Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


SOMAANTA maxaa loola jeedaa?

Doodda xiisaha leh ee hoos ku qoran waxay dhex martay qaar ka mid ah akhristayaasha www. somaanta.com, iyagoo si qoto dheer ugu falanqeeyey dooddooda bal in ay fasiraan magaca somaanta. Doodan oo dhacday intii lagu guda jirey xafladdii furitanka somaanta waxa ay dhex martay 3 ka mid ah akhristayaasha, waxayna u dhecday sidatan:
Xaaji: Caliyow ma inoo sheegi kartaa waxa loola jeedo magacaan somaanta waa mid nagu cusub?. Intii aan Cali qaadan hadalka waxaa durba ku soo boodey Sahal oo yiri "horta magaca qeybtiisa dambe fasir uma baahna oo waa (maanta), laakiin waxaan filayaa in (so) loo soo gaabiyey (Soomaali), sidaasna ay u doorteen in ay wararka iyo dhacdooyinka Soomaaliya si maalinle ah ugu soo bandhigaan website-ka.
Cali: ma filayo in sidaas loola jeedo ee waxaan u qaatay in (so) loo soo gaabiyey socdaal isla markaana gadaal looga daray (maanta), waayo warfidiyeenadu waxay maalin kasta ku guda jiraan socdaal ay ku raadinayaan akhbaar ay u soo bandhigaan akhristayaashooda. Sahal oo mar kale hadalkii boobay ayaa yiri: maya... maya... soo ma dhici karto in ay uga jeedaan erayga (so) sooyaal isla markaana ay gadaal uga qabteen (maanta) si ay u soo bandhigaan maclumaad ku saabsan sooyaalkii la soo maray iyo socotada taariikhda maanta!
Xaaji: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "hubsiimo hal baa la siistaa", war intii aan malo awaali laheyn micnaha qarsoon ee magaca website-ka oo aan hadda xaruntiisii joogno soo kuma habboona inaan weydiino maamulayaasha somaanta, si ay noogu sharraxaan sababta ay u doorteen magacaan.
Cali iyo Sahal oo aad ugu riyaaqay hadalkii degganaa ee xaajiga ayaa la soo kala boodey "wallaahi waa runtiis xaajiga, waa nin waaya-arag ah, horey ayaana loo yiri "talo keen noqo ama talo raac noqo". Intaas kaddib waxaa sheekada ku soo biirey mid ka mid ah maamulayaasha somaanta oo aad ula socday sheekada xiisaha leh ee u dhexeysay qaar ka mid ah ka soo qeyb-galayashii xafladda loogu wanqalay somaanta, wuxuuna hadalkii ugu soo gaabiyey "aad ayaan ula socday sheekada xiisaha leh ee idiin dhexeysay ee ku saabsanayd bal inaad fasiraad u heshaan magaca website-kan", isagoo sii raaciyey "dooddiinu waxay i xasuusisay maalin maalmaha ka mid ahayd oo aan ka qeyb galay kulan weyn oo ay qaar ka mid ahaa ka soo qeyb-galayaashii kulanka ay suáalo ku weydiiyeen abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Ibraahim Hadraawi. Suáalahaas oo ahaa bal inuu fasiraad ka bixiyo waxa uu ula jeeday erayo ku jirey sugaantiisa, hase yeeshee abwaanka oo aan meel dheer ka doonin jawaabta ayaa yiri "sugaantu waxay ku fiican tahay in qof weliba u fasirto sidii ay isaga la tahay, kii jaceyl u fahmay inuu u qaato jaceyl kii wax kale ay la noqotay inuu sidaas u qaato, waayo haddii hal fasiraad loo yeelo micno yeelan meyso". Sidaas si la mid ah bahda somaanta waxay jeceshahay in akhristayaasha somaanta uu mid waliba ku fasirto magacaas sidii ay isaga la noqoto. Iyadoo himaladeennu tahay soo bandhigidda warar dhab iyo dhex-dhexaad ah, faallooyin xiiso leh, barnaamijyo isugu jira dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, cayaaraha iyo weliba arrimaha diinta, waraysiyo iyo sheekooyin dhinac waliba ka taabanaya bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday daafaha dunida.
Somaanta waxa uu si weyn u soo dhoweynayaa aragtiyada kala duwan ee guud ahaan akhristayaashiisa, gaar ahaan aqoonyahanada, qorayaasha sheekooyinka iyo suxufiyiinta oo dhan in ay ku soo bandhigi karaan xogta iyo xikmadda ay xambaarsan yihiin si ay u gaarsiiyaan bulshoweynta Soomaaliyeed. Somaanta ka dhigo hoyga aad ka hesho warar sugan oo dhex-dhexaad ah, warbixino iyo talooyin caafimaad, dhaqdhaqaaqyada cayaaraha gudaha iyo dibedda iyo weliba sheekooyin xiiso leh. Hey´adaha samafalka iyo shakhsiyaadka ku howllan gaarsiinta gargaarka dadka ku dhibaateysan dhammaan gobollada kala duwan ee Soomaaliya waxaan u ballan-qaadeynaa caawimaad lacag laáan ah ee dhinaca soo bandhigidda waxqabadkooda iyo gudbinta farriimaha gargaarka ah.

kala soo xiriir web-ka ciwaanada kala ah: info@somaanta.com iyo webmaster@somaanta.com


pppppp