Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


DR. Cabdisalaam Hussein oo Faahfaahinaya Cudurada Afka- Ilkaha & Bushimaha 

Iyadoo aan weli ku guda jirno waraysiyadii aannu la yeelanaynay Dr. Cabdisalam Hussein Awale oo ku takhasusay caafimaadka Afka, isla markaana uu Dhakhtarku hore inoogu soo faahfaahiyey cudurada ku dhaca Ilkaha, Ciridka iyo sida loo daryeeli karo caafimaadkooda, ayaanu toddobaadkana ka waraysanaynaa Dhakhtarka bal inuu faahfaahin guud naga siiyo guud ahaan cudurada ku dhaca Afka, waxa keena iyo in cuduradaas ku yimaadaan qaab dhaxal ama hide ah iyo in kale.

Somaanta.com: Faahfaahin guud ma innaga siin kartaa guud ahaan cudurada ku dhaca Afka?
Dr. Cabdisalaam: Waxaa inoo soo taxnaa caafimaadka Afka iyo tusaalayaal, talooyin iyo su aalo intaba, marka hore waxaan jeclahay in aan ka jaahiltiro akhristayaasha in ka hadalka ama ka sheekaynta caafimaadka Afka iyo Cuduradiisu yihiin wax aad u badan oo aan lagu soo koobi karaynin bog iyo labo una baahan barashadeeda gaarka ah .
Haddaba aniga oo u laabanaya su aasha ayaa waxaan jeclahay in aan iftiimiyo in Afka iyo wixii ku jiraaba la mid yihiin sida meelo badan oo jidhka bini aadamka ah looga ogaado xannuunada ama looga baadho isagana loo heli karo calaamado badan oo astaan u ah xannuuno kala duwan. Tusaale ahaan Afka waxaa laga ogaan karaa qofka qaba Cudurka TB- da, HIV/AIDs, Syphilis iyo xannuuno kale oo badan. Aniga oo ka cudurdaaranaya in aan xannuunada qaar Afka Soomaaliga ah aan ku sheego, waxaan isku deyayaa in aan English ku sharraaxo, waxaana u kala saarayaa xannuunada 3 qaybood oo kala ah:
1. Xannuunada ku dhaca qaybaha adag ee afka sida Ilkaha iyo Lafaha Afka kuwaas oo loo yaqaan (Hard-tissue Pathology), waxay kala yihiin:
A- Disorders of development of teeth and related tissue.
B_Dental Caries.
C- Pulpitisapical periodontitis.
D- Gingivitis and periodontitis.
E- Major infections of the mouth, jaws and perioral tissue.
2. Xannuunada ku dhaca Qaybaha Jilicsan ee Afka. (Soft -tissue Disease)
A-Diseases of the oral mucosa : Infective stomatitis.
B-Diseases of the oral mucosa:Non infective stomatitis.
C-Tongue disorders.
D-Benign chronic white mucosal lesions.
E-Oral premalignancy.
F-Oral Cancer.
3. Xannuunada ku yimaada hoos u dhaca Difaaca Jidhka qofka.
The Medically-Compromised Patient.
A-Anaemias and Lukaemias.
B-Haemorrhagic disease.
C-Immunodeficiecy diseases and the acquired immune deaficiecy syndrome.
D-Endocrine disorders and pregnansy.
Intaasi waxa aan ka dhigayaa Tusaale gaaban oo aan xannuunada afka iyada oo aan lagu soo kaabi karaynin meesha tan laakiin waxa ay u kala baxaan Xannuunada Afka ku dhacaa intaasi.
Somaanta.com: Sidee looga hortegi karaa xannuunada ku dhaca Afka?
Dr. Cabdisalaam: Horta xannuun kasta Ilaah baa keena sababo ha ku yimaadee, laakiin baadhitaano ama la socod xaaladda qofka caafimaadkiisa guud, gaar ahaan Afka ayaa looga badbaadi karo adiga oo Dhakhaatiirta ama kal-kaaliyeyaasha caafimaadka kala tashanaya maqlayana taladooda.
Somaanta.com: Ma la is qaadsiin karaa xannuunada afka?
Dr. Cabdisalaam: Haa, waa la is qaadsiin karaa qaar ka mid ah sida (Cagaarshowga) Hepititis,A,B,C,D.TB,HIV, Gengivitis. Periodontitis.
sida xannuunadan loo kala qaado waxaa ka mid ah Cadayga oo la isla isticmaalo, sida aad ogtihiin cudurrada qaarkood waxa la isku qaadsiiyaa Galmada, Candhuufta Afka, Dhiigga oo lagu shubo qof kale, qof meeli dhiigayso oo aad toos u taabato deetana aad ka qaadi karto haddii jidhkaagu furan yahay, Dhididka sida Hipetitis ka ama Joonis Cagaarshoow.
