Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dhinacyada isku haya Soomaaliya magacyadoodu waa kala duwan yihiin, ujeeddadooduse waa isku mid (Faallo)
Guud ahaan dalkii loo yiqiin Jamhuuriyadda Soomaaliya oo asal ahaan ka aas-aasmay midowgii labo qeybood oo ka mid ahaa shantii Soomaali-weyn ee qarnigii 18-aad ay kala qoqobeen gumeystayaashii reer Yurub oo xilligaas 3 qeybood oo Soomaaliya ka mid ah kala gumeysanayey, isla markaana labo qaybood oo kale u hibeeyey dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaan marna ka bixin qas, jawhwareer siyaasadeed iyo dagaalo aan dhammaad lahayn, kuwaas oo sababtooda ugu weyni ay ka mid tahay:
1. Faragelin shisheeye oo isugu jirta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo weliba mid milateriga oo soo shaac baxday wixii ka dambeeyey 1991-kii.
2. Loolan siyaasadeed oo marba weji yeelanayey kana dhex jirey weligiis dhinacyada Soomaalida, kaas oo nuxurkiisu yahay xukun doon iyo sedbursi aan caddaalad ku dhisnayn.
3. Saboolnimo ka dhalatay masiibooyinka dabiiciga ah iyo qalqalka siyaasadeed ee muddada dheer dalku ku soo jirey oo shacabkii ka dhigtey taageerayaal aan kala saari karin xumaanta iyo samaanta, kuna qasabtay in qofku dan bido qado maalmeed, waaba haddii laga helo kuwa la taageerayo oo aad mooddo inay iminka kaba maarmeen taageerada shacabka, maadama ay rabitaankooda ku gaari karaan madfac iyo hoobiye lagu tuuro xaafaha rayidka ama dil qorsheysan oo lala beegsado shakhsigii aan aragtidooda waafaqsanayn.
Inkasta oo qalalaasaha siyaasadeed iyo burburku uu wada saameeyey guud ahaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya, haddana waxaa hubaal ah in wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii hore ee sanadkii 1991-kii in dhibku u badnaa dhanka koonfurta iyo bartamaha oo la aaminsan yahay in ay sidoo kale ku badnayd faragelinta siyaasadeed iyo midda ciidan ee dibedda ka imaanaysay oo aan habayaraatee soo kordhin wax natiijo ah, balse taas bedelkeedii sabab u noqotay dhimashada kumannaan kun oo shacab ah, burburka hanti aan la qiyaasi karin iyo weliba barakac kii ugu badnaa ee abid soo mara dalka.
Waxaa nabaadguur ku sugan dhul beereedkii ku teedsanaa gobollada ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba oo xilliga abaaraha noqda bacaad iyo dhoobo qallalan oo aan biyo lahayn, isla markaana xilli roobaadka ku fataha miyi iyo magaalo intaba, maadama aysan jirin wax biyo-xireen ah, fatahaaddaas oo dhimasho iyo burbur hor leh u geysata dadkii iyo duunyadii ka badbaaday abaaraha ka horreeya xilli roobaadka. Waxaa la xaalufiyey oo dhuxul ahaan loo shiday dhirtii oo dhan, ugaartii ayaa isaga hayaantay dhulka Soomaaliya gebi ahaan si ay uga badbaaddo dilka iyo ugaarsiga lagu hayo.
Dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo badan waxa ay sababeen in marka hore Soomaalidu ka quusato niyaddeedana ka saarto hammigeedii ahaa in la helo SOOMAALIWEYN oo ay ugu dambeysay intii aan gumeystayaashii reer Yurub kala qeybin, sidoo kale waxaa gooni isu-taag ku dhawaaqay isla markaana dib uga noqday ka mid ahaanshihii Jamhuuriyadda Soomaaliya goboladii waqooyi galbeed (Somaliland), kuwaas oo uu iminka ka jiro maamul la soo doorto iyo deganaansho muuqda, balse aan haysan aqoonsi dibedda ah. Waxaa kaloo maamul goboleed shaqeynaya ka hirgalay waqooyiga bari ee Jamhuuriyadda, goboladaas oo ka nolol iyo nabadgelyo wanaagsan koonfurta iyo bartahama dalka, inkastoo ay bilihi ugu dambeeyey ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo kala duwan. Halka Jabuuti ay tahay Jamhuuriyad calankeedu ka babanayo Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee dowliga ah. Sidoo kalena labadii qeybood ee lagu kala daray dalalka deriska ah ay ka deganaasho wanaagsan yihiin Soomaalidii laga soo gooyey qarnigii 18-aad.
