Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Kutubka Buluuqul Maraam
Xajka:

Suáal 214-aad: Ma jiraa jihaad waajib ku ah haweenka? muxuuse yahay?
Jawaab 214-aad: Haa, jihaadkoodu waa xajka & cumrada (Daliil: Xaddiiska 580-aad cutubka Xajka & Cadaynta fadligiisa)

Suáal 215-aad: Cumradu ma waajib baa?
Jawaab 215-aad: Culumadu way isku khilaafeen, laakiin sida sugan waa waajib. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, Xaddiiska 581-aad cutubka Xajka & Cadeyntta fadligiisa).

Suáal 216-aad: Xaj ma ka ansaxayaa ilmo yar? Markuu waynaadase ilmahaasi xaj malagu leeyahay?
Jawaab 216-aad: Haa, laakiin markuu weynaado waa lagu leeyahay xajka. (Daliil: Xaddiiska 586-aad cutubka Xajka & Cadaynta fadligiisa).

Suáal 217-aad: Maxaa laga faaíidaysanayaa xaddiiska ku saabsan gabadha waydiisay Rasuulka S.C.W. inay aabbaheed ka xajiyi karto?
Jawaab 217-aad: In niqaabku (Indho-shareer) yahay sunno & rag & dumarba inay iska kala xajiyi karaan. (Daliil: Sharraxaadda shariifka, xaddiiska 584-aad cutubka Xajka & cadaynta fadligiisa).

Suáal 218-aad: Ma laga xajin karaa qof da´wayn oo aan gaadiidka ku sugnaan karin?
Jawaab 218-aad: Haa. (Daliil: Xaddiiska 584-aad cutubka Xajka & cadaynta fadligiisa).

Suáal 219-aad: Haweenku ma soo xajin karaan maxram laáan?
Jawaab 219-aad: Maya, waa inuu maxramkeedu la socdo. (Daliil: Xaddiiska 587-aad cutubka Xajka & cadaynta fadligiisa).

Suáal 220-aad: Yaa loogu talo galay mawaaqiidda (meelaha xajka laga soo xidho)?

Jawaab 220-aad: Qofkii meelahaas ka soo safra iyo qofkii soo mara. (Daill: Xaddiiska 590-aad cutubka Mawaaqiidda (xaj xirasho).

Suáal 221-aad: Imisa qaab ayaa loo ixraaman (xaj xirasho) karaa?
Jawaab 221-aad: Saddex qaab oo kaa ah: isku dar xaj & cumro, xaj keliya xirasho, cumro xirasho kadibna xaj xirasho. Daliil Xaddiiska 592-aad cutubka siyaabaha & noocyada ixraamka).

Suáal 222-aad: Cadar ama baraafuun ma marsan karaa qof muxrim ah (xaj u xiran yahay)?
Jawaab 222-aad: Maya. (Daliil: Xaddiiska 597-aad cutubka ixraamashada I waxyaalaha la xidhiidha).

Suáal 223-aad: Madaxa wax ma saaran karaa ninka xaajiga ah?
Jawaab 223-aad: Maya, waa mamnuuc. (Daliil: Xaddiiska 596aad cutubka Ixraamashada & waxyaalaha la xadhiidha).

Suáal 224-aad: Qofkii cudur uga dhaco timaha isagoo xaj gudanaya, muxuu samaynayaa?
Jawaab 224-aad: Timuhuu iska xiirayaa wuxuuna kala dooran inuu qalo neef ari ah, soon saddex maalmood ama lixdan miskiin quudintood midkiina uu siiyo suus badhkii. (Daliil: Xaddiiska 603-aad cutubka Ixraamashada & waxyaalaha la xidhiidha).

Suáal 225-aad: Ma sameyn karaa nikaax ama shukaansi qof muxrim ah?
Jawaab 225-aad: Maya waa mamnuuc. (Daliil: Xaddiiska 598-aad cutubka Ixraamashada & waxyaalaha la xidhiidha).

Suáal 226-aad: Jiirku ma ka mid yahay xayawaanka meel walba lagu dili karo, xataa wakhtiga xajka?
Jawaab 226-aad: Haa. Daliil: Xaddiiska 601-aad cutubka Ixraamashada & waxyaalaha la xidhiidha).

