Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada waxaa fuliya Soomaali u adeegta shisheeyaha

Qeybtii 4-aad:

Dembiyada iyo tacadiga loo geystay guud ahaan dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ilaa ´iminka socda kuma koobneyn dad la dilay, la dhaawacay, la xiray, la afduubtay ama la barakicyiey ee waxaa kaloo jirey burbur guud iyo dhac loo geystay dhammaan hantiidii qaranka haddii ay ahaan lahayd bad, berri iyo cir intaba, iyadoo dhaca, bililiqada iyo burburinta ay maliishiyooyinka Soomaalidu fuliyeen ay barbar socotay bililiqo baaxadweyn oo dhinacyada kheyraadka badda ay ku xaalufiyeen Kalluumeysato ka kala timid dalalka dunida oo oo si sharci darro ah shabaakado waaweyn oo aan waxba reebayn u dhigtay badaha Soomaaliya, kuwaasi oo aakhirkii sababay dhibatada maanta xalkeeda meel kasta laga doonay ee burcad-badedda Soomaalidu ku hayaan Maraakiibtii ganacsiga iyo dalxiiska.
Xaalufinta kheyraadka badda, isticmaalka hawada iyo dhoofinta ugaarta iyo dhirta Soomaaliya, waxaa ka sii daran qeybo badan oo badda Soomaaliya ka mid ah oo lagu aasay sunta iyo wasakhda haraaga ah ee laga keenay dalalka horumaray, kuwaasi oo qandaraaslayaal baafiyo ahi fuliyeen, iyagoo heshiisyo la galay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo saxiixooda lagu faafiyey warbaahita caalamiga ah, taasi oo qeyb ka qaadatay ama sabab u noqotay dilka weriyeyaal dabagal ku hayey sidii ay u soo bandhigi lahaayeen fadeexadda ku saabsan sunta lagu saasay badaha dalka Soomaaliya iyo dadkii ka qeyb-qaatay oo la hubiyey inay ku jireen hoggaamiye-kooxeedyo Soomaali ah iyo siyaasiyiin Talyaani ah.
Taariikhdu duug ma noqoto mana dhuumato ee weriye Alaria Albi iyo filim-qaade Miran Krovatin oo u shaqeynayey telefishinka RAI-3 ee dalka Talyaaniga ayaa qalabka u qaatay soos faagidda iyo dabagalka xogta la xariirtay suntii lagu aasay dalka Soomaaliya iyo shakhsiyaadkii ka qayb-qaatayba, hase yeeshee nasiib darro goor galab oo ay taariikhdu ahayd 20 maarso 1993-kii ayaa iyaga oo ku sugan hoteelka Saxafi ee koonfurta magaalada Muqdisho waxaa loo soo direy teleefoon iyadoo loo sheegay in ay ka soo qeybgalaan shir saxaafadeed muhiim ah oo lagu qaban doono hoteelka Amana ee waqooyiga magaalada Muqdisho, iyadoo xilligaas magaaladu u kala qeybsanayd wixii loogu magac daray qadka cagaaran oo ay ka kala talin jireen hoggaamiye-kooxeedyo xilligaas awood badan ku lahaa koonfurta Soomaaliya.
Labada weriye oo waraysiyo hore ula soo yeeshay qaar ka mid ha raggii la tuhmayey, sidoo kalena ballan la lahaa qaar kale oo raggaas ka mid ah, waxaa la sheegay in ay doonayeen in qeyb ka mid ah baaritaankooda ay habeenimada 20-ka maarso ka sii deyn lahaayeen telefishinka ay u shaqeynayeen, balse tasi ma dhicin oo waxaa la maleegay qorshihii lagu dili lahaa si loo daboolo fadeexada ay daba taagnaayeen soo saaristeeda, waxaana dabley hubeysan loo sii geliyey waddada u dhexeysa hoteelkii Jubba iyo Safaaraddii hore ee Talyaaniga. Dableydaasi oo rasaas aad u tiro badaan madaxa kala dhacay labadii weriye ilaa ay goobtii ku qurbaxaan, halkaasna ku baabáy baariaankii, inkastoo Talyaanigu isku deyay bilowgii hore inuu dabagal ku sameeyo qaabkii iyo ciddii ka dambeysay dilkaasi, balse tasi horumar badan ma sameyn, marka laga reebo nin Soomaali ah oo lagu tuhmayey ku lug lahaanshaha dilkaasi si shirqool ah lagu geeyey dalka Talyaaniga kaddibna xabsiga la dhigay.
