Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Ganacsiga & Islaamka:
Suáal 241-aad: Maxaa lagu kala saarayaa haddii laba qof isku khilaafaan qiimaha wax ay kala iibsadeen markhaatina aysan haysan?
Jawaab 241-aad: Qofka wax iibinaya ayaa dhaaranaya, isaga ayaana hadalkiisa la qaadan ama way kala noqonayaan. (Daliil: Xaddiiska 650-aad qaybta ganacsiga).

Suáal 242-aad: Waa midkee Eyga la iska reebay lacagtiisa?
Jawaab 242-aad: Waa Eyga guriyaha lagu haysto oo aan faaaíido loo haysan. (Daliil: sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 651-aad qaybta ganacsiga).

Suáal 243-aad: Maxaa lagu sameyn wax fadhiya ama adag oo is-haysta sida Subag ama Malab haddii uu Jiir ku dhex dhaco ama ku dhinto?
Jawaab 243-aad: Waxaa la iska tuurayaa Jiirka iyo waxa hareerihiisa ah, inta kalana waa la cuni karaa. Daliil: Xaddiiska 694-aad qaybta ganacsiga).

Suáal 244-aad: Biyaha noocee la isku waafaqsan yahay inay mamnuuc yihiin in la iibsho?
Jawaab 244-aad: Biyaha caamka ah ee qofna uusan laheyn ama meel uu leeyahay ku dhex oollin. (Daliil: Sharraxaadda shariifka, xaddiiska 660-aad qaybta ganacsiga).

Suáal 245-aad: Qofka ma iibin karaa Kalluunka badda ku jira ama wax uusan hayn?
Jawaab 245-aad: Maya, waa mamnuuc. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 667-aad qaybta ganacsiga).

Suáal 246-aad: Ma bannaan tahay in badeecadda lagu sii iibiyo isla meeshii laga iibsaday?
Jawaab 246-aad: Maya, waa xaaraam. (Daliil: Xaddiiska 669-aad qaybta ganacsiga).

Suáal 247-aad: Hal shey ma lagu iibin karaa 2 qiime oo kala duwan? Sida qofka in la yiraahdo haddaad deyn ku bixinayso waa 500 doolar, haddii aad hadda bixinaysana waa 300 doolar?
Jawaab 247-aad: Maya, waa xaaraam. (Daliil: Xaddiiska 666-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 248-aad: Ma bannaan tahay in shey la kala iibsanayo shardi lagu looga dhigo in deyn lagu kala helo? Sida qofku inuu yiraahdo sheygaan intaas ayaan kaaga iibin, haddii aad intaas i deyminayso?
Jawaab 248-aad: Maya. (Daliil: Xaddiiska 667-aad, cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 249-aad Haweenay ma u bannaan tahay inay shardi uga dhigto nin ay wada sheekeystaan oo xaas leh inuu soo furo xaaskiisii hore?
Jawaab 249-aad: Maya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 657-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 250-aad: Ma bannaan yahay in dowladdu goyso sicirka (qiimaha alaabta)?
Jawaab 250-aad: Way goyn kartaa haddii ay ganacsatadu dulminayaan dadweynaha, laakiin caadi ahaan ma bannaana. (Daliil: Xaddiiska 679-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).
Suáal 251-aad: Ma bannaan tahay ixtikaarka (in ganacsatadu iibsadana alaabta marka ay raqiis tahay, marka suuqa ka dhammaato oo ay qaali noqotana ay qaali ku iibiyaan)?
Jawaab 251-aad: Ma bannaana. (Daliil: Xaddiiska 680-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 252-aad: Muxuu sameynayaa qofkii iibsada neef la gaaxiyay (Caanaha aan dhawr maalmood laga lisin)?
Jawaab 252-aad: Wuxuu kala dooran inuu iska haysto neefka & inuu iska celiyo neefkii & suus timir ah ama raashinka ku badan waddankaas. (Daliil: Xaddiiska 681-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 253-aad: Maxay ku samaynaysaa dowladdu qofka ku khiyaameeya dadka beec ama alaab dhacday ka iibiya?
Jawaab 253-aad: Waxaa lagu ciqaabayaa siday dowladdu u aragto munaasab. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 683-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 254-aad: Ma bannaan tahay inaad ka iibiso shay qof aad ogtahay inuu ku fulinayo wax dembi ah (sida canab khamri laga sameynayo ama qori loo iibinayo qabqable qabiileed)?
Jawaab 254-aad: Maya, dembigana waad kula jirtaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 684-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 255-aad: Qofkii alaab iibsada kaddibna ceeb ku arka, ma magdhabayaa muddadii uu alaabtaas ka faaíiday, haddii iibkii uu ka noqdo?
Jawaab 255-aad: Maya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 685-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 256-aad: Ma bannaan tahay qof wax iibiyay inuu meesha ka tago si uu qofka wax iibsaday fursad ugu heli waayo inuu beecii ka noqdo?
Jawaab 256-aad: Maya, waana xeeladaysi. (Daliil: Xaddiiska 693-aad cutubka shuruudaha ganacsiga).

Suáal 257-aad: Ma laga noqon karaa xisaabiye iwm bankiyada ribada ku shaqaysta qeybtooda ribada ka shaqeeya?
Jawaab 257-aad: Maya, ma bannaana wuuna lacnaday Rasuulka S.C.W. (Daliil: Xaddiiska 695-aad cutubka Ribada).

Suáal 258-aad: Ma looga shaqeyn karaa wax aan ribo aheyn qof riba qaate ah ama riba ku noole ah?
Jawaab 258-aad: Haa. (Daliil: SHarraxaadda Shariifka, xaddiiska 695-aad cutubka Ribada).

