubka Waysada). 
 

La soco toddobaadka dambe qeybaha kale ee Kutubka.

pppppp