Somaanta.com: Cudurada Afka ku dhaca dhaxal (Hide) ma ku yimaadaan?
Dr. Cabdisalaam: Haa, xannuunada qaar hide ayay noqdaan oo haddii waalidiintaa aad ka wadato waxaa dhici kara in aad dhaxasho.
Somaanta.com: Maxaad jeceshay inaad ku soo gunnaanado?
Dr. Cabdisalaam: Waxan leeyahay dadku ha isku dayaan in ay xaaladdooda caafimaad marka hore ogaadaan wixii iska beddelay iyaga oo u fiirsanaaya, ogaanayana dadka kale islamarkaana la tashanaya Dhakhaatiirtooda.
Qormooyinka kale ee soo socda waxaan isku dayaynaa in aan kaga hadalno Kansarka afka oo fara baán ku haya bulshada caalamka oo ay Soomaalidu ka mid tahay. (ORAL CANCER) waxa keena & Calamaadaha lagu yaqaano intaba.
Dhinaca kale waxaan jeclahay in aan farriin gaar ah u gudbiyo akhristayaasha, aniga oo u iftiiminaya xannuunada ugu waawayn ee lagu kala qaado Afka iyo xataa Dhakhaatiirta Ilkaha oo aan jeclahay in aan farriin gaara u gudbiyo, aniga oo ka amba-qaadaya waayo-aragnimo aan ka helay muddo aan ka soo shaqaynaayay wadanka waxa aan la kulmay dad kala duwan oo uu baahan daaweyn ama in ilko laga saaro dadkaasi, qaar waa kuwo raba kaliya in xannuunka haya xal ay u helaan ama ilig laga saaro, laakiin aan danaynaynin xataa qalabka la isticmalaya nadaafaddooda iyo wasakhdooda oo marka shaqada loo qabto hore ka baxaya.
Qaarna waa kuwo la socda xannuunada la is qaadsiiyo oo feejigan kuna waydiinaayana qalabka nadiif ma yahay Strile waayo waxa aad dareemi kartaa in uu ka hor tegaayo in uu xannuun ka sii qaado halkii uu daawayn ka sugayay, haddii aan u kala saaro labo qodob:
1- Dadwaynaha Soomaaliyeed meel kastaba ha joogaane waxaan u sheegayaa Xannuunada la is qaadsiiyo in WHO ama hay adda Caafimaadka adduunku in ay ogaatay 60% in HIV/IADS, Hepititis-B (Cagaarshoowga), TB-da (Qaaxada) ay ka qaadi karaan qalabka ay isticmaalaan Dhakhaatiirta ilkaha kaasi oo haddii aan si fiican loo gudbin ama aan loo nadiifinin Strelasation aan lagu samaynin si fudud ugu baahnaan karaan xannuunadaasi markaa dadku waa in ay ka fiirsadaan oo ay waydiiyaan kuna khasbaan Dhkhaatiirta in ay iska hubiyaan nadaafadda qalabka loo adeegsanaayo xaqna uu u leeyahay qof kasta oo la daawaynaayo.
2- Dhakhaatiirta Ilkaha ee Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa in ay dhawraan bulshadooda itaalka daran aqoonta daran ee la liidata baahida dhaqaale iyo Caafimaad intaba oo aanay kaliya ka shaqaysanin , laakiin ay u tudhaan ama u damqadaan dadkooda tabarta daran.
Uma jeedo ama ma lihi cambaarayn ayay mudanyihiin laakiin waxyaalaha keeni kara gudbinta xannuunadaasi dhamaantood waxa ay ku iman karaan aqoon darro, degdeg laga degdegaayo wakhtiga ama dadka oo ku bata Dhakhtarka oo aanu ka gaadhsiin karin in uu qalabka nadiifiyo kaliya is yidhaahdo ama si dhayalsi ah uu ku qabto qalabkii oo dhiiggii qofkii hore leh ama kaliya biyo yara dhexdhigay taasina waxaan leeyahay waxaa ka dhalan kara khatar badan oo bulshada iyo Dhakhaatiirta lafteedaba ah .
Waayo dhakhtarka laftiisa haddii aanu ka taxadirin halista kaga imaan karta dadka aan garanaynin xannuunada kala geddisan ee ay qabaan waxa suura gal ah in dhakhtarka laftiisu uu ku waayo shaqadiisa haddii uu xannuunadaa midkood qaado waayo isaga laftiisa ayaa waxaa uu noqonayaa hoygii xannuunka laga qaadanay halkii uu wax ka daawayni lahaa
taasina waxa ay horseedaysaa in uu shaqadisii sidaa ku waayo caafimaad darro awgeed.
Haddaba waxaan ku soo gunnaanadayaa ha garto qofkastaa waxa uu xaq u leeyahay Ilaahayna ha la tala saarto.
Allaa mahad leh.
Dr. Abdisalam Hussein Awale
Sweden

 

pppppp