Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Sida ay la wada socdaan bahweynta cayaaraha Soomaaliyeed waxaa bishii maarso ee sanadka lagu qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti doorashadii guud ee Guddiga Olmbikada Qaranka Soomaaliyeed oo afartii sanoba mar la qabto, iyadoo sanadkan ay ku cusbayd doorashada in lagu casuumay goobjoog ahaan xubno ka kala socday Jaaliyadaha isboortiga Soomaaliyeed ee dalalka dibedda ku nool, haba ugu badnaadeen kuwa ku jira ururka EUROSOM,
iyadoo tan iyo markii la soo gebogebeeyey doorashadaasi ay soo baxayeen warar kala duwan oo isugu jira kuwo xambaarsan taageero loo hayo natiijadii ka soo baxday doorashadaasi iyo kuwo xambaarsan dhaliilo aad u culus oo ay ka mid tahay ciyaaro la sheegay in dhowaan lagu qaban doono magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland, madaxdii sare ee GOS ee shirka lagu doortey oo dalka ka maqan iyo in GOS loo jiitey dhanka EUROSOM.
Haddaba si aan xog rasmi ah uga helno arrimahaasi isla markaana ugu soo bandhigno bahweynta ciyaaraaha Soomaaliyeed, waxaannu maanta waraysi kula yeelanay dalka Talyaaniga Guddoomiyaha Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed, Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo lugtii ugu dambeysay ee socdaal uu kumarayey dalalka Yurub halkaasi ku jooga, waraysigaas oo u dhacay sidatan:
Somaanta: Guddoomiye marka hore ku soo dhowow shabakadda wararka www.somaanta.com
Wiish: Waan dhowahay, waadna ku mahadsan tihiin qeybta aad ka qaadataan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed.
Suáal: Kaddib markii laguu doortey xilka Guddoomiyaha GOS waxaad durbadiiba guda gashay safarro dibedda ah oo aad ku tagtay dalal ka mid ah Africa iyo Yurub oo aad hadda joogto, wax ma inooga sheegi kartaa ujeeddada safarradaas?
Wiish: CASUMAAD AAN KA HELNAY GUDDOOMIYAHA OLYMBIKADA
ADDUUNKA AYAAN KU TAGNAY XARUNTA I.O.C SI LOOGA WADA
HADLO SIDII LOO SII XOOJIN LAHAA WADA SHAQEYNTA I.O.C
IYO G.O.S. WUXUUNA KU SOO DHAMMAADAY SAFARKAASI GUUL.
CASUMAADDAAS KADDIB, WAXAAN SAFAR KU SOO KALA BIXINNAY
DALALKA TALYANIGA, DENMARK, SWEDEN IYO FINLAND SI AAN XOG
RASMI AH UGA SOO SIINO XAALADAHA ISBOORTI EE KA SOCDAY
MUDDADII 20 SANO EE DALKU KU JIRAY MARXALADO ADAG TAASOO
HOREY LOOGU GO'AAMIYAY DOORASHADI G.O.S. EE JABUTI,IN LA
TAGO DALALKAAS,WAANA MARKII UGU HORREYSAY GUDDOONKA SARE
EE G.O.S. UU SAFAR NUUCAAS AH KU TAGO YURUB, WUXUUNA KU SOO
DHAMAADAY SI HEER SARE AH
SIDOO KALE WAXAAN DENMARK UGA QEYBGALNAY CONGRESS-KII 121-AAD OLYMBIKADA ADDUUNKA OO LAGU QABTAY
COBEHAGEN 3-5/10/2009.
Suaal: Doorashadii Jabuuti kaddib maxaa iska beddelay howlaha GOS, sida xiriirka gobollada dalka & kan caalamiga ahba?
Wiish: DOORASHADII G.O.S. EE JABUUTI KADDIB WAXAA U QABSOOMAY HAWLO BADAN SIDA AAN KOR KU SOO SHEEGAY, WAX WEYN AYAANA ISKA BADALAY HOWSHA G.O.S. HADDII AY AHAAN LAHAYD DHANKA GOBOLLADA & XIRIIRKA CAALAMIGA AHBA.
Suáal: Waxaa jira warar soo noq-noqday oo sheegaya in GOS ay isbahaysi gaar ah la gashay urur ka mid ah Jaaliyadaha isboortiga Soomaalida ee qurbaha ka dhisan isla markaana jagooyin aad u badan laga siiyey maamulka GOS, arrintaas maxaa ka jira?
Wiish: G.O.S. ISBAHAYSI WAXAY LA TAHAY DHAMMAAN BAHDA ISBOORTIGA MEEL KASTA AY KA JOOGAAN DUNIDA WAXAANA KA DHEXEEYA WADA SHAQEYN ISBOORTI, JAGOOYINKA G.O.S-na. JEEBABKA ISAGAMA JIRAAN.
Suáal: Dagaalada aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho saameyn intee la eg ayey ku yeesheen GOS & dhaqdhaqaaqyadii isboortiga?
Wiish: DABCAN, WAXAAN KA MID NAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED EE KU NOOL SOOMALIYA SAAMEYNA WAXAAN LA QEYBSANAA SOOMAALIDA INTEEDA KALE.
Suáal: Muddo dheer ayuu qaatay safarkaaga dibedda, goorma ayaad filaysaa inaad dalkii ku laabato?
Wiish: HAWL ISBOORTI AYAAN U SOO BAXAY MARKA AY II DHAMMAATANA WAAN KU LAABANAYAA DALKEYGA HADDII ALLE IDMO.
Suáal: Cayaraaha la sheegay in GOS iyo XSKC ay ku qabanayaan Garoowe faahfaahin ma naga siin kartaa?
Wiish: DADKA WAXAA ISAGA QALDAN MAGACA LOOGU YEERO CIYAARAHA GOBOLLADA, CIYAARAHA GOBOLLADA WAA MARKA AY KA WADA QEYB GALAYAAN XIRIIRADA OO DHAN, MARKA LA LEEYAHAY OLYMBICISMANA WAA WIXII KA BADAN 2 XIRIIR, CIYAARAHA GARAWE LAGU QABANAYO WAA CIYAARAHA GOBOLLADA EE KUBBADDA CAGTA XIRIIRKUNA WAA U MADAX BANNAAN YAHAAY IN UU HAWSHIISA QABSADO ISAGOO LA SOCODSIINAYO HAY'ADAHA KA SARREEYA.
Suáal: Ma jirtaa xog dheeraad ah oo aad is leedahay gaarsii akhristayaasha waraysigaan?
Wiish: AKHRISTAYASHA, WAREYSIGAN WAXAAN U RAJEYNAYAA IN AY XOGTA HORUMARINEED EE KA JIRA ISBOORTIGA SOOMAALIYEED AAY SIDAA ULA SOCDAAN. MAHADSANIDIIN.
Dhammaad
Waxaa Waraystay: Tifaftiraha Guud ee somaanta.com

pppppp