Suáal 259-aad: Dahab cusub ma lagu iibsan karaa Dahab duug ah? Maxaase shardi u ah in dahab lagu iibsho dahab?
Jawaab 29-aad: Haa, shardi waa inay isku miisaan yihiin & in meesha lagu kala iibsanayo lagu kala qaato. (Daliil: Xaddiiska 697-aad, 698, & 699aad cutubka Ribada).

Suáal 260-aad: 5kg oo Timir fiican ah ma lagu iibin karaa 6kg oo Timir laga fiican yahay ah? Maxaase shardi u ah marka la isku iibinayo cunto isku mid ah?
Jawaab 260-aad: Maya waa Ribo, waxaana shardi u ah inay isku miisaan yihiin meeshana lagu kala qaato. (Daliil: Xaddiiska 702-aad cutubka Ribada).

Suáal 261-aad: 30Kg oo bariis ah ma lagu iibin karaa 10kg oo bur ah? Maxaase shardi u ah marka la isku iibinayo cunto kala duwan?
Jawaab 261-aad: Haa, waxaana shardi u ah in meesha lagu kala qaato kaliya. (Daliil: Xaddiiska 698-aad cutubka Ribada).

Suáal 262-aad: Maxaa sabab u ah dhibaatooyinka iyo duliga heysta muslimiinta maanta?
Jawaab 262-aad: Mucaamalo xumo, adduunyo jaceyl iyo jihaadka oo laga tegay. (Daliil: Xaddiiska 705-aad cutubka Ribada).

Suáal 263-aad: Qof haddaad hawl ixsaan ugu sameyso Ilaahay dartiis, oo uu hawshaas awgeed hadyad ama wax ku siiyo ma ka qaadan kartaa?
Jawaab 263-aad: Maya waa ribo. (Daliil: Xaddiiska 706-aad cutubka Ribada).

Suáal 264-aad: Midhaha (Miraha) ma la iibin karaa iyaga oo aan bislaan?
Jawaab 264-aad: Maya, iibiye iyo laga iibiye waa ka mamnuuc. (Daliil: Xaddiiska 714-aad cutubka Iibinta Midhaha).

Suáal 265-aad: Yaa iska leh Midhaha ka soo bixi doona geed la bacrimiyay kaddibna la iibiyay iyo geed la iibiyay ka hor inta aan la bacrimin?
Jawaab 265-aad: Bacrim ka hor waxaa leh Midhaha qofka iibsaday, bacrimin kaddibna qofka iska iibiyay in shardi la kala galo mooyee. (Daliil: Xaddiiska 718-aad cutubka Iibinta Midhaha).
Suáal 284-aad: Ma hagaajisan karaa amam darbi ma ku wareejisan karaa qofku dhul aan looga horayn/qofna laheyn? Yaase dhulkaas lahaanaya?
Jawaab 284-aad: Haa, qofkaas ayaana leh: (Daliil: Xaddiiska 780-aad cutubka xoog wax ku qaadasho).

Suáal 285-aad: Maxaa lagu sameyn qofka hadduu leeyahay warshad uu lacag badan ka helo, laakiin qiiqa ama qaylada warshaddaas ka soo baxa ay dhibayaan dadka xaafaddaas daggan?
Jawaab 285-aad: Waa laga joojin qofka wixii isaga faaiido u leh, laakiin dadka kale dhib u gaysanaya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 779-aad cutubka ijaarka).

Suáal 286-aad: Wax malaga dhisan karaa meelaha dadka ka dhexeeya sida jidadka, beeraha lagu nasto iwm?
Jawaab 286-aad: Maya marnaba, waana laga dumin qofkii sameeya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 780-aad cutubka nooleynta dhulka).

Suáal 287-aad: Waalidku hadiyad ama wax kale ma siin karaa carruurtiisa qaar ka mid ah, isagoo aan siin qaarka kale?
Jawaab 287-aad: Maya. (Daliil: Xaddiiska 788-aad cutubka hibada).

Suáal 288-aad: Qofku ma ka noqon karaa wax uu Allah dartiis u bixiyey ama uu u hibeeyay?
Jawaab 288-aad: Maya, laakiin waxa laga soo reebaa wuxuu ilmihiisa siiyay ama sadaqo u baxshay kaddibna dhaxal ahaan ugu soo noqday. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 790-aad cutubka hibada).

Suáal 289-aad: Qofku wax uu sadaqeystay ama hibo u baxshay, haddii uu suuqa ku arko sheygii laftiisa dib ma u soo iibsan karaa?
Jawab 289-aad: Maya. (Daliil: Xaddiiska 794-aad cutubka hibada).

Suáal 290-aad: Qofku muxuu ku sameyn baadida uu meel ama jid ka helo?
Jawaab 290-aad: Hadday yihiin wax yar oo aan macno laheyn wuu qaadan karaa, haddii kale waa inuu xafidaa oo baafiyaa sanad, haddii qofkii lahaa yimaadana waa inuu siiyaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 799-aad cutubka baadida).

Suáal 291-aad: Ma la qaadan karaa wixii ku dhex luma Makka ama ka luma qof xajinaya?
Jawaab 291-aad: Maya. (Daliil: Xaddiiska 808-aad cutubka baadida).

Suáal 292-aad: Wakhtigii Cusmaan Bin Caffaan (r.c.) markii ay baadidu badatay, maxay asxaabtu xal u arkeen?
Jawaab 292-aad: Dowladda Islamka inay gacanta ku dhigto oo iibiso lacagtana loo hayo. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 800-aad cutubka baadida).
Dhammaad qeybihii ganacsiga ee kutubka.

 

pppppp