Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaa fuliya Soomaali u adeegta shisheeyaha 

Qeybtii 2-aad

Akhristoow iyadoo aan weli ku guda jirno soo bandhigidda saraakiishii, aqoonyahanadii, ganacsatadii iyo culimadii diinta ee shirqoolada gaadmada ah lagu laayey muddadii uu dalka Soomaaliya ku jiray qalalaasaha siyaasadeed ee sababay qaran-jabka ilaa maanta xalka loo laýahay ayaannu qormadaan ku soo qaadaneynaa warbixin aannu ka soo xigannay mid ka mid ah saraakiisha ka howl-gasha ururada bulshada rayidka ah, kaas oo aan dooneyn in magaciisa la shaaciyo.

Sarkaalkaani oo ka mid ah dadka xogta badan ka haya shirqooladii dhagar-qabayaasha u adeega cadowga ummadda Soomaaliyeed ay ku qaarajiyeen indhihii iyo aqoontii shacabka waxa uu ku billaabay hadalkiisa "runtii tacadiyada dhacay kuma koobneyn oo keli ah dilka saraakiisha iyo aqoonyahanka kale ee waxaa kaloo jirey dad badan oo si sharci darro ah loogu gacan geliyey dalal shisheeye xilligii dagaal-oogayaashu awoodda badan ku lahaayeen koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo ilaa iminka aan la aqoon geeri iyo nolol waxa ay ku dambeeyaan, balse ay ugu war dambeysay markii laga dhoofiyey garoomada Cisaley, Km-50, Dayniile iwm".

Warbixinada ay shabakaddaani heshay ee ku saabsan tacaddiyada dilka iyo dhoofinta isugu jira ee lala beegsaday saraakiisha iyo aqoonyahanada Soomaaliya waxaa kaloo ku jira dad dhalasho ahaan ka soo jeeda dalalka Carabta sida Ciraaq, kuwaasi oo markii hore qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Imaaraadka Carabta, hase yeeshee markii dhammaan dadka aan u dhalan dalkaasi lagu amray in ay isaga baxaan Imaaraadka qaar ka mid ahi u soo tallaabeen dalka Soomaaliya oo ay ka sameysteen ganacsi yar yar oo ay noloshooda ku maareyn jireen, hase yeesee qaar ka mid ah hoggaamiye-kooxeedyadii Soomaalida oo ka faaíideysanaya barnaamijka argagixiso la diririrka reer galbeedka ay ka dhoofiyeen dalka, iyagoo u gacan geliyey heyádaha sirdoonka ee dalal kale, tusaale ahaan waxaa jira 2 nin oo Ciraaqiyiin ahaa oo iyagoo garbaha ka xiran laga dhoofiyey garoonka Km-50, kuwaasi oo la sheegay in laga dejiyey dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa tusaalayaasha la hayo ka mid ah nin dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen maliishiyo hubeysan oo isagoo dhaawiciisii lagu daaweynayo Isbitaalka Keysaney ee ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ay saqdii dhexe ee habeenimo u soo dhaceen maliishiyo ka amar-qaadanaysay mid ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii, ninkaasi oo laga dhoofiyey garoonka Cisaley lagana dejiyey dalka Kenya.

Tacadiyaddu intaas kuma ekayn ee waxaa jirey dilal aad u badan oo lagu qaarajiyey culimo-uddiin qaarkood imaamyo ka ahaayeen Masaajidyo ku yaal magaalada Muqdisho iyo weliba tiro kale oo badan oo la xaqiijiyey in maliishiyooyin Soomaali ahi gaadiidka dhulka uga qaadeen gudaha dalka Soomaaliya isla markaana u gacan geliyeen sirdoonka dalka Itoobiya.

Warbixinta maanta ee saraakiisha iyo aqoonyahanada gaadmada lagu qaarajiyey intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2009 waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee:

1. Dr. Cabdulqaadir Yaxye oo agaasime ka ahaa mid ka mid ah heyádaha bulshada u adeega. Cabdulqaadir habeen saqdii dhexe ayaa dabley aad u hubeysani ugu dhaceen gurigiisa oo ku yiil xaafadda Buulo-Xuubey ee koonfurta magaalada Muqdisho, wuxuuna u dhintey rasaas ay si toos ah ula dhaceen dableydaasi oo la sheegay inay hore u sii qaateen maclumaad uu ka mid ahaa computerkii marxuumka u isticmaali jirey qoraaladiisa.

 

2. Cabdiraxmaan Warsame Cilmi oo hore u ahaan jirey maamulihii dugsigii sare ee Jamaal Cabdinaasir ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qaarajiyey isagana koonfurta magaalada Muqdisho.

 

3. Col. Yaasiin Cilmi (Dhuuxweyn) waxaa dabley hubeysani ku toogteen gudaha suuqa Bakaaraha.

 

4. Ganacsade Cabbaas Ducaale oo ka mid ahaa guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa isagana gaadmo lagu dilay.

 

5. Dr. Cali Imaam Sharmarke oo ka mid ahaa mulkilayaasha idaacadda horn afric aya isagana bam lagu xirey baabuurkiisa lagu qaarajiyey xilli uu ka soo laabanayey duugta mid ka mid ahaa warfidiyeenada heyáddaasi oo isla subaxnimadaas gaadmo lagu dilay.

 

6. Mahad Maxamed Cilmi waxa uu ahaa madaxa idaacadda capital voice ee magaalada Muqdisho waxaana dabley hubeysani gaadmo ku toogteen xilli uu ku soo jeeday idaacaddii uu ka howl geli jirey.

 

7. Ganacsade Bashiir Nuur Geedi islamarkaana ahaa agaasimaha idaacadda Shabelle aya gaadmo lagu dilay goor habeen ahayd xaafadda Xamar-jadiid ee koonfurta magaalada Muqdisho.

 

8. Madiina-General oo ka mid ahaan jirtey haweenka u ololeeya nabadda ayaa xilli ay ku guda jirtey qeybinta deeq la gaarsiinayey dadweynihii ka barakacay dagaalada Muqdisho oo ku sugnaa xero qaxooti oo ku taal inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye gaadmo lagu qaarajiyey.

 

9. Siciid Tahliil Axmed oo ahaa agaasimihii Idaacadda horn afric ayaa shirqool lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha kaddib markii halkaasi ay ku ballamisay mid ka mid ah kooxaha isaga soo horjeeday talada magaalada Muqdisho, inkastoo ay iska fogeeyeen inay iyagu ku lug lahaayeen dilkaasi.

Dhammaan dilalka kor ku xusan ee loo geystay saraakiisha ciidamada, gancsatada, weriyayaasha iyo aqoonyahanada kale waxaa gacmahooda ku fuliyey dhagar-qabayaal Soomaali ah, hase yeeshee ay u badan tahay inay u adeegayaan cid aan Soomaali ahayn, kuwaasi oo sida aan ku caddeynay qeybtii 1-aad ee warbixinada u qabta howshaan dhaqaale yar oo la siiyey, jago loo ballanqaaday ama fikrad qaldan oo laga dhaadhiciyey.

 

La soco qeyb kale oo ka mid ah warbixinada aan ku soo bandhigeyno ugaarsiga lagu hayo indhaha bulshada Soomaaliyeed, iyadoo qofkii ama heyáddii maclumaad ka haysa arrintaan ay inoogu soo diri karto emailka:

www.somaanta@hotmail.com

 

pppppp