Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


C/raxmaan Cumar Cosoble "Hargabka A/H1N1 waxaa lagu gartaa Qufac, dhuun xannuun, daal..." (Waraysi gaar ah)
Qeybta caafimaadka ee shabakadda wararka www.somaanta.com waxa ay qormadaan idinkugu soo gudbineysaa waraysi ku saabsan cudurada faafa oo inta badan la is qaadsiiyo xilliga qaboobaha ah ee iminka billaabanaya iyo weliba faahfaahin ku saabsan cudurka dunida ku cusub ee loo yaqaan HERGAB-DOOFAAREEDKA A(H1N1).
Arrimahaas dhammaan waxaanu ka waraysannay oo inoo sharraxaya Cabdiraxmaan Cumar Cosoble oo ah Kalkaaliye guud ee Caafimaad (nurse practitioner) kana qalinjebiyey Jaamacadda Linköping ee dalkan Sweden sanadkii 2001, lehna takhasus ah dhanka cudurada ku dhaca Wadnaha (Kardiology diseases), iyadoo Cabdiraxmaan aanu kula kulanay gobolka Östergötland ee dalka Sweden.
Cabdiraxman waa masuul ka tirsan xarunta daaweynta qaxootiga ee gobolka Östergötland oo marka la soo gaabiyo magaceeda la yiraahdo (FMC), waraysigiina waxa uu u dhacay sidatan:
- Somaanta.com: Cabdiraxmaan marka hore ku soo dhowow shabakadda somaanta.com
- Cabdiraxmaan: Waa mahadsantihiin dhamaan bahda somaanta.com, waa dhawahay
- Suáal: Warbixin guud ma naga siin kartaa waxa ay qabato xarunta FMC ee aad ka howl gasho?
- Cabdiraxmaan: FMC, waxay u taagantahay (Refugee health center) waxayna ka koobantahay 2 qaybood:
Qayb qaabilsan xagga cudurada ku dhaca maskaxda/dhimirka (psykiatrisk), waana xarun lagu daweeyo dadka qaba PTSD, posttraumatisk stress syndrom oo ah xannuun maskaxiyan ah oo la soo gudboonaada badanaa dadka qaxootiga ah ee soo mara marxaladaha ad-adag ee nolosha halis gelin kara sida QAXA, BARAKACA, JIRDILKA, XABSIGA, KUFSIGA, TAHRIIBKA iwm. Shaqaalaha FMC waxay ka koobanyihiin takhaatiir psykiatriks ah, (psykologikistayaal) iyo weliba dad ku takhasusay cilmiga bulshada (socionom) oo weliba si gaar ah loogu tababaray in ay si maskaxiyan ah (kognitiv psykoterapi) u daweeyaan dadka traumahu ku dhacay.
Qaybta labaad waa xiriiriyeyaal caafimaad (Healthcare counsellors) oo ah tan anigu laftigaygu aan ka ahay Koordinator ama iskudubaride waxaana nahay 5 qofood oo asal qaxooti leh. Qaybteydu waxay qaabilsan tahay xagga wacyigelinta caafimaadka guud iyo weliba ka hortagga cudurada. Shaqaalaha Hälsokommunikatörerna waa shaqaale caafimaad sidayda oo kale, islamarkaana ah dad ku hadla luuqadaha ugu badan ee qaxootiga deggan gobalkaan Östergötland, taasoo ulajeedadeedu tahay in wacyigelintu ku baxdo qaxootiga ama soo galootiga afafkooda hooyo.
- Suáal: Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Östergötland ee dalka Sweden ma la kulantaan?
- Cabdiraxmaan: Haa, Soomaalida aniga ayaa qaabilsan waxaana kula kulmaa badanaa iskuulaadkooda, ama rugaha caafimaad iyo meel kasta oo dowli ah oo ay yimaadaan oo loo baahdo.
- Suáal: Qaab sidee ah ayey idiinla soo xiriiraan qaxootiga cusub ee u baahan inay helaan warbixin ku saabsan cudurada faafa iyo ka hortaggooda?
- Cabdiraxmaan: Qofkii u baahan inuu nala soo xiriiro wuxuu noo soo mari karaa rugta caafimaad ee xaafaddiisa, gacanyarahiisa qaxootiga ama macalinkiisa iskuulka. Tiradeena oo yar iyo baahida HK loo qabo oo badan awgeed ayaan ilaa iyo hadda u gaari weynay meelo badan oo muhiim ah sida jaaliyadaha, ururada tabaruca ah iyo dadka qaaska ahba. Laakiin mustaqbalka ayaan rajayneynaa markaan xoogaa balaarano in aan meelkasta iyo cid kasta ugu tagno meesheeda Insha Allah.
- Suáal: Wax ma inooga sheegi kaartaa cudurada ugu badan ee la is qaadsiiyo xilliga qaboobaha ee iminka billaabanaya?
- Cabdiraxmaan: Cudurada la is qaadsiiyo xilliyada qaboobaha iyo marka hawadu is-beddeleyso waxaa ugu badan kuwa Virusku sababo sida: hargabka caadiga ah, influensaha iyo shubanka iyo matagga badanaa qaboobaha yimaada iswiidishkuna u yaqaanaan ”vinterkräksjuka” uuna sababo viruska la yiraahdo Calicivirus (Caliciviridae).
