Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Axmed M. Xasan "Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada waxaa fuliya Soomaali u adeegta shisheeye"

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya bishii janaayo 1991-kii waxaa halakeeyey oo halaagay guud ahaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta holaca dagaalo wejiyo kala duwan soo maray, islamarkaana loo isticmaalay magacyo kala duwan haddii ay ahaa lahaayeen kuwo qabiil oo qabyaalad ku qotomay, kuwo shisheeye ka qayb-qaatay oo rajo soo celin loogu magac daray, kuwo hoggaamiye kooxeedyo oo siyaasad loo ekeysiiyey iyo kuwa iminka ay isaga soo horjeedaan cimaamadleyda huwan magaca diinta.
Dagaaladaas marba marxaladda soo maray waxaa dhinac socday dilal qorsheysan oo lagu qaarajinayey siyaasiyiinta, saraakiisha ciidammada, culimada, saxaafiyiinta iyo waxgaradka qeybihiisa kala duwan, iyadoo dilalkaas ay gacantooda ku fuliyaan maangaab Soomaali ah, hase yeeshee u adeegaya shisheeye danihiisu kala duwan yihiin.
Haddaba, shabakadda www.somaanta.com oo ku howlan inay soo bandhigto maclumaad badan oo bulshada loogu iftiiminayo cidda ka masśulka ah ugaarsiga waxgaradka Soomaaliyeed si looga feejignaado waxa ay waraysi kala duwan la yeelatay indheergarad Soomaaliyeed oo xog-ogaal u ah waxyaabihii ka dhacayey dalka sanadihii ugu dambeeyey, waraysiyadaasi oo aan mid mid idinkugu soo gudbin doono, iyadoo waraysi annu kala yeelanay arrimahaasi Axmed Maxamuud Xasan oo ka mid ah indheergaradka Soomaaliyeed oo sanadihii ugaarsiga lagu laynayey saraakiisha iyo aqoonyahanada kala duwan ee Soomaaliyeed ku sugnaa dalka, islmarkaana shaqooyin ka soo qabtay koonfurta dalka, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne, isagoo markii ugu dambeysay la shaqeynayey ama xubinka ahaa guddi u xilsaarnaa diyaarinta dastuur ay Soomaaliya yeelato, kuwaasi oo arrintaasi kala shaqeynayey dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu hoggaaminayey Col. Cabdullaahi Yuusuf iyo heyįdda UNDP oo arrintaasi ka caawineysay, waraysigii aan Axmedla yeelanayna waxa uu u dhacay sidatan:
Suáal: Axmed ugu horreyntii tiro intee la eg ayaad ku qiyaasi kartaa saraaiisha, culimada, saxafiyiinta & waxgaraka kale oo gaadmada lagu dilay sanadihihi la soo dhaafay?
Axmed: Waa jireen dhagarro badan oo aan aad loogu baraarugsanayn waqtiyadii hore, hase yeeshee waxaa markaliya indhaha Soomaalida ku tooseen sanadkii 2003 dhammaadkii Dawladdii Carte oo saraakiishii Nabad-sugidda, iyo Boliskii la shaqeeyay Dawladda hal mar ugaarsi lagu billaabay. Inkastoo ay adag tahay in tira dhab ah la helo, maadama meelo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan la fuliyey ugaarsigaas, haddana waxaan ku qiyaasi lahaa boqolaal. Marka laga soo bilaabo sanadkii 2001 Dumintii Daarihii Maraykanka oo la dhihi karo waxaa dilal wejiyo kala duwan leh loo geystay saraakiil iyo culimo badan, waxaana dalka ku soo kordhay wixii xilligaas gacmaha sida qarsoon ugu adeegayey shisheeyaha.

Suáal: Fikradda ugaarsiga ma waxay ka timid Soomaalida dhexdeeda mise shisheeye ayaad is leedahay?
Axmed: Inkastoo shaqadaa lagu qabanayey si qarsoodi ah haddana waxaa jiray muuqaalo laga dheehan karo fikradaha ka dambeeya dilalkaa qorshaysan, maadaama dadka la dilayay ay ahaayeen, indhihii bulshada waa cadayd in shisheeye ka dambeeyo , laakiin waxaa muuqan karay gacanta fulinta inay ahayd ama weli tahay Soomalida.