Tacaddiyada dilka iyo burburinta ah kama koobneyn oo keli ah shakhsiyaad iyo shirkado ee waxaa ka qayb-qaatay dowlado badan oo awood siyaasadeed, dhaqaale iyo mid ciidanba leh, sida howlgalkii UNITAF/UNISOM oo ay ka qayb-qaateen in ka badan 30 kun oo ciidammo shisheeye ah oo ka kala socday dalal kala duwan, kuwaasi oo markii hore dalka ku yimid gurmad la magac baxay RAJO SOO CELINTA oo cunto gargaar ah lagu gaarsiinayey kummannaan qof oo Soomaali ah oo macluul aad u daran ku haysatay koonfurta dalka kaddib markii ay degaanadoodii iyo hantidoodii burburiyeen dagaaladii qabaaílka ee ay hormuudka u ahaayeen hoggaamiye-kooxeedyadii dalka burburiyey.
Howlgalka ciidamada shisheeyaha ee ku bilowday gurmadka gargaraka baniáadnimo waxa uu durbadiiba faraha la galay dagaalo baán oo ay ku naf-waayeen dumar iyo carruur aad u badan, iyadoo goobaha qaar ay ka dhaceen wax lagu sifeyn karo xasuuq toos ah oo ay ciidammadaasigeysteen sida duqeyn ay la beegsadeen diyaradaha Mareykanku guri ay ku shirsanaayeen siyaasiyiin, odayaal iyo waxgarad kale oo aad u badan, gurgaasi oo ciidammada Mareykanku oo tuhmayey inuu ku sugnaa Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid oo ay si weyn u baadi-goobayeen ay si xun u duqeeyeen islamarkaana ay ku dileen in ka badan 70 qof oo siyaaiyiin, odayaal, culimo-udiin iyo dad kale isugu jirey, iyadoo dadka halkaasi ku dhintey uu ka mid ahaa weriye Yuusuf Maxamed Cabdi (Afgooye) oo aan filayo inuu ahaa weriyihii 6-aad ee ku geeriyooday dagaaladii kala duwanaa ee Muqdisho ka dhacay laga soo billaabo 1991, iyadoo maliishiyo beeleed hubeysani ay bishii april ee sanadkii 1991-kii toogteen 5 ka mid ahaa weriyayaashii Radio Muqdisho, kuwaasi oo kala ahaa Xaange, Mahad-cadde, Cabdulqaadir Iidle, Abuukar M. Nuur iyo Cabdi Sheekh Cali.
Duqeyntii diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay u geysteen guriga ay ku shirsanaayeen waxgaradka Soomaalida ah ee ka tirsanaa ururkii SNA ee dagaalada kula jirey ciidammada Mareykanka ayaa waxaa si weyn uga carooday taageerayaashii ururkaasi oo ku qamaamay weriyayaal ajnabi ahaa oo ka kala socday wakaaladaha Reuters iyo AP, kuwaasi oo doonayey inay sawirro ka qaadaan gurigii xasuuqu ka dhacay, balse nasiib darro ilaa 4 nin oo ka tirsanaa weriyayaasha ayaa goobtii lagu dilay, iyadoo 2 maalmood kaddibna mid ka mid ahaa weriyayaashii shisheeyaha la toogtey, iyadoo wixii ka dambeeyey dhacdooyinkaasi ay caadi noqotay dilka iyo ugaarsiga weriyayaasha ajnabiga iyo kuwa Soomaalida ahba.
La soco qeyb kale oo ka mid ah taxanaha dilalka shirqooka ah ee ka socda Soomaaliya, iyadoo qofkii ama heyáddii xog rasmi ah ka haysa arrimahaani ay noogu soo diri karto emailka: www.somaanta@hotmail.com

pppppp