- Suáal: Dunida waxaa welwel badan ku haya Hergabka H1N1, khatar intee la eg ayuu u leeyahay dadka?
- Cabdiraxmaan: A(H1N1) Cudur ahaan khatartiisu ma ka badna influensaha caadiga ah ee sanadkasta yimaada, laakiin cabsida ugu weyn ayaa waxay tahay haddii ilaa 40% oo bulshada Iswiidhiska ah ay hal mar wada jirradaan maxaa shaqeen kara??, maaddaama cudurku ku wada cusub yahay biniaadamka.
Marka cabsida ugu weyn waa middaas oo ah chaos iyo system collapse armuu dhacaa xaga adeega bulshada ah. Dad waxaa jira mar kasta u nugul influensaha noocuu rabo ha ahaadee. Kuwaas oo ah: dadka qaba cudurada kronica ah ama aan dawada laheyn, dadka difaacoodu liito/hooseeyo, dumarka uurka leh iyo weliba carruurta qaba dhammaan cudurada aan kor ku soo xusnnay.
Dadka waayeelka ah (over 65 yrs) ayaa iyaguna ah dad fiiro gaar ah loo yeesho sanad kasta, laakiin sanadkaan markii la baaray A (H1N1) iyo dadka wax ku noqday, waayeelka ayaa ugu yaraa (waxaa loo malaynaa inay leeyihiin immunitet), saas daraadeed ayaa riskgruppka (risk category) looga saaray sanadkaan oo dadkooda kale ay la mid noqdeen.
- Suáal: Calaamadaha lagu garto Hergabka A H1N1 maxaa ka mid ah?
- Cabdiraxmaan: Calaamadaha lagu garto caadiyan A (H1N1) waxaa ka mid ah: qandho ku soo boodda qofka, madax-xannuun badan, qufac iyo cunaha oo qofka xannuuna, murqa-xannuun iyo daal fara badan oo qofku dareemo.
- Suáal: Sidee dadka Soomaaliyeed uga hor tegi karaan Hergabkaas iyo cudurada kale ee faafa?
- Cabdiraxmaan: Nooc kasta oo influensa ah iyo weliba A (H1N1) waxaa looga hor tagi karaa ama lagu xadayn karaa nadaafadda oo kor loo qaado, sida gacmaha oo markasta la dhaqo marka meelaha dadka u dhexeeya la yimaado, xagasha gacanta oo lagu qunfaco/hindhiso si cudurku uusan u sii faafin iyo in uu qofku nasto haddii uu xannuunsan yahay si uu jirku iskaga difaaco viruska soo weeraray. Waxaa kaloo habboon in aan la booqan qofkii xannuunsan ee la ogyahay (telefoon ku booqo qofka toddobaadka hore), Dhunkashada dhabannada ee dadka asxaabta ah haba u badnaadaane gabdhaha oo la xadeeyo/yareeyo waqtiga viruska kacsanyahay iyo wixii kale oo dadaal ah oo dhan oo xagga nadaafadda ah.
Waxaa kale oo qorshuhu yahay gobolkaan in dadka ku nool halkaan oo dhan ay helaan tallaal lacag laáan ah (free) kaasoo bilaaban doona dhamaadka bisha september ee sanadkan. Tallaalku waa qaabka ugu muhiimsan ee cudur looga hortago, sidaas daraadeed waxaa habboon in qofkasta uu is tallaalo isagoo xor ah oo ay cidna ku qasbin (Tallaalku qasab ma ahan waddankaan Sweden). Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan tallaalka iyo rugaha laga heli karaayo waxaa lagala socon karayaa warfaafinta gobolka sida (radio/TV-yada) toddobaadyada soo socda.
- Suáal: Maxaa talo caafimaad ah oo aad u soo jeedin lahayd akhristayaasha boggaan?
- Cabdiraxmaan: Akhristayaasha boggaan waxaan si guud ahaaneed ugala dardaarmi lahaa in ay xoojiyaan tayadooda difaaca jirka iyadoo loo maraayo in qofku helo cunto nafaqo wanaagsan leh oo isu dheeli tiran, in qofku helo hurdo ku filan (6-9 saac habeen kasta), iyo in lala yimaado dhaqdhaqaaq maalin kasta ah (ugu yaraan 30 daqiiqo oo la socdo/lugeeyo). Waxaa kaloo iyadana aan ka dardaarmi lahaa in ay wanaagsan tahay in la isku dayo in lagu noolaado nolol deggan oo qofkasta naftiisa farax gelin karta iyo cibaado suubban oo Alle raali ka yahay. Wabilaahi towfiiq.
waraysigan wuxuu u gaar yahay www.somaanta.com, iyadoo qofkii u baahan faahfaahin dheeraad ah ee cudurada aan ka soo sheekeynay uu toos u weydiin karo email ahaan Cabdiraxmaan oo aqoon durugsan u leh cuduradaas, emailkiisuna yahay: abdi.omar.osoble@lio.se

 

pppppp