Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Kutubka Buluuqul Maraam (suáalo & Jawaabo Diini ah)

 Qeybihii ugu dambeeyey

Suáal 56-aad: Mala tukan karaa salaado sunno ah markii ay soo gasho salaadda subax?
Jawaab 56-aad: Ma jirto salaad la tukan karo oo aan ka aheyn labada rakco ee sunnada fajriga ah mooyee. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 142-aad cutubka Wakhtiyada Salaadda).

Suáal 57-aad: Salaaddee aadaankeeda lagu daraa "As-salaatu khayrun mina nawm"?
Jawaab 57-aad: Salaadda subax aadaankeeda hore. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 144-aad cutubka Aadaanka).

Suáal 58-aad: Goorma ayay aheyd goorta uu aadaanku bilowday?
Jawaab 58-aad: Sanadkii 2-aad ee Hijriga. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 145-aad cutubka Aadaanka).

Suáal 59-aad: Sax miyaa in kalmadaha aadaanka iyo iqaamada lagu celceliyo labo-labo jeer dhammaantood?
Jawaab 59-aad: Haa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 145-aad cutubka Aadaanka).

Suáal 60-aad: Salaadahee aadaan leh?
Jawaab 60-aad: Salaadaha faradka ah keliya wakhtigoodu ha joogo ama ha noqdaan salaado la qalaynayo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 155-aad cutubka Aadaanka)

Suáal 66-aad: Meelahee ayay mamnuuc ka tahay in salaad lagu tukado?
Jawaab 66-aad: Qubuuraha, Musqulaha iyo Geela sabadiisa (meesha Geelu fariisto). (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 168-aad cutubka Shuruudda Salaadda).

Suáal 67-aad: Maxaa mamnuuc ka ah Qubuuraha?
Jawaab 67-aad: In qubuur oo dhan dhexdooda, agtooda ama xaggooda loo tukado haddii uu qabrigu muuqdo ama uusan darbi idiin dhaxeyn iyo in lagu dul fariisto. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 169-aad cutubka Shuruudda Salaadda).

Suáal 68-aad Waa sidee in salaadda lagu dhex hadlo?
Jawaab 68-aad: Waa mamnuuc salaadduna ku burayso, haddii uusan qofku jaahil aheyn. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiista 172-aad & 173-aad cutubka Shuruudda Salaadda).

Suáal 69-aad: Sidee ayuu qofku wax u baraarujin karaa salaadda dhexdeeda?
Jawaab 69-aad: Haweenku way sacab-tumayaan, ragguna way subxaanaleysanayaan. (Daliil:Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 174-aad cutubka Shuruudda Salaadda).

Suáal 70-aad: Salaaddu ma buraysaa haddii lagu dhex-ooyo, oohin xuruuf laga fahmi karo?
Jawaab 70-aad: Maya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 175-aad cutubka Shuruudda Salaadda).

Suáal 71-aad: Qof salaad ku jira haddii la salaamo ma ka jawaabi karaa?

Jawaab 71-aad: Haa, laakiin gacanta ayuu salaanta ku qaadayaa. 8Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 177-aad cutubka shuruudda salaadda).

 Suáal 72-aad: Muxuu sameynayaa qofka haddii uu bahal ama tuug soo weeraro ama dab qabsado isagoo salaad ku dhex jira?
Jawaab 72-aad: Wuu is-difaacayaa mar walba, salaaddiisana waxba u dhimi meyso.(Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 179-aad cutubka Shuruudda salaadda).

Suáal 73-add: Waa sidee xukunka sutrada salaadda la dhigto (wax qofka hortiisa uu dhigto markuu tukanayo)?
Jawaab 73-aad: Waa waajib in sutro la dhigto. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 185-aad cutubka Sutrada Salaadda).

Suáal 74-aad: Waa sidee qof tukanaya oo aysan sutro hor oollin in a hormaro?
Jawaab 74-aad: Waa xaaraam, waliba dambi weyn ah. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 180-aad cutubka Sutrada Salaadda).

Suáal 75-aad: Maxaa sutro laga dhigan karaa marka la tukanayo?
Jawaab 75-aad: Wax taagan oo muuqan kara, sida miis, kursi, darbi, geed iwm. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 181-aad cutubka Sutrada Salaadda).

Suáal 76-aad: Muxuu qofku sameyn haddii loo soo dhigo cunto salaaddii oo taagan?
Jawaab 76-aad: Waa inuu cuntada ku hormaraa, kaddibna tukadaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 188-aad cutubka Khushuuca Salaadda).

Suáal 77-aad: Ma bannaan tahay qofka inuu ku sujuuda wajiga oo ay wax kaga dhagan yihiin sida dhoobo iwm?
Jawaab 77-aad: Haa, way bannaan tahay. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 189-aad cutubka Khashuuca Salaadda).

