Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Kutubka Buluuqul Maraam (suáalo & Jawaabo diini ah)

Qeybtii 6,7,8-aad:

Suáal 36-aad: Waa maxay sababta loo reebay in lagu istijooda saalada xoolaha hilibkooda la cuno, caanahoodana la cabbo & lafaha?
Jawaab 36-aad: Waxaa ka faaiidaysta walaalaheen jinka muslimka ah. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 88-aad cutubka Adaabta Kortagga).

Suáal 37-aad: Maxaa lagu mutaysan karaa kaadida oo si fiican layskaga hagaajin waayo?
Jawaab 37-aad: Kaadidu waa nijaas, waana lagu cadaab mudan karaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 90-aad cutubka Adaabta Kortagga).

Suáal 38-aad: Ma Nijaas baa Kaadida Xoolaha hilibkooda la cuno, caanahoodana la cabbo?
Jawaab 38-aad: Maya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 90-aad cutubka Adaabta Kortagga).

Suáal 39-aad: Yeey waajib ku tahay inuu qubeysto?
Jawaab 39-aad: Rag iyo Dumarba qofkii ay biyo "Mini ama Shahwo" ka yimaadaan sideey doonaanba ha oga yimaadaane & qofkii galmo sameeya xattaa hadaysan biyo ka imaanin. (Daliil: Xaddiiska 94-aad & Xaddiiska 95-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada).

Suáal 40-aad: Maxaa ka reeban qofka markuu musqusha ku jiro ama istijoonayo?
Jawaab 40-aad: Inuu midigta ku istijoodo ama ku taabto xubinka taranka & inuu ku dhex sheekeeyo musqusha markuu saxaroonayo ama kaadinayo. (Daliil: Sharraxaadda shariifka, Xaddiiska 83-aad cutubka Adaabta Kortagga).

Suáal 41-aad: Waxyaalahee mamnuuc ah in lagu istijoodo?
Jawaab 41-aad: Lafaha & Saalada Xoolaha, Waraaqaha dadku wax ku qortaan iyo wax walba oo ay dadku faaíido ka helaan. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 88-aad cutubka Adaabta Kortagga).

Suáal 42-aad: Maxaa laga doonayaa qofka soo islaamaya?
Jawaab 42-aad: Inuu qubeysto, hadduu nin yahayna inuu isgudo & inuu timaha iska xiiro. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 99-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada).

Suáal 43-aad: Waa maxay xukunka qubeyska maalinta jimcaha ah?
Jawaab 43-aad: Waa sunno la adkeeyay, waxaana laga rabaa qof walba oo qaan-gaar ah oo salaadda jimcaha soo aadaya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 100-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada).

Suáal 44-aad: Sidee ayaa janaabada looga qubeysan karaa?
Jawaab 44-aad: Marka hore gacmaha ayaa la dhaqayaa, kaddib xubinka taranka ayaa la dhaqayaa, kaddibna waa la weysaysan, kaddibna waa la qubeysan. (Daliil: Xaddiiska 104-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada)

Suáal 45-aad: Maxay sameynaysaa haweeneyda timuhu u tidcan yihiin (u daban yihiin) markay janaabo ka qubeysanayso?
Jawaab 45-aad: Uma baahna inay timaha furfurto, laakiin biyaha ayay madaxa ku shubaysaa gacantana way ku xajinaysaa timaha, kaddibna jirka intiisa kale ayay dhaqaysaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 105-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada).
Suáal 46-aad: Ninka iyo haweeneyda isqaba ma isla qubeysan karaan? Mase arki karaanCawrada midba midka kale?
Jawaab 46-aad: Haa, waa arrin bannaan oo xataa way isku qubeyn karaan. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 106-aad cutubka Qubeyska & Xukunka Janaabada).

Suáal: 47-aad: Qofka haday Janaabo ku dhacdo uusan biyana heysan, Ciid ma ku dahaaro qaadan karaa? Hadduu biyo helo hadhow salaadda ma soo celinayaa?
Jawaab 47-aad: Haa, waa inuu ku dahaaro qaato Ciidda, laakiin markuu biyo helo waa lagama-maarmaan inuu qubeysto, laakiin salaadda ku soo celin maayo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 109-aad & Xaddiiska 112-aad cutubka Booraysiga).

Suáal 48-aad: Sidee loo booraysan (Gabagabaysan) markii biyo la waayo?
Jawaab 48-aad: Labada Calaacalood ayaa dhulka lagu dhufan hal mar, kaddibna waxaa la marinayaa wajiga & labada calaacalood dushooda sare. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 111-aad cutubka Booraysiga).

Suáal 49-aad: Muxuu samaynayaa qofkii naftiisa kala baqa biyo in uu ku dahaaro qaato?
Jawaab 49-aad: Wuu Booreysanayaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 116-aad cutubka Booraysiga).

Suáal 50-aad: Imisa salaadood ayuu qofku kutugan karaa hal Booraysi?
Jawaab 50-aad: Intii salaadood ee la doono sida wayso qaadka oo kale. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 117-aad cutubka Booraysiga).
 

La soco qeybaha kale ee Kutubka oo ay isku dubbaridey Heyádda Kafaalo.

 

 

 

pppppp