Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa?
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeen Nebi Maxamed (scw) iyo intii isaga raacday. Aamiin.
Muran badan ayaa ka dhashay calanka madow ee ururada islaamiga ahi ay ka taagaan goobaha ay joogaan. Dad badan ayaa ka qarracma marka ay arkaan calankaas oo babanaya. Laakiin qaar kale ayaa ku farxa oo ilaahay weyneeya, ayaga oo leh ”Allaahu akbar”. Qaar ayaa dejiya haddii ay awood u yeeshaan. Qaar kale ayaa dhaleeceeya oo cay iyo dacaayad isugu dara. Waxa aan dhawaan daawaday khudbad uu jeedinayo Cabdiraxmaan Janaqow oo ay ku jirto faallo ku saabsan calanka madow iyo calanka Soomaaliya ee buluugga ah (fiirso: http://www.youtube.com/watch?v=WMnk3ygCYfs ). Janaqow waxa uu calanka madow ku tilmaamayaa:
• Mid aan la garanayn cidda leh.
• Mid fool xumo badan
• Calan ay isticmaasho Alqaacido

Dhinaca kale waxa uu amaanay calanka buluugga ah ee Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey dadka in la ixtiraamo oo aayaheenna lagu ilaaliyo. Dabadeedna waxa uu ku heesay heestii calanka ee “qolaba calankeedu waa cayn”. Dadku waa ay istaageen oo heestii ayey la qaadeen. Heestuna waxa ay ku dhammaatay ereyga “caashaqa” oo ah dhiirrigelin in si xad-dhaaf ah loo jeclaado calanka buluugga ah. Xukunka ay ka qabto shareecada islaamku in la isu taago calanka iwm waxa aan u daynayaa culimada. Kollay anigu waxa aan ku qanacsanahay in ay tahay xaaraan iyo dembi in calan weynayntii la isu taago maadama la diiday in isu taago xiitaa dadka bina aadanka ah ee Alle karaameeyey . Sidoo kale xukunka ay leedahay in dadka lagu boorriyo jacaylka wax Alle ka sokeeya ama Alle dartii wixii aan ahayn, iyadana culimada ayaan u daynayaa ee bal dib ha loo baadho. Haseyeeshee waxa aan u banbaxayaa calankan madow iyo xagga uu ka soo jeedo.
Maadama oo islaamiyiinta lagu yaqaanno “asalraacnimo” iyo ku ad adkaanta dhaqangelinta shareecada islaamka, xaggee ayey calankan madow ka keeneen? Ma quraanka ayaa sheegay calan madow? Mise Nebi Maxamed (scw) ayaa qaadan jiray calan madow? Mise waa dhaqankii khulafadii Nebiga scw? Mise dawladihii islaamka ee hore ayaa calan madow lahaan jiray? Qof waliba waa in uu marka hore su´aalahaas is weydiiyo inta aanu bad gelin. Marka uu su´aalahaas jawaabtooda helo, markaas ha taageero ama ha ka soo horjeesto isaga oo aqoon cad ku dul sugan.
Anigu markii aan dabagal iyo baadhitaan ku sameeyey waxa aan ogaaday in uu Nebigeenii Muxammed (scw) lahaan jiray calan madow oo afar gees ah oo dhexda uu kaga qoranyahay tawxiidku. Si aad uga dheregto faahfaahinta warkaas, isweydii su´aalaha soo socda, aniguna aan jawaabta kuu raaciyo!
Nebigu Calan ma lahaan jiray?
Haa Nebigu (scw) wuu lahaan jiray calan. Dagaalkii Beder wuxu calanka u dhiibay Xamza Binu Cabdi-Muddalib. Sidoo kale waxa calanka Nebiga sidi jiray Sayid Cali. Calankii Ansaartana waxa Nebiga u sidi jiray Sacad Binu Cubaadah, intii aan lagu wareejin wiilkiisii Qays binu Sacad. Dagaalkii khaybar, markii la is mari waayey, ayuu Nebigu (scw) yidhi: “waxa aan berri calanka u dhiibi doonaa nin Ilaahay jecelyahay oo gacmihiisa lagu furto”. Markaa ninkii calanka loo dhiibay wuxu noqday Sayid Cali Binu Abii Daalib oo khaybar sidaas ku furtay. Dagaalkii “Mu´ta” ayuu Nebigu (scw) uga warramay asaxaabta. Wuxu yidhi: “calankii waxa qaaday Zayd binu Xaaritha ilaa laga dilay. Haddana waxa calankii qaaday Jacfar ilaa laga dilay haddana waxa qaaday Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa laga dilay”
Marka aad wararkaas oo dhan iyo qaar kaleba isu geyso, waxa kuu caddaanaya in uu Nebigu (scw) lahaan jiray calan iyo in ay calan qaadashadu ka mid ahayd dhaqankii asaxaabta.
Sidee ayuu u ekaa calankii Nebigu (scw)?
Haddaba sidee u ekaa Calankii Nebigu (scw)? Jawaabbta waxa bixiyey asaxaabtii Nebigeena ee khayrka badnaa. Waxa ku qoran kitaabada kala ah, Tarmadi, Abu Daa´uud, musnadka Axmed iyo Ibnu Maajah xadiis “XASAN” ah oo laga wariyey Baraa binu Caazib, wuxu yidhi: “Wuxu ahaa calankii Nebigu mid madow oo afar gees ah oo ka samaysan maro suuf ah”.