Suáal 78-aad: Maxay ka qabtaa diintu in qofka salaadda ku jira uu dhinacyada jalleeco?
Jawaab 78-aad: Waa xaaraam, inay maslaxo kale ku jirtomooyaane. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 190-aad cutubka Khushuuca Salaadda).

suáal 79-aad: Waa saxaabigee, saxaabiga beertiisa sadaqaystay marka uu arkay in ay ka mashquulisay khushuuca salaadda?
Jawaab 79-aad: Abu-Dalxaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 192-aad cutubka Khushuuca Salaadda).

Suáal 80-aad: Muxuu tusinayaa xaddiiska sheegaya in Yuhuudda iyo Nasaarada qubuuraha Anbiyadooda ka dhigan jireen Masaajid?
Jawaab 80-aad: Inay xaraam tahay in Masjid laha dhiso qubuuraha dushooda, dhexdooda ama Masjidkak dhexdiisa qabri laga sameeyo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 196-aad cutubka Masaajidda).

Suáal 81-aad: Waa sidee in Masjidka dhexdiisa alaab luntay lagu naadiya ama ganacsi lagu sameeyo?
Jawaab 81-aad: Waa xaaraam. (Daliil: Xaddiiska 199-aad cutubka Masjidka).

Suáal 82-aad: Maxaa ka mida calaamadaha saacadda Qiyaamaha?
Jawaab 82-aad: In Masaajidda dhisiddooda lagu tartamo ama lagu faantamo. (Daliil: Xaddiiska 206-aad cutubka Masaajidda).

Suáal 83-aad: Ma sunnaysan karaa qofkii soo gala Masjidka Salaadda Casar kaddib?
Jawaab 83-aad: Haa. (Daliil: Sharraxaadda shariifka Xaddiiska 209-aad cutubka Masaajidda).

Suáal 84-aad: Waa sidee waxyaalaha ku soo arooray xaddiiska la yiraahdo Xaddiiska Musiiú salaadka (Ninka salaaddiisa xumeeyey)?
Jawaab 84-aad: Waa waxyaalo waajib wada ah dhammaan. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 210-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 85-aad: Qofka ma ku filnaan kartaa faataxada keliya inuu ku tukado?
Jawaab 85-aad: Haa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 210-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 86.-aad: Halkee gacmaha la dhigayaa marka la sujuudayo?
Jawaab 66-aad: Madaxa ayaa lala simayaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 216-aad & 210-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 87-aad: Muxuu yahay farqiga u dhexeeya fadhiyada labada ataxiyaad?
Jawaab 87-aad Midna lugta bidix ayaa lagu dul-fariisan, midna sinta ayaa lagu fariisan. (Daliil: Xaddiiska 215-aad, sharraxaadda Shariifka Xaddiiska 210-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 88-aad: Waa sidee in la yiraahdo Naweytu ussallii, marka salaadda la xiranayo?
Jawaab 88-aad: Waa bidco. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 210-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 89-aad: Imisa jeer ayuu Rasuulku S.C.W. daaími jiray inuu gacmaha kor u qaado, markuu salaadda ku jiro?
Jawaab 89-aad: Seddex jeer. (Daliil: Xaddiiska 216-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 90-aad: Ma jiraa daliil sax ah oo caddeynaya in bisinka kor loo akhriyo salaadda dhexdeeda?
Jawaab 90-aad: Maya, ma jiro wax daliil ah oo sugan oo arrinkaas caddeynayo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 219-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 91-aad: Waa sidee akhrinta Faatixada salaadda dhexdeeda?
jawaab 91-aad: Waa tiir ka mida tiirarka salaadda, qofkii yaqaan oo ka tagana salaadda ka ansixi meyso. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 218-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 92-aad: Muxuu ku akhrinayaa salaadda qofka haddii uusan Quráanka aqoon?
Jawaab 92-aad: Takbiir, Tasbiix & Taxmiid. (Daliil: Xaddiiska 223-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 93-aad: Imisa xubnood ayaa nala amray inaan ku sujuudno?
Jawaab 93-aad: 7 xubnood. (Daliil: Xaddiiska 234-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 94-aad: Suuradahee joogteyn jiray Nabiga S.C.W. inuu ku akhriyo salaadda subux ee maalinta jimcaha ah?
Jawaab 94-aad: Suuratul Sajdah & suuratul Hal-Ataa Calal-Insaan. (Daliil: Xaddiiska 228-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 95-aad: Maxaa ka mamnuuc ah sujuudda & Rukuucda dhexdooda?
Jawaab 95-aad: In Quráan lagu dhex akhriyo. (Daliil: Xaddiiska 230-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 96-aad: Waa sidee fadhiga uu Nabigu S.C.W. fariisan jiray markuu ka soo istaago rakcadaha kisiga ah?
Jawaab 96-aad: Waa sunno. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 24-aad cutubka qaabkal oo tukado).