Sababta aan dulmarka kooban ugu sameeyey muuqaalka guud ee Soomaaliya waxa ay tahay inaan yare ifiyo xaaladaha aan qofna ka qarsooneyn ee muujinaya rajo laáanta Soomaaliweyn, hase yeeshee u baahan inaan ka fikirno Soomaali-yar.
Haddaba, shacabka ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo iyagu inta badan ka hadla rajo aan muuqan oo ku saabsan Soomaaliweyn waxa ay sanadihii ugu dambeeyey ku jireen maraxalad aad u adag oo ka duwan kuwa ka jira qeybaha kale ee Soomaalida ayaa waxa iminka soo baxaya warar kale oo xambaarsan saansan colaadeed oo wejiyo kala duwan leh, kuwaas oo ka imaanaya kooxaha ku loolamaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay mid koox waliba dooneyso inay weji cusub u yeesho xaaladda iminka jirta, sida:
1. Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo iyadu ka talisa qeybo yar oo ka tirsan magaalada Muqdisho isla markaana ay ciidamo ama ururo iyada taageersan ka dagaalamaan qeybo ka mid ah gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ayaa marar badan ku celcelisay inay qaadi doonto duullaankii ugu dambeeyey ee ay ku dooneyso inay ku qabsato guud ahaan caasimadda Muqdisho iyo degaanada kale ee la xariira, iyadoo ay xeryo ugu jiraan ciidamo badan oo dhowaan la soo tababaray, hase yeeshee aan la hubin weli anshaxooda ciidan sida uu yahay.
2. Qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii hore ee koonfurta Soomaaliya oo marna sheegta inay ka mid yihiin dowladda Kumeelgaarka ah, marna si madax-bannaan u wata howshooda ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inay dhameystireen abaabulka duullaankii ay ku qabsan lahaayeen gobolada koonfureed ee Soomaaliya isla markaana ay hirgelinayaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin lix gobol, inkastoo aysan muuqan taageero rasmi ah oo ay ka haystaan shacabka gobolladaas.
3. Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya wada hadalo hoose oo u socda saraakiil ka mid ah ururada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo la leeyahay waxay qeyb ahaan ku heshiiyeen sidii ay u wada dhisan lahaayeen dowlad Islaami ah oo ay ku mideysan yihiin, iyadoo ay jiraan qeybo ka mid ah labada urur oo ka biyo-diidsan qaabkaas, kuwaas oo dagaal hubeysan iyo mid afka ah intaba isaga soo horjeeda, iyadooo ay hubaal tahay haddii labadaan urur diimeed ee hubeysani ay isku raacaan damaca ah inay dowlad wada dhistaan la hubo inay hurin doonaan duullaan cusub oo ay la beegsadaan degaano iminka nabad ah, taas oo ay dheer tahay shaki ah in kooxo diimeedyadaasi aysan u madax-bannaanayn talada oo ay ka shidaal qaataan meelo kale.
4. Degaano ka mid ah gobollada Banaadir, Hiiraan, Jubbooyinka, Gedo iwm hadda ayaaba dagaalo ka socdaa ama la isku horfadhiyaa.
Qodobada aan kor ku soo tilmaamay iyo kuwo kale oo badan oo ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waa kuwo u baahan talo ku dhisan caddaalad iyo waddaninimo oo ay wada gorfeeyaan inta caqliga iyo cilmiga u saxiibka ah si loo daba-qabto qaranka dumay isla markaana looga hortago cawaaqib xumida ka imaan karta dagaalo cusub oo ka dhex dillaacan dhinacyada xukun-doonka ah ee isku haysta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kooxahaas oo ku kala duwan magacyada ay isticmaalaan hase yeeshee isaga mid ah xukun-jaceylka iyo xasuuqa shacabka.
Dhinaca kale xasillooni iyo kala dambeyn loo dhan yahay oo ka hirgasha koonfurta waxa ay fure u noqon kartaa in dib loo yagleelo (taago) qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran kaas oo ugu yaraan loogu yeeri karo mar kale Jamhuuriyadda Soomaaliya ama Soomaali-yar, maadama ay ceel ku dhacday rajadii ahayd  Soomaaliweyn, hase yeeshee  haddii la helo Jamhuuriyadda Soomaali-yar oo nabad ah ay rajo gelin karto inta ku hartay dalka sidoo kalena dib u soo celin karta qaxootiga ku faafay daafaha dunida oo ay haysato dhibaato ku filan.
Waxaa qorey: MISHOM

 

pppppp