Sidoo kale waxa ku qoran kitaabka Mucjamu-saqiir ee uu Qoray Dabaraani, xadiis laga wariyey Jaabir binu Cabdillaahi oo uu yidhi: “calankii Nebigu wuxu ahaa mid madow”.
Maxaa ku qornaa calankii Nebi “Scw)?
Calanka Nebiga waxa ku qornaan jiray kelmadda tawxiidka oo isku dhan. Xaafid ibnu Xajar wuxu xusay in uu Ibnu Cabbaas yidhi: ”Waxa calanka Nebiga ku qornaa:
” لا إله إلا الله مُحمد رسول الله” Sidaas ayaa meelo kalena loogu xusay in calanka dagaalka ee Nebigu ahaa mid madow, calanka goobtuna ahaa mid cad, dhexdana ay kaga qornayd kelmadda tawxiidku.
Markaa waa calan madoow oo ay dhexda kaga qorantahay kelmadda tawxiidka oo caddaan ah. Ama calan cad oo ay dhexda kaga qorantahay kelmadda tawxiidka oo madow ah.
Maxaa la gudboon dadka muslimiinta ah xagga calan samaysiga?
Waxa la gudboon dadka muslimiinta ah in ay ku daydaan sunnihii iyo dhaqankii nabigooda intii karaankood ah. Waxa uu ku qoray sheekh Shaybaani kitaabkiisa ”Siyaru-alkabiir” hadalkan: ” Waxa habboon in calamada goobta ee muslmiintu ay noqdaan kuwo caddaan ah, halka calamada dagaalku ay ahaanayaan kuwo madmadow, sidaas ayaa la soo wariyey”.
Wax bushaarooyin ah ma laga sheegay qaadashada calanka madow?
Haa, waxa sugnaaday in Mahdiga khayrka badan ee la sugayo ee soo bixi doona qiyaamaha hortii, uu sidan doono calan madow. Waxa uu ka iman doonaa dhinaca bari ee caalamka islaamka, waxaanu geli doonaa baytul-maqdis. Waxa la socon doona dad calamo madmadow sita. Wuxu Nebigu (scw) dadka ku adkeeyey in bayco lala galo Mahdigaas xiitaa gurguurasho ha loogu tagee. Xadiis sidaas tilmaamaya waxa soo saaray ibnu Maajah, waxaana Nebiga ka soo weriyey asaxaabigii la odhan jiray Thawbaan. Waa xadiis saxeex ah oo culimadii hore iyo kuwa dambeba isku raaceen, xiitaa Albaani.
Waxa uu yidhi Ibnu Kathiir isaga oo ka hadlaya Mahdiga iyo calanka madow: ”Wuxu Alle ku xoojinayaa dad reer bari ah, kuwaas oo u hiilin doona, oo boqortooyadiisa dhisi doona oo adkayn doona tiirarkiisa. Calamadoodu waxa ay ahaanayaan qaar madmadow waana astaanta haybadda maxaa yeelay calankii Nebiga (SCW) ayaa madoobaa oo waxa la odhan jiray Cuqaab”.
Ma la dagaalannaa calanka madow mise waynu doorannnaa?
Marka hore waa in aynu hubsanno sunnaha Nebiga (scw). Haddii ay inoo caddaato in uu calanka madowi ahaan jiray sunnihii iyo dhaqankii Nebiga (scw), markaa waxa waajib ah:
1. In aynu is dhiibno oo aynaan la daggaallamin
2. In aynu jeclaanno oo aynaan nicin
3. In aynu qaadanno oo aynaan diidin
Ujeeddo waa haddii muslin la yahay. Nebigu wuxu yidhi (scw): “ فمن رغب عن سنتي فليس مني“ oo macneheedu yahay: ”Qofkii sunnahayga nacaa iga mid ma aha”. Allaah-na waxa uu yidhi:
“لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا “ oo macneheedu yahay: “waxa idiinku sugan Nebi Muxammed (scw) ku dayasho wanaagsan, waa qofkii rajo ka qaba Alle iyo maalinta aakhiro ee si aad ah u xusa Eebe”
Gunaanad:
Calankii Nebi Muxammed (scw) wuxu ahaa calan madow oo tawxiidku ku qoranyahay.
 Kooxdii ama dawladdii calankeeda ka dhigata sida kii Nebiga oo kale iyaga oo uga jeeda ku dayashada Nebiga (scw) iyo jacaylkiisa, waxa ay sameeyeen sunne khayr ah oo xasanaadleh.
 Kooxdii ama dawladdii la dagaallanta dhaqan sugnaaday oo rasuulku (scw) lahaa , iyaga oo ogsoon balse ka san-taagaya oo necbaanaya, kuwaas xaalkoodu waa “Alle ha u sahlo”
 Kooxdii ama dawladdii calan ka dhigata mid aan ahayn kii Nebiga (scw), iyaga oo aan la dagaallansanayn dhaqankii Nebiga (scw), kuma dambaabayaan calankoodaas.
Qore: Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)
abdibashir@hotmail.com
2009-08-02

pppppp