Suáal: Wakhtigee ugaarsiga ugu badan lagu dilay saraakiisha Soomaaliyeed?
Axmed: Waxaa la dilay saraakiisha iyo aqoonyahanada kala duwan ee ugu badan intii u dhexeysay sanadihii 2005- 2008.

Suáal: Kooxaha wax dila mabd´ahaan miyey wax u dilaan mise dhaqaale ahaan?
Axmed: Fikradda guud waa mabda, ah in la tirtiro aqoonta iyo waayo araga waddanka si ay u sahlanaato adeegsiga waxmagaratada aan aqoonta iyo waayaáragnimada midna lahayn, hase yeeshee waa suurtogal in kuwa dilka fulinaya qaarkood u fuliyaan fal-dembiyeedkaas dhaqaale yar oo la siiyo, waxaanse filayaa in ay maanta badan yihiin kuwa wax qaldan oo ay aaminsan yihiin u dilaya aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Suáal: Dhinacyada fuliya dilalka sidee u kala bar-tilmaansadaan dadka ay dilayaan?
Axmed: Inta aan aragnnay, waxay isticmaalayeen xeelado farsamo ahaan isku dhow, ayadoo qolo walbaa bartilmaameed u yahay qofka hawshooda ama dhagartooda garan kara, inta badana maanta waxaa la isticmaalaa shaar diimeed, inkastoo ay jiraan qolooyin kale oo aan dhinacyada diinta ahayn oo qeyb-weyn ka qaata ugaarsigaas lagu tirtirayo indhaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaan tusaale ahaan uga xusi karaa saraakiishii lagu laayey ugaarsigaasi:
1. Colonel Abdulahi Mohamed Warsame (Nero) oo la dilay April 2003 xilli uu ka soo baxayey gurigiisa oo ku yiil Jaamacaddii Lafoole, waxaana raggii dilkaas fuliyey ay kaga yimaadeen marxuumka 3 jiho oo kala duwan, maadama ay ogaayeen inuu ahaa sarkaal aad u tababaran, iyadoo weliba dhagar-qabayaashii dilka geystay 2 ka mid ah ay u geeriyoodeen rasaas ay ku soo fureen dadka degaanka oo ku soo baxay dagaalkii dhex maray sarkaalka iyo dableydii dilka geysatay. Shirqoolkaasi waxaa kaloo isla saacaddaas lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabi jirey Aadan xilli uu ka soo baxayey gurigiisa oo ku yiil degmada Xamar-jajab.
2. Colonel Ismail Haji Osman oo la dilay 14/08/2004.
3. Mohamud Abdinur Aadan (Bataar) oo la dilay 2004.
4. General Sarinle oo la dilay 2005.
5. General Mohamed Cabdi oo la dilay 2004.
Axmed waxa uu sheegay in magacyada saraakiishaasi uu u soo qaatay oo keliya tusaale ahaan, balse ay jireen shirqoolo kala duwan oo la mid ah kuwa lagu dilay saraakiishaasi oo lagu laayey aqoonyahano, saraakiil ciidan, ganacsato, weriyeyaal iyo in kale oo aad u badan, welina arrintaasi waa socotaa oo ma ahan mid xal loo helay.
Axmed oo aan weydiinay bal inii sii faahfaahiyo halka ay ka soo kala jeedaan kooxaha ugaarsiga ku haya saraakiisha iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, waxa uu yiri "kooxaha ugaarsiga ku dila saraakiisha Soomaaliyeed ee u adeegaya shisheeyaha waxa ay ka mideysan yihiin in la tirtiro aqoonta Soomaalida, haddii la sii kala qaadana kooxihi waxay dilaan qof kasta oo la soo shaqeeyey dowlad, xitaa haddii uu ahaa askari ama shaqaale caadi ah, hase yeeshee waxaa jira kooxo bar-tilmaameedkoodu yahay saraakiisha iyo aqoonyahanada sida gaarka ah u tababaran oo xirfado iyo waxbarasho gaar ah leh" si ayuu yiri loo waayo sarkaal ama aqoonyahan fahmi kara shirqoolada loo dhigayo shacabka dhan kasta looga soo duulay, sidoo kalena loo waayo shakhsi xog-ogaal u ah iyo weliba taariikh qoran oo ku saabsan sooyaalkii Soomaalida, maadama la burburiyey dhammaan keydadkii qoraalada siyaasadda dibedda, dhaqaalaha, ganacsiga, ciidammada iwm.
Dhammaad
Waxaa waraystay: Tifaftiraha guud ee www.somaanta.com

pppppp