Suáal 227-aad: Qofkee ku waajibayaa qubeys marka uu xiranayo xaj?
Jawaab 227-aad: Haweeney dhiig (xeyd) qabta ama umushay oo dhiig ka socdo. (Daliil: Xaddiiska 607-aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

Suáal 228-aad: Maxaa la oran marka la tuuranayo 7-da dhagax ee Jamaraadka?
Jawaab 228-aad: Allahu Akbar. (Daliil: Xaddiiska 629-aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

Suáal 229-aad: Imisa jeer ayaa kacbada lagu dawaafayaa? sideese loo sameynayaa?
Jawaab 229-aad: 7 Jeer. 3 jeer waa la rucleyn (orod-yar), 4 jeerna waa la socon. (Daliil: Xaddiiska 613-aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

Suáal 230-aad: Maxay ku kala duwan yihiin dhunkashada ama taabashada Xajarul-aswadka (dhagaxa madow ee Kacbada) & Ruknul-yamaaniga?
Jawaab 230-aad: Xajarul-aswadka waa la dhunkadaa, Ruknul-yamaanigana waa la taabtaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 615-aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

 Suáal 231-aad: Maxaa loo dhunkadaa Xajarul-aswadka?
Jawaab 231-aad: Waa sunno Nabiga (s.c.w.) looga dayanayo keliya, wax uu tari karana ma jiraan. (Daliil: Xaddiiska 616-aad cutubka Tilmaamaha Xajka & gelidda Makka).

Suáal 232-aad: Gacanta ma lagu ishaari (tilmaami) karaa Xajarul-aswadka (dhagaxa madow ee Kacbada) salaan ahaan? mase la dhunkan karaa gacantaas?
Jawaab 232-aad: Haa, laakiin lama dhunkan karo gacanta. (Daliil: Sharaxaadda Shariifka, xaddiiska 616-aad cutubka Tilmaamaha Xajka & gelidda Makka).

Suáal 233-aad: Gacanta ma lagu ishaari karaa Ruknul-yamaaniga salaan ahaan ? mase la dhunkan karaa gacanta?
Jawaab 233-aad: Maya, lamana dhunkan karo gacanta. (Daliil: Sharaxaadda Shariifka, xaddiiska 616-aad cutubka tilmaamaha Xajka & gelidda Makka).

Suáal 234-aad: Xajkiisa waa sidee qofkii aanan soo xaadirin Carafo?
Jawaab 234-aad: Xajkiisa waxba kama jiraan, qofkaas xaj ma leh. (Daliil: Xaddiiska 624-aad cutubka tilmaamaha Xajka & gelidda Makka).

Suáal 235-aad: Midkee fiican timaha in la xiiro ama la gaabiyo maalinta Yawmu-Naxr (maalinta 10-aad ee xajka) ee Xajka?
Jawaab 235-aad: In la xiiro. (Daliil: Xaddiiska 630-aad cutubka tilmaamaha Xajka & gelidda Makka).

Suáal 236-aad: Sidee loo kala hormarinayaa acmaasha la qabto maalinta 10-aad ee xajka?
Jawaab 236-aad: Kii la doono ayaa la hormarin karaa, wax dhib ahna
ma leh. (Daliil: Xaddiiska 631aadbcutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

Suáal 237-aad: Goorma ayey xalaal u noqonaysaa ninka xaajiga ah xaaskiisa?
Jawaab 237-aad: Markuu acmaasha xajka oo dhan uu la yimaado maalinta Yawmu-naxr (maalinta 10-aad ee xajka "ciidul adxaa"). (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 633aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

Suáal 238-aad: Yaa laga cafiyey dawaaful-widaaca (sagootinta) wakhtiga xajka?
Jawaab 238-aad: Haweenka dhiiggu (xaydku) ku yimaado. (Daliil: Xaddiiska 643aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).

Suál 239-aad: Imisa salaadood ayey ka ajar badan tahay salaadda lagu tukado Masjidul-Xaraamka, salaadaha masaajidda kale lagu tukado?
Jawaab 239-aad: 100,000 (Boqol kun oo salaadood). (Daliil: Xaddiiska 644aad cutubka Tilmaamaha & gelidda Makka).

Suáal 240-aad: Muxuu sameyn qofkii jaba ama murgacasho ku dhacdo isagoo xajinaya?
Jawaab 240-aad: Wuu xalaaloobayaa, sanadka dambana waa inuu soo xajiyaa. (Daliil: Xaddiiska 647aad cutubka Tilmaamaha xajka & gelidda Makka).
La soco qeybaha kale ee Kutubka oo ay isku dubbaridey Heyádda KAFAALO.

pppppp