Suáal 97-aad: Imisa nooc ayuu qunuutku u kala qeybsamaa?
Jawaab 97-aad: Labo nooc; midka nawaazisha (dhibaatooyinka muslimiinta ku dhaca) & midka salaadaha witriga ah, sida Ramadaanka. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 241-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 98-aad: Qunuutka bisha Ramadaan ma wuxuu leeyahay wakhti goán oo la billaabi karo?
Jawaab 98-aad: Maya, wakhti looma goyn. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 24-aad cutubka qaabkal oo tukado).

Suáal 99-aad: Maxaa habboon in lala yimaado inta aanan la ducaysan?
Jawaab 99-aad: Marka hore in Rabbi lagu mahdiyo lana ammaano, kaddibna Nabiga S.C.W. lagu salliyo kaddibna la duceysto. (Daliil: Xaddiiska 248-aad qaabkal oo tukado).

suáal 100-aad: Maxay yihiin 4-ta arrin ee la is amray in Rabbi laga magan galo salaadda dhexdeeda? Halkeese salaadda dhexdeeda looga akhrinayaa?
Jawaab 100-aad: Cadaabka Jahannamo, cadaabka qabriga, fidnada nolosha/geerida & fidnada Masiixul Dajjaal, waxaana la akhrin attaxiyaadka dambe marka la dhammeeyo kaddib. (Daliil: Xaddiiska 250-aad cutubka qaabkal oo tukado).
Suáal 101-aad: Salaad ma ku waajibaysaa qofka hadduu qabo baaba-siir ama cudur kale oo daran? 

Jawaab 101-aad: Mar haddii qofku uu caqli leeyahay, waxna fahmayo uma bannaana salaadda inuu ka tago, xannuun kasta ha qabee. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 260-aad cutubka qaabka loo tukado).

Suáal 102-aad: Muxuu sameynayaa qofkii ka baxa salaadda isaga oo moodaya inay u dhammaatay, laakiin dib ay ka caddaato in aysan u dhammaan?

Jawaab 102-aad: Wuxuu soo celinayaa rakcadihii u harsanaa, wuxuuna ku darayaa 2-sujuudu sahwi. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 263-aad cutubka sujuudu sahwiga).

Suáal 103-aad: Ma lagu raacayaa imaamka haddii uu hilmaam awgiis, rakcad 5aad u kaco?

Jawaab 103-aad: Maya, laakiin waa la baraarujin inuu khalad ku socdo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 263-aad cutubka sujuudu sahwiga).

Suáal 104-aad: Muxuu samaynayaa qofkii ka shakiya salaadda dhexdeeda inuu tukaday labo rakcadood ama 3-rakcadood?

Jawaab: 104.aad: Wuxuu ka soo qaadayaa inuu tukaday tirada ugu yar shakigana wuu iska tuurayaa, sajuud-sahwina wuu la imaanayaa salaadda intuusan ka bixin. (Daliil: Xaddiiska 265-aad cutubka Sujuudu-sahwiga).

Suáal 105-aad: Sujuudu-Tilaawah ma leedahay xirasho & salaama naqsi?

Jawaab 105-aad: Maya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 276-aad Sujuudu-Sahwiga).

Suáal 106-aad: Muxuu noqonayaa xukunka sujuudu-tilaawda?

Jawaab 106-aad: Sunno. (Daliil: Xaddiiska 275-aad cutubka Sujuudu-Sahwiga).

Suáal 107-aad: Waa imisa sujuudood sujuudu-tilaawada?

Jawaab 107-aad: Hal sujuud . (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 276-aad cutubka sujuudu-sahwiga).

Suuáal 108-aad: Maxaa la gudboon qofka markuu helo arrin fiican oo uu ku farxo?

Jawaab 108-aad:Inuu sujuudo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 277-aad cutubka sujuudu-sahwiga)

Suáal 109-aad: Waa kuwee 12-rakcadood ee ah sunnada la adkeeyay oo qofkii joogteeya ku mudanayo in guri looga dhiso Jannada?

Jawaab 109-aad: 4 ka horreysa & 2 ka dambeysa duhurka, 2 ka dambeysa makhribka, 2 ka dambeysa cishaha & 2 ka horreysa fajarka. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 282-aad & 181-aad cutubka salaadaha sunnada).

Suáal 110-aad: Waa sidee in dhinaca midig loo seexdo marka labada rakcadood ee sunnada fajarka ka horreeya la tukado?

Jawaab 110-aad: Waa sunno. (Daliil: Xaddiiska 289-aad cutubka salaadaha sunnada).

La soco qeybaha kale ee Kutubka oo ay isku dubbaridey Heyádda KAFAALO.

 

pppppp