Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaliyeed?

Kala qaybinta, Googoyta, Qolo qolaynta, kala Qoqobidda Map u samaynta Somalia , ku dhiiri galinta Jufokasta ama Qabiil walba, Yagleelidda Dowlad Goboleed ama Dowlad u gaar ah, waa horseedka burburka Qaranimada Somaliyeed & Khayraadkiisaba, ka qayb qaadashadeeduna waa khiyaamo Qaran ,waa sida uu u arko Qoraaga maqaalku.

Somaliyeey; Qabiilada Somalia intee bay ka kooban yihiin, Yaase tira koobay, Qabiil kastana intee Jufo buu ka kooban yahay.
Suurta gal ma noqonaysaa in Dalku yeesho 100 Jufo oo mid walba dhisto Dowlad ama Dowlad Goboleed, midwalbana hoos tago hubna ka soo qaato sida baryahaan la caadaystay Dowladda ……….. Garanaye adiguba garo.

Qabiilku ama Jufadu haddii ay isku tashato, wax walba ayada baa iskugu filan, samaysan karta, Gaari kartana horumarka ay ku tashato, inta Somalia ku jirto Koomada ama isku imaanayso.
Somaliyeey; Qabiilku- dhaqan, Xeer iyo Nidaam uu waligiis ku soo dhaqmaayay buu leeyahay, Wuxuu kale uu haystaa Distuur uu isku xukumo oo Samaawi ah , haddiise labadaas ay ka shaqayn waayeen , Qabiil Dowlad Sheeganaaya iyo Jufo Dowlad Goboleed Sheeganaysaa, Maamul wanaagsan ma keeni karaa, Qaranimose ma lagu gaarayaa WAA MAYA WAA MAYA -

Deegaan kasta waxaa Xaq loogu leeyahay Inuu xaq dhooro dariskiisa , Sokeeye iyo Shisheeyaba , Kala Nabad galaana , lagana Nabad galo, markase Caqligu lumo- waa marka aad isku tashan waydo, Gacan shisheeyana aad Qoorta gashatid,

Somaliyeey; Hay`ad ama Shaqsi iskama baxsho dhaqaale amaba Lacag , waa inaad u fulisaa danaha gaarka ah ee uu kaa leeyahay, Shacabkana u ma sheegi kartid ujeedada ka danbaysa lacagta lagu soo siiyay ( waa inaad ku sheegtaa¬ waa horumarita Deegaanka iyo Maamulka oo La Wanaajiyo ¬.
Shacabka Somalieeyd - waa ka soo daalay dulan la dulmiyo, hadana uma horayso In la isku soo adeegsado Somali, wayna ka dabaalan jireen, Rabbigoodna waa la garab gali jiray, kuwii dulmin jirayna , waa la yaqaan halka ay ku danbeeyeen.
Kuwa ku howlannow , loona soo xilsaarayow, sheganaayow, Somali baanu samata bixinaynaa, waxaana ka shaqayayaa sidii Dalka u yeelan la haa Dowlad Federal ah, taasina waxayna ku imaan kartaa ayada oo Jufakasta samaysato Dowlad ama Dowlad |Goboleed – Raali ahaada , Shacbigu waa tashan doonaa, waana tashan ayaa, Idin kama yeelidoono ee dadkiina dhinaca ka raaca yaadan dhumine.

Qoraagani wuuu ka digayaa cawaaqibta ka dhalan doonta falalka kor ku xussa , waayo Jufo waxay u sii qayb santaa Faracyo ama laamo. Farackasta ma doonayo inay u Dowladayso mid uusanba waxbaba u ogayn, Taas waxaa ka dhalan doona Burbur iyo colaadd fogaata, waxaana Masuuliyadeeda qaadidoona kuwii ku Taliyay iyo intii ku raacdayba.

Somaliyey; Dalka Dowlad baa ka dhisan la aqoon san yahay waxaan ku taliaayaa ayada aanu Dhoo dhoobanno, aanu toosinno, waa dariiqa ugu dhow uguna sahlan Badbaadinta Dalka iyo dadkaba.

Wabillahi Towfiiq

Avv.Abdullahi Farah Qaarey
Email: avv_qaarey@hotmail.com

pppppp